Calaamadaha Waa Wayn Ee Kaalsiyam Yarida Iyo Xanuunada Ka Dhalan Kara

macdanta kaalsiyam,

Kaalsiyam waa macdan aasaasi ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Waxaa la ogaaday in macdanta kaalsiyam 99% lagu keydiyo ilkaha iyo lafaha, halka inta soo hartay lagu keydiyo murqaha, dhiigga iyo nudeyaasha.

Jirka bani-aadamku waxa uu u baahan macdantan si uu guto howlaha kala duwan ee muhiimka ah.

Kaalshiyam yarida waxay ku badan tahay caruurta, dadka ku jira marxaladda howgabnimada dhalmada kadib iyo dadka waayeelka ah. Arrintan waxay ku imaan kartaa qofka oo aan helin xaddi ku filan oo macdanta kaalsiyam ah. Sababaha kale ee keeni kara kalsiyaam yarida waxaa ka mid ah; gabowga, isbeddellada hormoonnada iyo fitamiin D oo jirka ku yaraada.

Si looga fogaado khatarta kaalsiyam yarida, waa in lagu dedaalo cunnooyinka hodanka ku ah macdanta kalsiyam.

Calaamadaha kaalsiyam yarida:

Lafaha oo jilca:

Macdanta kaalsiyam oo jirka ku yaraata, waxay saamaysaa caafimaadka lafaha, maadaama macdantani ay dhisto lafaha islamarkaana ay ilaaliso caafimaad qabkooda. 

Murqo Xanuun:

Jiirraggo (cramp) iyo xanuun murqaha ah waxay tilmaan u noqon kartaa kalsiyam la’aanta. Tani waa astaam wayn oo lagu garto kalsiyam yarida.

Xanuun joogto ah:

Kaalsiyamtu waxay ka qeyb qaadataa xoojinta difaaca jirka iyo la dagaallanka fayrasyada, fangaska iyo bakteeriyada. Dadka ay ku yartahay macdanta kaalsiyam waxay u nugul yihiin ifilada iyo infekshannada.

Ilkaha oo jilca:

Kaalsiyamtu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu wayn ee ay ilkuhu ka kooban yihiin, haddii ay jirka ku yaraatana waxay sababtaa inay jilcaan.

Adigoo uur leh ama caruur nuujinaya haddii aad isku aragtid ilko xanuun ama saliilyo, waxaa qasab ah in dhiiggaaga laga eego heerka macdanta kaalsiyamta ay marayso sababtoo ah uurka iyo naas-nuujintu waxay hoos u dhigaan kaalsiyamta hooyada jirkeeda ku jirta maadaama cunuga uu quudanayo.

Cillado hurdo: 

Marka kaalsiyamta ay jirka ku yaraato, waxay carqaladaysaa soo saarista hormoonka “melatonin” kaas jirka dejiya, hurdadana keena. Hadaba kaalsiyamta oo kugu yaraataa waxay keeni kartaa cillado hurdada la xiriira.

Xanuunka ka horreeya caadada:

Kaalsiyamtu waxay caawisaa yaraynta darnaanta xanuunka marka caadada ay soo dhowdahay ee loo yaqaanno “Premenstrual Syndrome”. Kaalsiyam yaridu waxay sababi kartaa cillado xanuunka caadada ka hor ah. Tani waa astaan wayn oo lagu garto kaalsiyam yarida.

Cunnooyinka hodanka ku ah macdanta kaalsiyam

Cunnooyinka ay ku badan tahay macdanta kaalsiyam waxaa ka mid ah; caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo sida caanaha la fadhiisiyay (yoghurt) iyo burcadka (cheese), timirta, sisinta, khudradda caleemaha cagaaran, miraha tiinka, liinta oranjada, digirta iyo misirta.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *