Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Mooska

Mooska wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu badan ee dalkeena laga helo, isla markaana qiimo ahaan ugu jaban. Haddii aad ogaato faa’iidooyinka caafimaad ee mooska, waxaa hubaal inay isbeddeli doonto habka aad u aragto.

  • Wuxuu dhisaa awoodda: Mooska wuxuu dhisaa awoodda qofka. Cilmi-baaris ayaa xaqiijisay in 2 xabo oo muus ah inay ku siinayaan awood u dhiganta 90 daqiiqo oo shaqo adag ah. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in muusku uu yahay khudaarta ugu kaalinta 1aad ugu jirta orodyahannada ugu caansan adduunka.
  • Qulubta iyo isla-hadalka: Sahan ay sameysay Hay’adda MIND ayaa lagu ogaaday in dad ka cabanayay qulub iyo isla-hadal inay ku fiicnaadeen markii ay cuneen muuska. Arrintan ayaa la sheegay inay sabab u tahay iyadoo muuska uu ka kooban yahay tryptophan oo qofka ka dhigeysa inuu dareemo nasiino, isla arkaana ay sare u qaaddo niyaddiisa, guud ahaana uu dareemo farxad.
    Dhiig la’aan: Moosku wuxuu hodan ku yahay birta (ama iron-ta), taasoo sare u qaadda hemoglobin-ta ku jirta dhiigga, sidaasi darteed wuu ku caawinayaa haddii aad qabto dhiig la’aan.
  • -Dhiig-karka: Mooska waxaa aad ugu badan maadda potassium, waxaana ku yar cusbada. Hay’adda maamusha cuntada iyo daawada ee dalka Mareykanka ayaa u oggolaatay shirkadaha mooska ka shaqeeya inay si rasmi ah u sheegtaan in mooska uu awood u leedahay inuu yareeyo khatarta dhiig-karka iyo shalalka.
  • Awoodda Maskaxda: Daraasad lagu sameeyay 200 ardey oo wax ka barta dugsi ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in mooska uu waxtaro ardeyda wax baraneysa. Daraasadda ayaa muujisay in maaddada potassium-ka ee ku jirta mooska ay ka caawineyso ardeyda inay noqdaan kuwo foojigan.
  • Caloosha fadhisa: Moosku wuxuu wax ka tartaa inuu dhaqaajiyo caloosha, adigoo aan u baahan daawooyinka caloosha lagu socodsiiyo.
  • Laab-jeexa: Moosku wuxuu si dabiici ah alle ugu beeray awood ka hortagta aashitada. Haddaba haddii aad dhib ku qabto laab-jeexa, isku day inaad cunto mooska.
  • Wallaca: Haddii gabadha wallaaca ah ay cunto mooska inta u dhexeysa quraacda, qadada iyo cashada waxay u badan tahay inaysan dareemin wallaca xilliyada aroortii ah.
  • Neerfaha ayuu dajiyaa: Mooska waxaa ku badan Vitamin B oo dajiya nidaamka neerfayaasha ee qofka, wuxuuna aad u anfacayaa dadka ka shaqeeya shaqooyinka walwalka badan.
  • Gaaska: Moosku wuxuu daawo u yahay cudurrada ku dhaca dheef-shiidka maadaama uu jilcan yahay. Moosku wuxuu wax ka qabtaa aashitada ku badata caloosha, wuxuuuna hoos u dhigaa xanuunka ku yimaada caloosha.
  • Jawiga ayuu dajiyaa: Dhaqamo badan ayaa mooska u isticmaalaha khudaar lagu dajiya jawiga qofka jir ahaan iyo maskax ahaanba. Tusaale ahaan, dalka Thailand, waxaa mooska la siiyaa haweenka xaamilada ah si ay carruurtooda u dhalaan iyadoo jawigoodu deggen yahay.

Haddaba aan cuno mooska, aan cudurro badan ka badbaadnee.

waa dhab ee ha dhayalsan

WQ: USTAAD KHAALID ELMI

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *