DUMARKA RAGGOODA AAN SALAADA SUBAX U KICIN!!

waxaa inooga sheekeynaysa walaasheen ummu cabdullaahi qisadii dhex martay iyada zowjkeeda aan salaada fajarka u kicin
waxay hadalkeeda ku bilowday ummu cabdullaahi 

waxaan u arki jiray zowjkeyga mid wanaagsan laakiin dhibaato waxay timid markii uusan u kaceyn salaada subax waan ooyi jiray markaan arko inuusan kaceyn muslimiintuna ay misaajidada joogaan
waxaan bilaabay inaan marka hore nafteyda islaaxiyo ka dibna midda zowjkeyga
waxaan xafiday salaad kasta waqtigeeda Allah ayaan ka baryay inu igu sugo diintiisa salaad walba oo aan tukado ayaan u baryi jiray zowjkeygeyga
marka la gaaro waqtiga salaada subax ayaan intaan wajiga gacanta ooga masaxo xusuusiyaa fadliga ay leedahay salaada subax
wuxuu iigu baddelaa aflagaado mararka qaarna dil intuu iga soo tuuro ayuu igu yiraahdaa ;ADIGA DARTAA MABA TUKANAAYI
Wax badan baan murugooday wax badan baan ilmeeyay laakiin marnaba kama quusan inaan Allah u baryo xaqiisana marnaba kama gaabin oo waajibkeyga ayaan gudan jiray
marka la gaaro 7da aroornimo 07;00am oo ah waqtiga uu shaqo tegayo ayaan u soo diyaariyaa wixii uu u baahan yahay sida quraacda iyo dharkuu xiran lahaa
markaasaan sagootiyaa una baryaa Allah baryo khaalis ah inuu Allah towfiiqda waafajiyo
waxaan bilaabay inaan waaniyo oo aan ka quusan waayo Allah waxa uu quraankiisa ku yidhi waani waanadu way anfacdaa mu;miniinta waxaan bilaabay inaan maqashiiyo cajalado ka sheekeynaya salaada iyo weynanakeeda iyo geerida markaan gaariga fuulno waxaana ag dhigi jiray risaalooyin yaryar
laakiin marnaba kuma oraneyn hoo dhageyso aniga ayaa daaran jiray waayo ninka ragga ah dhaqso uma qaato waanada dumarka dhagahiisa ayuu ku maqlaa cajaladaha aan dhageysanaayo
waan wanaajin jiray Allah wuxuu qaddaray in ay igu qaadato muddo sanad kaamil ah ayaa zowjkeyga wuxuu bilaabay inuu salaada subax waqtigeeda tukado anigoon kicin
Haddaba aqristoow side bay ku dhacday inuu islaaxo Alle ka soke ninkaa sababtu waxa weeyaan ummu cabdullaahi iyadaa markii hore nafteeda islaaxisay waayo nafna ALLAH ma dooriyo ilaa ay iyagu is dooriyaan marka aad naftaada islaxiso ayaad bulshada inteeda kale islaaxin kartaa
waxaan ka turjumay ascatu zowjatu fii caalam
W/Q: Fadumo Geedi

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *