Go’aan Qaadashada Habboon

GO’AAN QAADASHADA HABBOON:

Waxaa jiray laba kooxood oo carruur ah, oo ku kala ciyaaraya laba waddo uu leeyahay Tareenku. Labadaa waddo middood ayaa ahayd mid hallaysan, halka tan kale ay shaqaynaysay. Waxaa jiray kolkaa hal wiil oo ku ciyaaraayey waddada hallaysan. Kooxda carruurta ah inta hartayna waxay ku ciyaarayaan waddada shaqaynaysa ee la rabo Tareenku in uu maro.

Ka soo qaad marka in aad adigu joogto halka laga hago labadaa waddo-midda Tareenku raacaayo-. Isla markaanaa waxaad hal mar u wada jeeddaa carruurta oo ciyaaraysa iyo Tareenka oo soo xiimaaya. Waxaad haysataa ilbiriqsiyo kooban si aad go’aan uga qaadatid waddada aad marsiinayso Tareenka.

Labada go’aan aad haysatid baa kala ah: 1. In aad iska dayso Tareenka, ha maree waddada loogu tala galay in uu maro, dabadeedna uu laayo kooxda carruurta ah. 2. Ama in aad marsiiso waddada hallaysan oo uu dilo halkaa Cunug. Go’aankee qaadan lahayd? Waddadee se marsiin lahayd? Maxaa se kasoo bixi kara go’aankaa aad qaadatay?

Aan lafa gurno arrintaan. Inteenna badan, waxay u arkaan in hal Cunug dhimashadii ka roontahay dhimashada koox carruur ah. Waana sida ugu macquulsan marka aynu u fekerno qaab laab-lakac ah. Tolow go’aankaa ma toosanyahay marka? Ma dhici kartaa in ilmaha ku ciyaaraya waddada hallaysan uu ku talagal halkaa ku aaday, si uu uga fogaado khatarta ka imaan karta hadduu ku ciyaaro waddada shaqanaysa ee Tareenku soo maro? Kolkaa aynu isaga dooranay si uu dhinto!

Dhanka kale, in carruurta kooxda ahi ay yihiin kuwo dheeldheel ku jira iyo dhayalsi oo si ula kaca ah ugu ciyaaraya waddada shaqaynaysa, ee Tareenku in uu soo maro looga bartay.

Arrintaanu waa mid ka dhex jirta bulshooyinkeenna; xitaa waxay ka muuqataa go’aamadeenna siyaasadeed ee Dimuqraadiga ah. Waxaynu ku tumanaa go’aamada dadka tirada yar, innaga oo tixgelinayna kuwa tirada badan, innaga oo aan si fiican u lafagurin, xitaa haddii tirada badan ay yihiin kuwo doqomo ah oo go’aankoodu yahay mid aan maangal ahayn, halka ay dhici karto in tirada yari ay saxantahay.

Waxaan dhihi karnaa markaa: Ma aha go’aan saxsan in laga beddelo Tareenka waddadii uu ku socday. Sababahaan awaadeed:

  1. Carruurta ku ciyaaraysaa waddada shaqaynaysaa, waa ay ogyihiin in Tareen soo maro, kolkaa iyaga ayaa carari doona marka ugu horraysa ee ay maqlaan guuxa Tareenka.
  2. Haddii waddada shaqaynaysa laga weeciyo Tareenka, oo loo weeciyo tan aan shaqaynayn, waa hubaal in uu dhimanaayo cunugaas. Maxaa yeelay kama cararaayo isagu Tareenka, oo wuxuu ku seexday in uusan waddadaan soo marayn Tareen, sidii lagu yaqiin.
  3. Waxaa muuqata in waddadaa aan shaqaynayn oo Tareenku uusan marin oo la iska daayey, ay tahay mid aan bad qabin. Kolkaa haddii Tareenka waddadaa la mariyo ma dilaayo wiilka yar keliyaata ee waxaa sidoo kale dhibi soo gaari kartaa Rakaabka Tareenka saaran, waxayna galayaan halis. Kolkaa badbaadinta carruur kooban, ayaa keeni karta in ay le’edaan boqolaal rakaab ah.

Nolosheenna, waxaa ka buuxa qaadashada go’aamo culculus, laakiin waxaynaan ogayn qaadashada go’aanka lagu degdego in uusan inta badan ahayn mid habboon.

Dulucda Sheekada

Xusuusnoow in go’aanka toosani yahay inta badan mid aysan dadku wada soli karin; kan ay dadku wada soli karaanna, ma aha inta badan kan habboon. Laab-lakaca oo laga dheeraado marka go’aan masiiriya oo wax-ku-oola la qaadanayo, waxay kaa badbaadinaysaa ku dhicidda dhibaatooyin aan laga soo kaban karin, oo laga fogaan karay.

WQ: Maxamed Cabdulaahi Fariix. Buuggiisa Fanka maaraynta go’aamada
WT: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *