Faaiidada Malabku U Leeyahayay Quruxda Jirkeenna

Khubaro ku takhasustay qurxinta iyo daryeelka caafimaad ee maqaarka bani aadamka ayaa cilmi baaris ay muddo wadeen ku sheegay in malabka oo lagu dhaashto (marsado) ay  qayb wax ku oola ka qaadato quruxda wajiga qofka iyo guud ahaanba maqaarka.

Khubaradan oo ka kala tirsan Jaamacadda Cambridge ee magaalada London iyo Mac’had cilmi baariseed oo isla London ku yaalla ayaa daraasad ay muddo wadeen ayay ku caddeeyeen in is qurxinta xilli qaboobaha oo inta badan maqaarka sare adkaado ama harqo ay tahay xilliga ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan karo qurxinta maqaarka.

Cilmi baarayaashani waxay sheegeen in xilliga Jiilaalku uu yahay xilliga ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan karo qurxinta jirka iyo kor u qaadista bilicda Maqaarka. Khubaradu waxay si gaar ah u xuseen in Malabku yahay maadada ugu fiican ee qurxinta maqaarka loo adeegsan karo.

Malabku waxa uu jirka ka ilaaliyaa dildilaaca iyo haraqa, waxa uu ka ilaaliyaa qallafka, waxaa uu baabi’iyaa finanka wajiga, waxaa uu u wanaagsanyahay timaha, waxaa maqaarka ka diifaaca waxyeelada deegaanka,. Waa waxa ugu wanaagsan ee la isku qurxin karo, isla markaana ah dabiici aan wax saamayn ah ku yeelanayn jirka.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *