Calaamadaha Madax Kala Guurka (Hydrocephelus) Iyo Sida Loo Yarayn Karo…

Xanuunka madax kala guurku waa xanuun aan sahlanayn kuna badan bulshada soomaaliyeed.

Cudurkaan waa cudur dhaca marka biyo ama dheecaano ay ku samaysmaan qalfoofta madaxa, biyaha waxay sababayaan in maskaxdu bararto, bararkaas kadib maskaxda oo ah shay aad u jilicsan waxaana soo gaara dhaawac maadaama cabirkii loogu tala galay ay ka waynaatay, isbadalkaas maskaxda ku dhacay wuxuu sababayaa in qofku caafimaadkiisa maskaxeed, iyo jir ahaaneedba uu xumaado. Xaaladan waa mid u baahan dawo degdeg ah si uusan cudurku bukaanka u waxyeelayn.

Cudurkaan madax kala guurku wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta yar yar iyo dadka da’doodu ka wayn tahay 60 sano, sidoo kale wuxuu ku dhici karaa dhalinyarada dhex dhexaadka ah

Sababaha madax kala guurka?

Si caadiga waa qofka jirkiisa ku jira dareere loo yaqaano

kaasoo ku dhex socdaala masxkada iyo xangulaha hadaba marka cadadka dareerahaan uu siyaado xaaaldo caafimaad oo jira awgood waxaa badanaa dhacaa madax kala guur, in cadadka dareerahaan uu siyaado waxay keeni kartaa in cadaadiska maskaxda uu bato kadibna maskaxdu ay bararto taasoo sababaysa in madaxu uu waynaado ama qaab dhismeedka caadiga ahaa ee madaxu uu isbadalo.

Sababaha keena inuu dareerahaan bato

  • In cadadka dareeraha cerebrospinal fluid ee jirku soo daynayo uu bato
  • In awooda xididada jirku ay ku dhuuqi lahaayeen dareeerahaan uu yaraado kadibna dareeruhu uu iska dul sabeeyo maskaxda godadkeeda
  • Iyo in socodka caadiga ahaa ee dareerahaan uu iska socdaali lahaa masxkada iyo xangulaha uu xirmo oo markaas dareeruhu meeluu maro uu waayo.

Mar marka qaarkoodku madax kala guurku wuxuu ku dhici karaa ilmaha uurka kujira waxaana taas sababaysa xaaladahaan hoose

  • In ilmaha uurka kujira ay koritaankooda wax ka qaldameen sida in xanguluha aysan  sifiican u xirmin
  • In dhaxal ay tahay oo ilmuhu waalidkiis ka dhaxlay
  • Waxaa kaloo sababi kara infekshanada qaarkood oo ilmaha ku dhaca markuu uurka kujiro sida infekshanka Jadeeco Jarmal

Sidoo kale cudurkan dhalinyarada wuu ku dhici karaa balse saas uguma badna, waxaa laga yaabaa inaad khatar ugu jirtid xanuunka hadaad aad leedahay calaamadahan;

  • Infekshanada maskxda
  • Dhaawac madaxa kaasoo gaaray
  • Dhiig kasocda xididada maskaxda
  • Ama qaliin madaxa lagaaga sameeyay

Calaamadaha lagu garto madax kala guurka:

Xanunkan wuxuu sababi karaa dhaawac maskaxeed kugu raaga ama noloshaada oo dhan kuhaya kuna dili kara, hadaba waa muhiim inaad taqaanid calaamadaha lagu garto si’aad iskaga dawaysid.

Calaamadaha lagu garto caruurta yar yar ee uu hayo madax kala guurku:

  • Madaxa qaybta hore oo soo buurata jileecna noqota
  • Cabirka madaxa oo si degdeg ah u waynaata
  • Indhaha oo hoos u dhaca lana moodo in ilmuhu hoos fiirinayo, qalal,
  • Matag
  • Hurdo xad dhaaf ah
  • Cunto yari
  • Murqaha oo daciifa.

Calaamadaha lagu garto dhalinyarada da’ dhexaadka ah ee qaba cudurkaan:

  • Madax xanuun saa’id ah
  • Isku dhex yaac
  • Socodka oo dhib ku noqda
  • Kaadi haysta oo dhib kayimaado
  • Araga indhaha oo xumaada
  • Ilowsho badan.

Sida aan kor kusoo sheegnayba cudurkaan wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka waayeelka ah oo da’doodu ka wayn tahay 60 sano, balse ayaga xaaladoodu way ka yara duwan tahay tan dadka kale.

Calaamadaha lagu garto marka cudurkaan uu hayo dadka waayeelka ah waxaa kamid ah;

  • Qofka oo istaaga ka dhaca asagoo aan miyir daboolmin
  • Qaabka socodka oo badalma
  • Khal khal maskaxeed iyo ilowshiyo
  • Kaadida iyo saxarada oo aysan xajin karin
  • Madax wareer.

Sidee lagu yarayn karaa khatarta madax kala guurka:

Cudurkaan lagama hortagi karo balse waala yarayn karaa khatartiisa.

Waa in lahubiyaa hooyada uurka leh iney heshay daryeel caafimaad, taasi waxay ka caawinaysaa inay san dhalin xiliga saxda ahaa kahor taasoo yaarynaysa khatarta ah in ilmahu ay dhashaan waqti kahor xiligooda, taasoo badinaysa fursadaha uu ku dhici karo madax kala guur

Isku day inaad ilma haaga ka talaashid cudurka dilaaga ah, talaalku wuxuu yaraynayaa khatarta cudurka iyo cudurada kale ee la xiriira.

Waa inaad xirataa qalabka madaxa ka difaaca dhaawaca xiliyada aad shaqooyinka warshadaha la xiriira ka shaqaynaysid ama hadii aad  wadaysid mooto ama baaskiil.

Fiiro gaara: qalfoofta madaax ee dhalaanku waa shay aad u jilcsan hadaba hooyo kasta ama aabe kastaa waa inuu ilmihiisa ka taxadaraa si uusan ula kulmin jug madaxa kasoo gaarta taasoo sababi karta cudurka madax kala guurka.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *