Dhibaatooyinka Daacuunka (Shuban Biyoodka) Iyo Khataraha Ka Dhalan Kara

Daacuunka waa xaalad halis ah oo ay sababto bakeeriya, xaaladaan ayaa sababta shuban daran iyo fuuqbax. Cudurkaan wuxuu caadi ahaan ku faafaa biyo wasakheysan. Xaaladaha daran waxaa lagama maarmaan ah daweyn degdeg ah, sababtoo ah waxaa suurto gal ah iney dhimasho ku dhacdo saacado gudahood. Tani waxay ku dhici kartaa xitaa dadka caafimaadka uu caafimaadkoodu wanaagsanaa inta uusan haleelin dacuunka.

Wasakh mareenada casiriga ah iyo daweynta lagu sameeyo biyaha lacabo ee wadamada horumaray waxay si guul ah uga takhaluseen daacuunka, hasa yeeshee daacuunka wuxuu wali dhibaata ku hayaa wadamada ku yaala Afrika, Aasiya iyo Latiin Ameerika. Khaas ahaan wadamada dagaalada aafeeyeen iyo sabool nimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Maxaa sababa daacuun?

Daacuunka waxaa sababo bakteeriya loo yaqaano Vibrio Cholerae, saameynta halista ah ee cudurkaan waxay ka dhalataa sunta ay soo deyso bakteeriyadaan, suntaan waxay khalkhal gelineysaa macdanada jirka ku jira sida sodium iyo chloride, waana arin sababeysa in jirka uu saaro biyo badan taas oo dhalineysa shuban iyo lumista cusbada iyo biyaha jirka

Isticmaalidda biyo wasakheysan waa arinta ugu badan ee sababto daacuun, qudaarta aan si fiican loo karin iyo cunooyinka kale. Daacuunka ma ahan mid la isgu gudbiyo taabashada.

Waa maxay astaamaha

  • Shuban degdeg ah
  • Lalabo
  • Matag
  • Fuuqbax udhexeeya khafiif iyo mid daran

Fuuqbaxa uu sababo daacuunka waa mid daran inta badan, waxay sababi kartaa isu dheeli tirnaan la’aanta macdanada ku jira dhiigga. Caruurta waxay la wadaagaan astaamaha dadka waa weyn. Waxaa kaloo udheer iney dareemaan

Khatarada ka dhalan kara daacuunka

Daacuunku wuxuu noqon karaa mid halis ah, dareeraha iyo macdanada jirka oo si dhaqsa ah ku luma waxay sababi kartaa saacado gudahood inuu bukaanka kudhinto , sidoo kale caadiyan hadii daacuunka aan la daweyn waa mid loo dhiman karo. Xaddiga dhiigga oo yaraada iyo shuban waa khatarada ugu halista badan ee kadhalan karta daacuunka, dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah

  • Sonkorta dhiigga oo hoos udhacda
  • Maadada potassium oo heerkeeda hoos udhaca
  • Kilyaha oo fashilma

Sidee looga hortagaa daacuunka?

Hadii aad usafreysid meel daacuunku uu ku badan yahay, wali fursadaha uu kugu dhici kara waa mid yar hadii aad:

  • Gacmaha iska dhaqdid marar badan
  • Cabtid biyo sijilaateysan ama la karkariyay
  • Ka fogaatid cunidda cunooyinka ceyrinka ah
  • Ka fogaatid cunooyinka caanaha laga sameeyay
  • Cuntid qudaarta iyo miraha aad adiga laftirkaaga fiiqi day ama nadiifisay

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *