Calaamadaha Kelyo Xanuunka Iyo Sababaha Keena

Kelyo xanuunku waxa uu ka mid yahay Xanuunnada sannadihii dambe sida weyn ugu soo badnaaya dunida, boqolkiiba 13.4 ka mid ah dadka adduunka ayaana qaba xanuunkan oo herarkiisu kala duwan yihiin.

Dhibaatada ugu weyni waa in xanuunkani aanu lahayn calaamado u gaar ah oo dhaqso loogu aqoonsado. Inta badanna waxaa dhacda in calaamado muhiim ah aanu qofku dareemi, illaa ay xaaladdu xumaato ama dhaawacu uu ku dhaco kelyaha.

Si kastaba ha ahaato ee calaamadihiisa waxaa ka mid noqon kara:

  • Yaalugo
  • Matag
  • Cuntada oo laga kaco / Amateed xumo
  • Daal / burbur iyo awood darro
  • Dhibaato dhinaca hurdada ah
  • Kaadida oo inta dabiiciga ah ka badata ama ka yaraata
  • Awoodda fahamka iyo shaqada maskaxda oo hoos u dhacda
  • Murqo xanuun, gaar ahaan in ay guntamaan
  • Maqaarka jidhka oo engag iyo caweef badan yeesha
  • Dhiigga oo aad kor ugu kaca
  • Neefsiga oo adkaada, markay biyo ku samaysmaan sambabada
  • Laab xanuunta, marka ay biyo galaan hareeraha xuubka wadnaha

Sababaha keena kelyo xanuunka

Sababo badan ayaa keena, waxaa ka mid ah sababahan hoos ku xusan oo isugu jira kuwo si toos ah u sababa iyo kuwo siyaabo dadban raad ugu leh kelyo xanuunku in uu yimaaddo.

  • Kaadida oo la ceshado, (Qofku in badan haysto)
  • Qofka oo aan iska dhammaystiran kaadida (Aan faaruqin Kaadi haysta)
  • Caabuqa ku dhaca Kaadi Mareenka oo aan hore la isaga daweyn
  • Isbeddelka midabka kaadida oo la dhayalsado. Waayo kaadida oo noqota midab kale, sida basali ama casaan, waa calaamad muujin karta kelyo xanuun
  • Cunista badan ee hilibka
  • Biyaha oo aan aad loo cabbin
  • Macaanka iyo dhiigkarka oo aan si sax ah loo xakamayn
  • Wadne Xanuunka
  • Sigaar nuugista
  • Miisaanka badan.
  • Cabitaanka sharaabada soodhaha leh, iyo kuwa sonkortu ku badan tahay.
  • Cabbitaanka sharaabka tamarta kordhiya (Energy drinks)

Goorma ayaa ay tahay in aad dhakhtarka u tagto?

Talada ugu fiicani waa in qofku uu dhakhtarka tago, isla marka uu isku arko calaamadaha aynu soo xusnay, ama wax kasta oo muujinaya in kelyuhu xanuunayaan. Waa sida ugu fiican ee uu uga hortegi karo in uu dhakhtarta u tago xilli ay xaaladdu xumaatay. Gaar ahaan dadka qaba Xanuunnada macaanka, dhiigkarka iyo guud ahaan Xanuunnada dhibaatada gaadhsiin kara keliyaha, waxaa lagula talinayaa in ay joogto ula socdaan caafimaadka kelyahooda.

Akhriso: Kilyo Xanuunka Sonkorowga (Diabetic nephrophathy)

W/Q: Kamaal Marjaan

Mayo Clinic /Aljazeera Health/ iyo ilo kale

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *