Health

Xaaladaha Caafimaad Ee Ka Dhasha Haddii Biyo La Cabbo Xilliga La Cuntaynayo

biyo cabida xilliga cuntada, raashinka

Jooji cabidda biyaha xilliga cuntada!! Jirkeena wuxuu sameeyaa shaqooyin badan xiliga aan wax cuneyno, waana shaqooyin aan ubaahanay inaan mid mid u fahano si aan u ogaano in biyo lacabo xiliga aan wax cuneyno iney fiican tahay iyo ineysan fiicanayn. -Calyada afkeena uu soo saaro xiliga aan wax cuneyno waxay ka kooban tahay insaymo burburiya cuntada waana mid naga caawineysa …

Read More »

Maxay Hurdo Kuu Qabataa Afurka Kadib?

afurka, soonka, ramadaanka,

Maadaama la soomanaa saacado badan oo la dareemayo harraad, iyo diihaal, waxay dheguhu dhawrayaan maqalka Aadaanka si afka loola helo cabitaan iyo cunto wixii naftu jamato si looga kabto oonkii, daalkii iyo dihaalkii, waxa sida loo yeelayaa si jirka uu tamar u helo loona helo firfircooni. Hase yeshee waxaa suurta-gal ah in aynaan helin tamarti aynu u baahnayn kolka aynu …

Read More »

Faa’idooyinka Misirta (Cadaska) Iyo Ahmiyadeeda Xilliga Ramadaanta

faaidooyinka misirta, cadaska

Cadasku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aadamuhu isticmaalo kuwooda ugu taariikhda fog, taas oo sida ay muujinayaan hadhaa Cadas ah oo laga helay xabaalaha qaddiimka ah ee Masar la isticmaali jiray 2400 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS). Cadaska (misirta) oo ah cunto loo diyaarin karo siyaabo kala duwan oo ka bilowda in uu noqdo sida fuud …

Read More »

Caalamadaha Kansarka Dhuunta Ama Hunguriga, Sababaha Keena Iyo Daweyntiisa

Calaamadaha kansarka dhuunta, kansarka hunguriga,

Kansarka dhuunta/hunguriga: Hungurigu waa xubin qaali ah kaas oo ka qayb qaata gaarsiinta quudka qaybaha kala duwan ee dheefshiidka. Tuuubadaan oo soo qaada cunnada aynu liqno ayaa u gudbisa caloosha halkaaso cunadda lagu qaso dheecaanada kala duwan ee laga soo daayo gidaarada caloosha si looga nadiifiyo ilmaqabatada iyo jeermiska looguna diyaariyo si in lagu dheefshiido mindhicarada. Kansarka ku dhaca hunguriga …

Read More »

Faaidada Cabitaanka Raqayga Ama Xamarta Iyo Ahmiyadiisa Xilliga Ramadaanta

faaidada raqayga, xamarta

Raqayga ama xamarta waa miro leh dhadhan macaan iyo dhanaan isku jira kuwaas oo ka baxa inta badan deegaannada ay Soomaalidu degto. Raqaygu boqolkiiba 18% waa aashito gaar ahaan nooca liin dhanaanta, waana waxa u yeelayo dhanaanka saa’idka ah. Miraha raqaygu waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin C, fitamiin B, kalsiyaam, xadiid, potassium, manganese iyo faybar. Sidoo kale …

Read More »

Habka Cunto Qaadasho Ee Ku Haboon Soonka Xilliga Jiilaalka

soonka kulaylaha, ramadaanka, cuntooyinka

Bisha soon waxa ay sannadkan ku hagaagtay xilli jilaal oo kulaylku badan yahay, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aynu u talo urursanno hababka ugu fiican ee aynu isugu diyaarin karno u adkaysiga bisha soonka, gaar ahaan dhinaca cuntada oo ay tahay in laga xusho noocyada jidhka biyaha u ilaalinaysa isla markaana firfircooni iyo tamar siinaysa, saacadaha maalintii. Qormadan waxa …

Read More »

Ahmiyadda Ay Leedahay In Mooska Lagu Darsado Suxuurta Iyo Cunnada Ugu Fiican Ee Lagu Suxuurto

mooska, cuntooyinka suxuurta,

khubarada ku xeel nafaqada iyo cuntada ayaa ku talinaya in qofka soomaya uu cuno mooska xilliga suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay jirka. Waxaa muhiim ah in dadka soomaya ay doortaan cuntooyinka ku habboon suxuurta oo ah cuntada ugu muhiimsan ramadaanka. Moosku waa faakiho ama furuuto si fudud loogu dhargo, nafaqo badanna leh, islamarkaana qofka dareensiisa dareen dharagsanaan ah …

Read More »

Cuntooyinka Suxuurta Ku Fiican Ee Qofka Ka Ilaaliyo Gaajada Iyo Harraadka

cuntooyinka suxuurta,

Waxaan halkaan ku soo aruurinay liiska cuntooyinka suxuurta ku haboon: Dufannada caafimaadka uroon: Isticmaalka dufannada caafimaad u wanaagsan waxay ku siinayaan dareen dheregsanaan ah maalintii oo dhan. Dufannadan waxaa ka ka mid ah miraha afakaadhada, subagga lawska iyo miraha qoondarka (flaxseeds) ee shiidan. Barootiinta: Barootiinta oo suxuurta lagu darsado waxay kaa ilaalinaysaa gaajada inta aad sooman tahay. Barootiintu waa nafaqo …

Read More »

Sababaha Keena Madax Xanuunka Xilliga Soonka Iyo Xalka Ugu Haboon Ee Lagula Tacaalo

madax xanuunka xilliga soonka,

Xilliga Ramadaanta dhibaatooyinka ugu badan ee laga cawdaa waa madax xanuun. Qormadan waxa aynu ku soo koobayna xog muhiim ah oo la xidhiidha madax xanuunka xilliga soonka la dareemo, iyo xalka ugu habboon ee lagula tacaali karo. Noocyada madax xanuunka xilliga soonka: Madax xanuunka xilliga soonka uu qofku isku arkaa waa laba nooc oo kala ah: Madax xanuunka afurka ka …

Read More »

Cuntooyinka Ramadaanka Ee U Uroon Dadka Waayeelka Ah

cuntooyinka dadka waayeelka ah, ramadaanka,

Calool istaagga iyo mararka qaarkood nafaqo darradu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha uu qofka waayeelka ahi kala kulmo soonka. Nidaam cunto oo caafimaadka u fiicani waa tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku ku wanaajin karo xaaladdiisa caafimaad. Waxa aana muhiim ah in maskaxda lagu hayo in hal cunto oo qofka da’da ahi uu joogteeyo, xitaa haddii ay tahay cuntada …

Read More »

Cuntooyinka Aan Ku Fiicnayn Suxuurta Ee Ay Tahay In Laga Dheeraado

cuntooyinka suxuurta, ramadaanka

Ramadaanka waxaa is beddela nidaamka cunto ee dadka soomaya, waxa ay sabab u noqon kartaa dhibaatooyin ay ugu yar tahay in miisaankii ay ahayd in uu qofka ka dhacaa uu kordho iyo in ay dhibaatooyin caafimaad keento. Qormadani waxa ay talo kaa siinaysaa cuntooyinka aan ku habboonayn in aad ku suxuurato: 1. Cuntooyinka ama cabbitaannada lagu sameeyey sonkorta badani waxa …

Read More »

Cunnooyin Burburintooda Ay U Fududahay Dheefshiidka Oo Ku Haboon In Lagu Afuro

dheefshiidka, cuntooyinka afurka

Sannad kasta bilowga bisha soon iyo horraanteedaba waxa ay dhakhaatiirtu soo saaraan talooyin caafimaad oo qofka muslimka ah ka caawinaya in uu cibaadadan qaaliga ah guto, isaga oo dhinaca kalana ka helaya caafimaadkii jidheed ee ku jiray, kana fogaanaya khatartaha iman kara haddii qaladaad qofka ka dhacaan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyinkaas qaar ka mid ah oo ku aaddan …

Read More »

Maxaa Ka Dhalan Kara Moobilka Oo Markasta Hoos Loo Fiiriyo?

dhibaatooyinka moobilka,

Teknolojiyada waxay noqotay mid cajiib ah oo hadana cabsi badan. Daraasad ayaa tilmaameysa halka uu gaarsiisan yahay dhibka uu jirkeena u leeyahay in maalinti oo dhan la fadhiyo. In kastoo ay shaqada teleefonka ay ahayd mid wicitaan un loogu tala galay, xiliga aan joogno waa la casriyeeyay oo waxaa loo badan telefono caaqil ah ama kambuyuutaro yar, kuwaas oo si …

Read More »