Cilladaha Caafimaad Ee Keeni Kara In Urta Dhididka Jidhka Ay Xumaato

urta dhididka badan, urta jirka,

Dadka qaar ayaa uu Jidhkoodu yeeshaa dhidid ur aan fiicnayn leh, warbixin caafimaad ayaa daahfurtay in ay jiraan xaalado caafimaad oo sababa urtaas aan fiicnayn ee jidhka qofku yeesho sida lagu faafiyey shabakadda ‘Only My health’.

Sida caadiga ah waxaa jidhka dushiisa ku dhasha ama saaran bakteeriyo kala duwan, marka uu qofku dhidido waxa uu qoyaankaasi burburiyaa bakteeriyadaas oo marka ay kala fuqdo urta aan fiicnayn samaysa.

Haddaba dhididkaasi waxa uu u qaybsan yahay laba nooc oo kala ah; nooca koowaad waxaa lagu magacaabaa ‘Eccrine’ waa nooc dhidid oo dhif ah, waxa aanay urta aan fiicnayn ee jidhku ka timaaddaa gacmaha, lugaha, madaxa iyo ubucda (Jidhka marka laga reebo afarta waaxyood iyo madaxa oo illaa raqabadda ah). Nooca labaad ee dhididka oo lagu magacaabo ‘Apocrine’ waa caan, waxa aanay urta oo aad u xumi ka timaaddaa kelyaha iyo xubnaha taranka.

Dhidid badnaanta:

Xaaladda koowaad waa jidhka oo yeesha dhididka ka badan inta dabiiciga ah, waxa aana loo yaqaanno ‘Hyperhiidrosis’. Caadi ahaan dhididku si kastaba ha ahaato ee dhididka badani ma’aha sababta jidhka ku keenaysa urta aan fiicnayn, balse waa xaalado kale oo jidhka xaggiisa la xidhiidha.

Dawooyinka:

Dawooyinka Xanuunnada qaar loo qaato, dawooyinka faytamiinnada ah ee isu dheellitirka cuntada loo adeegsado iyo kuwa ay ka midka yihiin ‘Iron-ta’ iyo ‘Zinc’ iyo dawooyinka loo isticmaalo xaaladaha nafsiga ee qofka lagu dejiyo.

Dhammaantood waxa ay keenaan in dhididku uu qofka ku bato. Sidaas awgeed waxaa kordha fursadda ah in dhididkaasi uu burburiyo bakteeriyada jidhka saaran, urtuna ay halkaas ka bilaabato.

Qanjidhada Tayroodh (Thyroid) oo shaqadoodu badato

Xanuunnada ku dhaco qanjidhada dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaannaa waxa ay sababaan ur aan fiicnayn oo uu jidhku yeesho.

Qanjidhadaas oo shaqadoodu gaabis noqoto ama inta dabiiciga ah ka badataa waxa ay isbeddel ku keentaa sababaha dhididka keena, waxa aanay sababtaa in jidhku uu dhidid badan yeesho xitaa iyada oo aanu qaban hawl culus oo jidheed.

Khalkhal ku yimaadda dheefsiga:

Xaaladda kale ee keeni karta urta aan fiicnayn ee jidhku waa khalkhal ku yimaadda habka dheefsiga cuntada, xaaladdani waxa ay sababtaa in jidhku uu yeesho ur aan fiicnayn.

Cilladaha ugu caansan ee ku dhaca habdhiska dheefsiga ee jidhka ku keena urta aan fiicnayn waxaa ka mid ah, xaaladda ‘Trimethylaminuria’ (Xanuunka urta kalluunka). Ciladda dheefsigu waxa ay sababtaa in ay burburaan iskudhisyada kiimikaad ee kala duwan ee jidhku, taasina ay sababto ur aad u xun oo ay yeeshaan jidhka, neefta iyo kaadida qofku.

Macaanka:

Bukaanka macaanka waxaa lagu tiriyaa dadka inta badan jidhkoodu uu yeesho urta aan fiicnayn, taas oo qayb ka ah xaaladaha ka dhasha xanuunkan. Sababtu waa heerka Gulukoosta dhiigga oo kor u kaca.
Xaaladdani waxa ay caqabad ku noqon kartaa shaqooyin badan oo uu jidhku qaban karo.

Dhinaca kalana haddii qofka xanuunka macaanka qabaa ay ku dhacdo xaaladda mararka qaarkood timaadda ee ah in jidhku soo saaro heer aad u sarreeya oo ah asiidhada dhiigga, oo afka caafimaadka lagu yidhaahdo ‘Diabetic Ketoacidosis’ taas oo sababa in jidhku uu yeesho ur u eg urta Khudaarta qaarkeed.

Xaalado kale:

Marka xaaladahaas shanta ah laga tago waxa kale oo suurtagal ah in urtan ay keento caafimaad darro kale oo qofka ku dhacdaa. Waxaa ka mid ah , beer xanuunka ama beerka oo shaqadiisu gaabis noqoto, kelyo xanuunka ama kelyaha oo shaqada joojiya iyo isbedello hormoon oo qofka ku dhaca.

Talo Caafimaad:

Haddii aad dareento in neeftaada, kaadidaada ama jidhkaagu ay yeesheen ur aan fiicnayn, waxaa waajib kugu ah in aad si dhaqso ah isaga baadho xaaladaha keeni kara ee aynu soo xusnay, kaddibna aad iska daweyso.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *