HADDII AAD MASEYR BADAN TAHAY AHOOW HAWEENAY CAAQILAD AH!

Maseyrku sidiisaba waa sheydaan sheydaana waa laga adkaan karaa,dumar badan ayaa marmarsiinyo ka dhigta waa wax nalagu abuuray, qaarna waxay halheys ka dhigtaan dumarkii saxaabadaba way maseyri jireen nacam way maseyri jireen laakiin noocma ayuu ahaa maseyrkooda
ma wuxuu ahaa mid ay isku hortaagayaan guurka?…mise wuxuu ahaa mid ay ku waxyeeleynayaan zowjkooda?

jawaabtu waa maya oo wuxuu ahaa mid tartan iyo xifaaltan ah oo dhexdooda yaala mid waliba waxay xoogga saari jirtay inay iyada dhankeeda u soo weeciso, laakiin macal aasif manta dumarkii qaas ahan kuwa soomaaliyeed maseyrkoodu wuxuu noqday mid waxyeelo ba’an keena ,isla markaana ay gacmahooda ku dumiyaan gurigooda.

halkaana ay saameyn ku yeelato caruurtooda waxaa kaaga sii darran in dumarkaa soo dumiyay gurigooda arkayna xanuunka uu leeyahay maseyrka inay iyagii faraqa ku ritaan nin reer leh dab iyo baasiina ku noqda reerkii dhisnaa, halka iyagii ay diideen in lala qeybsado raggooda haatanse diyaar u ah in maskiintoo ay wadna xanuun ku ridaan waxaa wanaagsan in aad isticmaasho sifaadkii laguu abuuray oo ah in hawenka ay dhagri karaan raga siduu Allah ku sheegay quraanka kariimka ah waa inaad xoogga saarta sidii aad ku soo jiidan lahayd qalbigiiisana u degi laheyd adigoo eegaya maslaxadda reerkaada iyo tan caruurtaada,

tanaasulka waa furaha kaliya ee kuu keeni kara wax walba oo wanaag ah guusha uGu weyn ee aad gaari kartaa waa adigoo aan zowjkaada ka weydiin wax su’aal ah oo ku saabsan xaaskaa aad bay ragga u jacelyihiin in aan wax laga weydiin dhankaa wuxuuna kuu muujinayaa kalsooni iyo inaad tahay qof dhan maadaama aad iskala weynaatay
inaad weydiiso dengaladaada ,

sharaftu waxay ku jirtaa adigoo reerkada dhaqda una samra wax kasta oo carqaladeyn ku ah guurkaaga waayo samirka iyo dulqaadka aad u muujiso zowjkaadu waa ajar iyo raalli ahaanshaha Allah .
soo diyaarintii iyo isku dubbaridkii walaashiin

W/Q: Fadumo Geedi 

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *