Faa’idada Kilyaha Lo’da Iyo Xanuunada Ay Jirka Ka Caabiyaan

Inkastoo bulshada Soomaalidu ay aad u cunaan hilibka hadanna badankoodu kuma baraarugsana qiimaha caafimaad ee kilyaha xoolaha.

Haddaba casharkaan maanta iyo casharro kale oo soo socdaba waxaan kaga hadli doonaa nafaqada iyo caafimaadka ku jira kilyaha xoolaha si loo ogaado faaidooyinkooda, innaga oo mid mid u dul istaaggi doona sida kilyaha lo’da, kilyaha ariga iyo kilyaha geela.

Casharkeenna maanta waxaan ku soo gudbinaynaa kilyaha lo’da.

Kilyaha lo’du waa cunno nafaqo kala duwan xambaarsan, waxa ay hodan ku yihiin fitamiinnada B, fitamiin A, iyo macdanaha xadiid, zinc, selenium, copper iyo phosphorus. Waxaa kaloo ku badan barootiinta.

Kilyaha lo’du waxay ka mid yihiin cunnooyinka ugu fiican ee laga helo fitamiin B12. Fitamiinkani waxa uu aad muhiim ugu yahay habdhiska neerfaha jirka, wuxuu kaloo caawiyaa samayska unugyada cascas ee jirka.

Faaidooyinka caafimaad ee kilyaha lo’da:

Bacriminta:

Killida lo’da waxaa ku jira asiidhka amino ee loo yaqaanno “ergothioneine” kaas oo wanaajiya uur qaadista haweenka. Waxaa kale oo laga helaa dufanka omega 3 oo kodhiya bacriminta. Maadada folate ee ku jirta killida lo’da, waxa ay ka mid tahay nafaqooyin u wanaagsan uur qaadista, waxay kale oo aad muhiim ugu tahay hooyooyinka uurka leh, maadaama ay door wayn ka ciyaarto koriimada uur jiifka.

Kobcinta aragga:

Kilyaha lo’da waxaa ka buuxa fitamiin A kaas oo kodhiya awoodda aragga kana hortagga cilladaha aragga lumiya sida caadka indhaha fuula iyo cilladda indho beelka habeenkii ee ay Soomaalid u taqaanno “habeenada” ama “habeenisowga”. Sida oo kale, fitamiinkani wuxuu u fiican yahay caafimaadka maqaarka.

Kodhinta tamarta:

Kilyaha lo’da waxaa ku badan fitamiin B12 kaas oo muhiim u ah tamar siinta iyo habsami u shaqaynta habdhiska neerfaha.

Koriimada caruurta:

Kilyaha waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo door wayn ka qaata koriimada iyo kobaca caruurta.

Qaab dhismeedka jirka:

Kilyaha waxa ay qani ku yihiin barootiinno aad loogu dhergo. Tani waxa ay caawisaa in xilliyada cunnada sida quraacda, qadada iyo cashada inta u dhexeyso uusan qofku cunin kalooriyo badan.

Fitamiinnada B ee ku jira kilyaha lo’du waxa ay kalooriyada u bedelaan tamar la isticmaali karo sidaas darteed waxay caawiyaan wanaajinta qaab dhismeedka jirka.

Dhiig yarida:

Kilyaha waxaa ka buuxa macdanta xadiidka taas oo muhiim u ah samayska iyo helida dhiig caafimaad leh. Cunista kilyaha lo’du waxa si dabiici ah u kordhisaa dhiigga.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *