Fiskoolada Dabada (Anal fissure): Sababaha Keena & Sida Guriga Loogu Daryeeli Karo

Saxarada waxaa si kumeel gaar ah inta aysan jirka ka soo bixin lagu keydiyaa malawadka/maroorka. Fiiskolada dabada  waa jexitaan ku yimaada futada gaar ahaan marinka saxarada, astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah  xanuun waqtiga saxarada iyo dhiig la socdo saxrada mararka qaar, badanaa waxa uu saameeyaa caruurta  ka hoosaysa  da’da halka sano.

Sababaha ugu badan ee fiiskoolada dabada u keena dadka waaweyn waxaa kamid ah calool istaag iyo jug soo gaarta dabada .

Waxaa adkaata in uu qofku kasoo kabsado xanuunkaan taas oo loo aaneynayo  in bukaanka uuna ka taxadarin amaba uuna dhageysan tallada dhaqtarka taas oo keeni karta in mar labaad dib usoo noqoto fiiskooladu. Si kastaba ha ahaatee, qofka ka dhaga adkeysta daaweynta waxaa loo baahdaa qaliin daruuri ah si loo saxo fiskoolada .

Waa maxay astaamaha fiiskoolada dabada?

Calaamadaha iyo astaanta fiiskolada dabada waxaa ka mid ah:

  • Xanuun futada laga dareemo
  • Xanuun yimaada marka la kaadinaayo
  • Dhiig kasoo muuqda saxarada dusheeda
  • Dhiig ama boog cadaan ah oo kasoo muuqda futada.

Sababha keena fiiskoolada dabada waxaa ka mid ah:

  • Calool istaag daran
  • Saxarad oo adag
  • Dhaawac amaba jug soo gaarto futada
  • Dhalmada
  • Kansarka malawadka

Dilaaca ku yimaada futada lama xariiro cudurada daran sida kansarka mindhicirada ku dhaca, inkastoo kansarka futada iyo fiiskoolada futada is shabahaan oo ay wadaagaan sababaha iyo astaamaha qaar. Waxaase la hubiyaa marka baaritaan uu sameeyo dhaqtarka waxaa soo cadaata waxa uu yahay xanuunka. Booqasho aad ku sameyso dhaqtarkaaga waxa ay kaa badbaadin kartaa xanuun kan.

Sidee guriga loogu daryeeli karaa fiiskoolada dabada?

Ku xirnoow dhaqtarkaaga marwalba, talooyinka guud waxa ka mid ah

  • Mari walxa jilcan futada (sida waxyaabaha ka sameysan kareemka iyo jeelka)
  • Iska mayr saxarada si fiican
  • Ku fadhiiso biyo diiran oo cusbo leh  si marinka looga nadiifiyo bakteeriyada

Sidee looga hortagi karaa fiskoolada dabada?

Inta ugu badan fiiskolada futada waxaa keena calool istaaga. Talooyinka waxa ka mid ah

  • Cun cunto ay ku badan tahay maadada loo yaqaano fiber
  • Cab biyo badan si loo jilciyo saxrada

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *