Farqiga Maskaxda Wiilasha Iyo Gabdhaha

Qormadan maanta waxaynu akhristayaasha kula wadaagaynaa arrimo door ah oo ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in ay ku kala duwan yihiin innamada iyo habluhu. Qodobbadan oo ka soo baxay daraasado ay xeeldheerayaashu si gaar ah ugu sameeyeen kala duwanaanshiyaha dhinaca shaqada maskada ee wiilasha iyo gabdhaha waxa aynu ka soo xiganay wargeyska Ad-Dastuur, waxa aanay yihiin sidan:

1. Maskaxda qaybteeda qaabilsan hadalka waxa ku fiican hablaha marka la barbar dhigo innamada, taas macnaheedu waxa uu yahay in habluhu ay innamada ka hor bilaabaan hadalka, waana ta keenta caadada ah in habluhu ay mar walba jeclaadaan hadalka halka innamaduna ay u badan yihiin dhanka aamuska.

2. Maskaxda qaybteeda qaabilsan wax dhiska iyo wax hiigsiga waxa in badan hablaha kaga wanaagsan innamada, taas awgeed ayaanay innamadu mar walba ugu guulaystaan shaqooyinka dhismaha iyo Injinneernimada. Sida ay khubaradu sheegeen wanaagga innamada cidda ugu badan ee ka faa’daysataana waa hablaha waayo, maskax kasta oo uu inanku leeyahay waa uu shaqaynayaa dhisayaa cidda ugu dambaysa ee dhismihiisaa iyo Shaqadiisaa ku faa’daysataana waa dumarka.

3. Innamadu waa ay ka dhaqdhaqaaq badan yihiin hablaha, tusaale ahaan inanku waxa uu bilaabaa socodka iyo orodka qiyaas ah saddex bilood ka hor hablaha, arrintan laftigeedu waxa ay dan u tahay hablah oo nasiib u hela in waqti dheeraad ah ay u helaan koolkoolin iyo xanaanaynta waalidka waa inta ay yaryihiin ee, maadaama oo ay wiilashii kaga sii dambaynayaa gosha hooyada.

4. Fikirka xeesha dheer iyo awoodista in dhacdooyinka la isla doonto, la iskuna xidho hablaha ayaa innamada kaga horreeya, sabataa awgeed ayaa ay caadi tahay in aad aragto inan iyada oo aad u yar marka ay ciyaarayso iska dhigaysa hooyo. Arrintan waxa kale oo ay khubaradu kala baxeen sida habluhu ay uga fikirayaan mustaqbalkooda fog iyo marka ay hooyo noqdaan sida ay u dhaqmi doonaan. Halka innamadu kaga mashquulaan ciyaaraha maalinlaha ah sida, Kubadda Cagta iwm.

5. Waxa cilmibaadhistan lagu ogaaday in habluhu ay innamada kaga duwan yihiin dhinaca maqalka, oo ay maskaxdoodu leedahay awood dheeraad ah oo dhinaca maqalka ah.

6. Habluhu si ka badan innamada ayaa uu dareenkoodu islula bed-beddelaa  kolba mawqifka iyo waaqaca ay taagan yihiin. Halka innamadu inta badan ay u dhow yihiin in ay qariyaan ama mararka qaar ay diidaan ba in shucuurtoodu is beddeshay, tusaale ahaan haddii ilmo yar oo ambada oo ooyayaa u ku soo baxo innamo iyo hablo mar walba inanta ayaa u hor dabcaysa ilmahaas, maadaama oo aanay dumarku la awood ahayn ragga waxa ay awoodoooda ku kabaan ilmo (Oohin) badan oo ay ku kasbato caawin iyo door bidis dheeraada.

Ugu dambayntii xikmadda Alle ayaa ay tahay in wiilka iyo gabadha mid kastaa ku qanacsan yahay kuna raalli yahay jinsiga Alle ka dhigay, isaga oo ceeb iyo khajilaad u arkayaba noqoshada jinsiga kale, mid kastaana waxa uu isu arkaa in jinsigiisu ka fiican yahay kan kale, laakiin marka hoos loogu sii dhaadhaco waxa ay daraasaddani muujisay in habluhu ay aaminsan yihiin in ay wiilasha ka qurux badan yihiin, halka ay wiilashuna mar kasta ka aaminsan yihiin in ay ka fiican yihiin.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *