Faai’dooyinka Biyaha Baamiyaha Iyo Cudurrada Ay Daawada U Yihiin

biyaha baamiyaha, baamiye,

Baamiyuhu wuxuu ka baxaa oo laga isticmaalaa qaybo badan oo adduunka ka mid ah, waana khudrad ay dad badani jecel yihiin qiimihiisa nafaqo darteed. Waa il muhiim ah oo jirku ka helo fitamiinno iyo macdano kala duwan.

Baamiyaha waxaa ka buuxo maadada  loo yaqaano “manganese” taasoo muhiim u ah xakamaynta sokorta jirka, waxaa kaloo ku jira Magnesium, folate, copper, fiber, fiitamiinnada C, B1 iyo B6.

Qoraalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa toban faa’ido oo laga helo cabbista biyaha lagu dhigo baamiyaha.

Ka hortagga dhiig yarida:

Dhiig yarida waa xaalad dhacda marka ay yaraato tirada unugyada guduudan/cascas ee kujira dhiiga, unugyadaan waa kuwa ku shaqo leh inay jirka oo dhan gaarsiiyaan ogsijiin, ogsijiinta ayaa ah shayga ugu muhiimsan ee uu jirku ubaahan yahay si jirka uu u sameysto tamar uu ku qabto shaqada caadiga ah ee jirka, astaamaha lasoo dersa qofka qabo dhiig yari ayaa ah kuwa ka yimid ogsijiin yarida soo wajahday jirka.

Waxyaabaha ugu badan ee sababa dhiig yarida ayaa ah heerka maadada birta (iron) ee ku jirta dhiiga oo yaraata waxaana loo yaqaan Iron Deficiency Anemia. Biyaha baamiyuhu waxay caawiyaan samaynta unugyada dhiigga cas sidaas awgeed waxay kordhiyaan dhiigga.

Cune Xanuunka:

Biyaha baamiyaha waxaa ku jira maadooyin jeermiska iyo bakteeriyada dila, sidaas darteed waxay daawo u yihiin cune xanuunka iyo qufaca.

Ka hortagga cudurka macaanka:

Baamiyuhu wuxuu ugu horeeyaa geedaha lagu daaweeyo xanuunka macaanka, cilmibaarayaal tiro badan ayaa geedkaan xoogga saaray si ay uga salgaaraan qaabka uu macaanka ula dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay mustaqbalka rajayn doonaan in baamiyuhu gali doono booska daawada kaniinnada sokorta loo qaato, waxayna ku sameeyeen diraasado aad u badan oo ku saabsan arrintaas, waxaana la arkay inuu baamiyuhu jirka ku caawiyo kontaroolidda sokorta. Biyaha Baamiyuhu waxay waxay hoos u dhiigaan heerka sonkorta dhiigga oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee sababa cudurka macaanka.

Daawaynta Shubanka:

Shubanka waa xaalad saxara jilicsan oo joogta noqoto, caadi ahaan soconaysa dhowr maalmood oo inta badan joogsada bilaa dawo. shuban waxaa lala xiriiriyaa amaba keena infekshan, bakteeriyo iyo mararka qaarkood natiijo ka timid cuno lagu sumoobay. Marka uu xanuunka shubanku raago sida caadiga ah waxa ay ka dhalataa cudur ama xanuun ku dhaca mindhicirada.

Shubanka waa dhibaato ay la kulmaan dadka badankooda isla markaana keeni kara walwal iyo walaac. Cabbista biyaha baamiyuhu waxay gacan ka geysataa soo celinta biyihii jirka uu lumiyay.

Daawaynta calool istaagga:

Cabbista biyaha baamiyuhu waxay u wanaagsan yihiin dheefshiidka, caloosha way jilciyaan, mindhicirradane waxay ka caawiyaan qashin saarka.

Xoojinta Difaaca jirka:

Baamiyaha waxaa ka buuxo fitamiin C oo xoojiya difaaca jirka islamarkaana ka hortagaa xanuunnada ka dhasha difaac yarida sida hargabka iyo ifilada.

Caafimaadka maqaarka:

Baamiyaha oo la joogteeya waxay ka hortag u tahay cillado badan maqaarka ku dhaca sida finanka, waxa uu kor u qaadaa quruxda maqaarka. Baamiyaha waxaa ku jira maadooyinka sun-saarista oo nadiifyo dhiigga islamarkaana wanaajiya qulqul wareegga dhiigga ee jirka.

Kolesteroolka:

Kolesterol waa nooc dufan oo kale ah taasoo laga helo dhiiga.

Hadaba kolesterol waa shay uu jirku u baahanyahay waxa uu jirku u isticmaalaa dhisida unugyada jirka, balse waa in xaddi sax ah ay jirkaaga kujirtaa, hadii caddadka kolesterol ee kujira dhiigaaga ay badato waxay khatar ku noqon kartaa caafimaadka wadnahaaga. Baamiyuhu waxa uu yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo xayrta fadhiisato jirka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadane loo yaqaano “Triglyceride”, waana arrin cilmibaaris lagu arkay.

Caafimaadka lafaha:

Biyaha baamiyaha waxay caawiyaan adkeynta lafaha. Maadada folate ee ku jirta baamiyaha waxay u roontahay dumarka uurka leh. Waxay ka hortagaa tufta iyo lafo-beelka.

Qaabka diyaarinta:

5 xabo oo baamiyo ah, ka goy afka hore iyo afka dambe, kadib u jar qaab dheerdheer, kadib ku dhex rid koob biyo ah, ku dhig habeenkii kadibna cab subixii quraacda ka hor

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *