Health

Calaamadaha Waaweyn Ee Kaalsiyam Yarida Iyo Xanuunada Ka Dhalan Kara

macdanta calcium,

Kaalsiyam waa macdan aasaasi ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Waxaa la ogaaday in macdanta kaalsiyam 99% lagu keydiyo ilkaha iyo lafaha, halka inta soo hartay lagu keydiyo murqaha, dhiigga iyo nudeyaasha. Jirka bani-aadamku waxa uu u baahan macdantan si uu guto howlaha kala duwan ee muhiimka ah. Kaalshiyam yarida waxay ku badan tahay caruurta, dadka ku jira marxaladda …

Read More »

Cilladaha Caafimaad Ee Keeni Kara In Urta Dhididka Jidhka Ay Xumaato

urta dhididka badan, urta jirka,

Dadka qaar ayaa uu Jidhkoodu yeeshaa dhidid ur aan fiicnayn leh, warbixin caafimaad ayaa daahfurtay in ay jiraan xaalado caafimaad oo sababa urtaas aan fiicnayn ee jidhka qofku yeesho sida lagu faafiyey shabakadda ‘Only My health’. Sida caadiga ah waxaa jidhka dushiisa ku dhasha ama saaran bakteeriyo kala duwan, marka uu qofku dhidido waxa uu qoyaankaasi burburiyaa bakteeriyadaas oo marka …

Read More »

Faaidooyinka Ukunta Ay U Leedahay Caruurta Iyo Xaddiga La Siin Karo Maalintii

faaidooyinka ukunta caruurta,

Ukunta oo si joogto ah oo nidaamsan loo siiyo caruurta waxay ka helaan faaidooyin aan la soo koobi karin, waxayna ukuntu hodan ku tahay barootiin, xadiid, fitamiinno iyo dufanno caafimaadka uroon.  Joogteynta ukunta waxay caruurta ka caawisaa inay helaan nafaqadii ay baahnaayeen maalin kasta. Balse waxaa muhiim ah inaan caruurta la siinin ukun saaid ah maadaama ay ku badan tahay …

Read More »

Calaamadaha Kansarka Ilmo Galeenka (Cervical Cancer)

kansarka afaafka ilmo galeenka,

Qeybta u dhexeysa godka xubinta taranka iyo minka waxaa loo yaqaanaa cervix, kansar ku dhaca qeybtaan ayaa sababa in si aan caadi ahayn ay u koraan unugyada ku yaalaha ilmo galeenka, tani waxay sababtaa in uu isbadalo qaab dhismeedka iyo shaqada caadiga ee ilmo mareenka. Kansarka noocaan ah waxuu kamid yahay kaankarooyinka ugu khatarta badan ee ku dhaca dumarka gaar ahaan xubnaha …

Read More »

Neefsiga Oo Qofka Cidhiidhi Ku Noqda: Sababaha Keena Iyo Hababka Loo Dabiibo

cidhiidhiga neefsiga, neefta

Cidhiidhiga ku dhaca neefsiga qofka oo ah xaaladda khubarada caafimaadku ay u yaqaannaan Dyspnea, waa xaalad dad badan oo dunida ku nool ku haysa dhibaato iyo diiqad fara badan, laakiin haddana leh sababo kala duwan oo aynu odhan karno waa ay kala khatarsan yihiin, siyaabo aad u kala duwanna ku timaadda. Marka ugu horreysaba waa in aynu is weydiinno; Da’da …

Read More »

Sababaha Ragga Loogula Darmaarmo Cunista Toonta

faaidada toonta ee ragga, tuunta

In kasta oo ay toontu neefta qofka kaga tagto raad la dhibsado, sidaa awgeedna uu Nebigeennii Muxammed (SCW) innaga waaniyey in aynu masaajidda tagno innaga oo toon ama basal soo cunnay, si aanay inoogu dhib mudan Malaa’igta khayrka qoraysa iyo walaalaha innagu hareero tukanaya, haddana taas macnaheedu ma’aha in aanay wax faa’ido ah lahayn, balse waaba lidkeeda. Toontu waxa ay …

Read More »

Faa’idooyinka Waaweyn Ee Midhaha Haylka Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee….

midhaha haylka

Haylku waxa uu ka mid yahay xawaashyada ay Soomaalidu aadka u taqaanno, shaaha iyo cuntada kalana marar badan loogu sameeyo dhadhanka iyo urta fiican. Laakiin inta badan dadku ma oga in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u tiro badan. Faa’idooyinkaas waxaa ka mid ah: 1. Haylku waxa uu kordhiyaa awoodda wareegga dhiigga, sida oo kale waxa ku jira xaddi …

Read More »

Cagaarshowga B: Noocyadiisa, Astaamihiisa Iyo Dhibaatooyinka Uu Jirka Gaarsiiyo

cudurka cagaarshowga, cagaarshow

Cagaarshowga B (Hepatitis B): Beerka waxa uu ku yaala ama u badanyahay dhinaca midigta ee caloosha, waaxa uu qabtaa shaqooyin badan oo muhiim ah taas oo muhiim u ah dheefshiidka jirka. Cagaarshowga waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa badanaa sababa infekshan uu keeno fayrus. Cagaarshoow A Cagaarshoow B Cagaarshoow C Cagaarshoow D iyo Cagaarshoow E. Noocyada Cagaarshowga Cagaarshowga B waa …

Read More »

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah qaybaha ee jirka waxa uu baahan yahay in si wanaagsan loo daryeelo. Waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad marsato kuma filna maqaarkaaga waxaa ka sii muhiimsan qaadashada cuntooyinka maqaarka uroon ee hodanka ku ah fitamiinnada si loola dagaallamo cudurrrada maqaarka ku dhaco, quruxda maqaarkana sare …

Read More »

6 Qodob Oo Sare Loogu Qaado Caafimaadka Iyo Awoodda Garasho Ee Maskaxda

caafimaadka maskaxda

Waxaa waajib ah in qofku uu iska xilsaaro ilaalinta iyo wanaajinta caafimaadka maskaxdiisa, si uu u dhiirrigeliyo in unugyo cusubi ay kobcaan, ugana hortago hoos u dhaca maskaxda ku yimaadda mar kasta oo qofka da’diisu ay sii weynaato. Waxa aynu si gaar ah u eegaynaa dhinaca nafaqada iyo cuntada, maadaama oo nooca iyo xaddiga cuntada aynu maalin kasta cunnaa ay …

Read More »

Habab Dabiici Ah Oo Caawinaya In Macaanka La Dejiyo

sonkorta dhiigga, cudurka macaanka, sonkorta

In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujiya macaanka, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga. Gulukoostu waa sonkor uu jidhku caadi ahaan u baahan yahay maadaama oo ay tahayu il …

Read More »

Cilladaha Maskaxeed Ee Laga Qaado Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Gacanta

xanuunada maskaxda taleefanka,

Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena. Waxa uu inoo noqday qalab isgaadhsiineed aan laga maarmi karin iyo balwad aynu qabatinnay gacan ku …

Read More »

Waqtigee Ugu Fiican Cabitaanka bunka Ama Kafeega?

Cabbista bunka, kafeega, qaxwada,

Dad badan ayaa caado ay u tahay in isla marka ay hurdada ka kacaan indhaha ku kala furan koob bun ah, waayo waxa ay aaminsan yahay in koobkani uu ka caawinayo firfircoonaynta jidhka. Bunka in badan ayaa ay khubarada caafimaadku siyaabo aad u kala fog uga warramaan waxtarkiisa ama waxyeelladiisa caafimaad. Cilmibaadhistan soo socota  ayaa ka jawaabaysa, su’aasha in badani …

Read More »

5 Qaab Oo La Iskaga Caabbiyo Calaamadaha Duqnimada

astaamaha duqnimada, gabowga

Ruux kasta oo da’diisu dhalinyaronimo ka gudubto waxaa ku bilowda warwar hor leh oo uu ka qabo gabowga iyo duruufihiisa, gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo weliba muuqaallada gabowga astaanta u ah ee qofka ka soo daahira, sida coodh-coodhka. Waa run in aan maal, aqoon iyo nolol barwaaqo midina aanu qofka u dammaanad qaadi karin in uu abidkii haysto muuqaalka dhalinyaronimo, …

Read More »

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

timirta iyo caafimaadka, faaidada timirta, timir,

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan midhadh timir ah. Haddaba marka laga tago in ay sunne tahay, maxaa kale oo faa’ido caafimaad ah oo ay jidhka u leedahay? Faa’idooyinka degdegga ah ee ku afurista timirta Jidhku waxa uu ka helaa tamar xooggan oo mar keliya jidhka wada gaadha Waxa ay dawo …

Read More »