11 Cunto Oo Laga Helo Kaalsiyam (Calcium) Badan

Kaalsiyam (Calcium) waa macdanta ugu muhiimsan ee jirkeennu uu u baahan yahay, Waxay kaalin wayn ka ciyaartaa caafimaadka lafaha iyo ka hortagga lafo-beelka iyo kansarka. Macdantaani waxay adkeysaa lafaha iyo ilkaha. Ma ogtahay 99% kaalsiyamta jirka in lagu keydiyo lafaha iyo ilkaha. Wadnaha, murqaha iyo neerfaha waxay u baahan yihiin kaalsiyam si ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan

Badanaa dadka waa wayn waxay u baahan yihiin 1000 mg oo calcium ah maalin kasta. Ragga iyo dumarka 50 jirka ah waxay u baahanyihiin 1200 mg, halka kuwa ka yar da’da 50 jirkana ay u baahanyihiin 1300 Mg oo calcium ah.

Haddii aadan cunin cuntoooyinka laga helo calcium waxaa kugu dhacaya xaaladda loo yaqaanno Kaalshiyam Yarida ama “Calcium Deficiency” waxaad khatar u gelaysaa xanuuno ay mid yihiin suuska ilkaha, lafo burburka, amateet xumo, cillado neerfe, wadne xanuun iyo dhiig kar.

Haddaba halkaan waxaan idin kula wadaagaynaa 8 cunno oo laga helo kaalsiyam oo ku koobnayn caanaha iyo cuntooyinka laga sameeyo.

Cheese-ka (burcadka):

cheese-ka nooca loo yaqaanno pamesan iyo noocyadiisa kaleba waa il aad muhiim ah oo laga helo kaalsiyam badan. 28-dii garaam oo pamesan cheese ah waxaa laga helaa 331 mg oo calcium ah, taas oo ka dhigaysaa 5% inta jirku u baahan yahay maalin kasta.

Caano garoorka (yoghurt):

Yoghurt-ku waxa uu qani ku yahay calcium. Yoghurt-ka aan wax kale lagu darin waxaa ku jirta 30% calcium-ka jirku uu u baahan yahay maalintii. Sidoo kale waxaa caanaha yogurt-ka laga helaa bakeeriyada jirka nacfiga u leh, fiitamiinnada b2 iyo B12, macdanaha phosphorus iyo potassium.

Misirta:

Digirta iyo misirta waa il kale oo laga helo macdanta kaalshiyam, waxaa kaloo lagaa helaa barootiin, fiber, birta, zinc, folate, magnesium iyo potassium. Halkii koob oo digirta cagaaran ah waxaa ku jira 37 mg oo kaalsiyam ah. Misirta oo carruurta la siiyaa waxa ay ka caawisaa dhismaha lafaha carruurta.

Lawska:

Noocyada lawska sida almond-ka, waxaa ka buuxo kaalsiyam, magnesium, manganese, dufanka caafimaadka leh iyo barootiin. Lawska wuxuu muhiim u yahay lafaha iyo murqaha caruurta korayo maadaama ay ka buuxaan barootiinno kala duwan, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta cunto ahaan loo siiyo laws la shiiday.

Tiinka (figs):

Tiinka waxaa ka buuxo maadada lafaha dhisto ee kaalsiyamta, wuxuuna u roon yahay dadka qabo xanuunka lafo-burburka.

Caanaha:

Caanuhu waa mid ka mid ah ilahaa ugu fiican ee laga helo kaalshiyamta, halkii koob oo caanaha lo’da ah waxaa ku jira 276 illaa 352 mg oo kaalsiyam ah, caanaha ariga iyagana halkii koob waxaa laga helaa 327 mg oo calcium ah.’

Baamiyaha:

Baamiyuhu wuxuu isaguna ka mid yahay ilaha laga helo kaalshiyamta. Halkii koob oo baamiye la kariyay ah 175 mg oo calcium ah. Waxaa kaloo baamiyaha laga helaa fitamiin C oo xoojiya difaaca jirka iyo maadada folate oo uroon hooyada uurka leh.

Liin Macaanta:

Liin macaantu waxay qani ku tahay kaalsiyamta, koob barkii cabbitaanka liin macaanta waxaa ku jirta 50 mg oo kaalshiyam ah. Liinta cunisteeda ayaa ka caafimaad badan cabbitaankeeda, sababtu waa marka la miiro oo sonkor lagu daro si loo cabbo waxaa yaraado nafaqadeeda iyo faa’ideeda.

Cuntooyinka kale ee kaalsiyaamta laga heli karo waxaa ka mid ah, khudradda caleemaha cagaaran leh, cuntooyinka badda laga soo saaro, harakowga ama fasuuliyada iyo rootiga.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *