Calaamadaha Lagu Ogaado Gabadha Ku Rabto Ama Kaa Heshay

gabadha ku rabto, gabadha kaa heshay,

Maku wareertay inaad ogaato calaamadaha saxda ah ee lagu fahmo gabadha ku rabto ama kaa heshay? Kaligaa ma tihid! Rag badan ayaa kula qaba dhibtaas.

Way adagtahay dumarka in la akhriyo, waana sababta ay raggu ugu wareeraraan inay ogaadaan gabadha ka heshay. Haddaba maqaalkeennaan maanta waxaan kaga hadalaynaa calaamadaha lagu garto gabadha kaa heshay.

Xiriirka indhaha:

Gabadha oo si joogto ah indhaha kaaga eegta waa calaamad wayn oo ku tusinaysa inay kaa heshay. Dumarku waxay jecel yihiin inay indhaha ka eegaan ninka ay u arkaan inuu yahay mid soo jiidasho leh. Hadda kadib haddii aad aragto gabar ku daawanaysaa oo isku deyaysa in indhihiinnu ay isqabtaan ogoow inay kaa heshay.

Si dhow ayay kaagala socotaa baraha bulshada:

Waxa ay had iyo jeer ka falcelisaa ama faallo ka bixisaa waxyaabaha aad soo dhigto baraha bulshada sida facebook iyo kuwa la midka ah.

Waxa ay kugu kuugu yeertaa ama kugu “tag” gareysaa waxyaabaha la soo geliyo baraha bulshada. Markasta ay wax kugu “tag” macnaheedu waa inay ku xasuusatay, Tani waxa ay astaan u noqon kartaa inay kaa heshay.


Aad ayay u dhoola cadeysaa marka ay ku aragto:

Mid ka mid ah calaamadaha waa wayn ee lagu fahmo gabadha kaa heshay waa inay si dhab ah u dhoolla caddayso marka ay ku aragto. Dhoolla caddaynteedu waxa ay gaartaa illaa indhaheeda waana mid aysan qarin karin.’

Aad ayay kuula sheekaysataa, khaasattan xilliyada dambe ee habeenkii:

Gabdhuhu ma jecla inay cid walba iskala hadlaan saacadaha dambe ee habeenkii. Haddii ay fariimo qoraal kuu soo dirto ama ay kula soo hadasho saacadaha dambe ee habeenkii ogoow gabadhaasi inay kaa heshay oo ay ku xiiseynayso.

Waxa ay dedaal gelisaa in wada sheekaysigiinnu uu sii socoto:

Si dhab ah ayay kuula sheekaysataa, jawaabo gaagaaban kuma siiso, sida oo kale suaalo ayay ku weydiisaa si ay kuula sheekaysato, hadba mowduuc ayay furtaa si wada sheekaysigiinnu usii socdo.

Waa ay xasuusataa wax kasta oo aad u sheegto:

Haddii ay ku soo xasuusiso ama kugu hadal qaado arrimo aad u sheegtay maalmo ka hor, taas macnaheedu waa inay dhugmadeeda oo dhan ay ku siisay, si wacanna ay kuu dhageysato. Waxay ku kaftantaa oo kaaga shactiraysataa waxyaabihii aad u sheegtay. Wax kasta oo adi kugu saabsan xiiso gooni ah ayay u leeyihiin.

Waxa ay kuu caddaysaa:

Haddii ay kuu caddayso inaysan xiriir kale ku jirin ama cid kale haasaawe la wadin, tani waa calaamad kale oo ku tusinaysa inay kaa heshay oo xiriirkaaga ay doonayso.

Waxa ay ku qososhaa wax kasta oo aad tiraahdo:

Haddii ay ku qososho wax kasta oo aad ku kaftanto, ogoow gabadhaasi inay kaa heshay. Kaftanku waxa uu astaan u yahay xiriirka togan.

Waa ay kugu daysataa:

Haddii kugu daysato, tusaale ahaan haddii qaabka aad u fadhiisato ay u fadhiisato, halku-dhegyaada ay adeegsato, cunnada aad xiiseyso ay bilowdo inay cunto, arrimahani waxa ay calaamad u yihiin ka helitaan dhab ah.

Akhriso: 5 Dabeecadood Oo Gabadhu Ku Nici Karto Ninka

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *