Calaamadaha Kansarka Mindhicirrada Waa Waaweyn (Colorectal Cancer) Iyo Dadka Halista Ugu Jiro

Mindhicirrada waaweyn waa xubnayaasha ugu muhiimsan ee qashinsaarka iyo in biyaha laga nuugo u qaabilsan jidhka. Kansarka ku dhaca mindhicirka weyn wuxuu aafeeyaa dadka waa weyn ee da’da ah.

Kansarka mindhiciradu waxa uu ku bilowda xaalad loo yaqaan bening waa mid ka mid ah kansarka qaybihiisa buro yar oo kale ah laakin aan samaynayn koritaan ,fiditaan qofkana aan dhibaato ku hayn.

Marka xaaladan bening  meesha ay timaad dhakhaatiirtu waxa ay bilaabaan ka warhayn aad u badan oo  2—-6 bilood-ba mar la eego xaalada mindhicirka weyn ee qofka si loo ogaado koritaanka buradi ama fiixistii yarayd ee aan u bixinay bening .

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Dhiig ka imaadaha xaga danbe.
  • Degenaanshiyo iyo raaxo la’aan uurku jirta ah..
  • Casiraad, guux iyo xanuun mindhicirada ah.
  • Dareen in mindhiciradu ayna madhanyn oo dibiro oo kale ah.
  • Awood darro.
  • Yalaalugo badan.
  • Miisaanka oo si degdeg ah u luma.

MAXAA SABABA XANUUNKA.

Kansarka ku dhaca mindhicirada waxaa sababa  dhaawac soo gaadha hido siyadaayasha jidhkeena laba xaaladood ayaa ay ku dhacdaa:

  1. Qaybsan aad iyo aad u daran oo ku imaada unuga ,kaaso oo amarku uu ka imid hiddo sidaha.
  2. Waxyaabo dibadda inagaga imid sida radiation bedelay sida uu ushaqaynayaan hiddo sidayaasheenu .

YAA HALIS U AH XANUUNKAN

  • Dadka waaweyn.
  • Hadii aad hore ugashay qalniin lagaaga jaray xubin uu kansar kudhacay.
  • Caabuqa ku dhaca mindhicirada ama ilmo aragtaydu sababto hadii ay  kugu soo noqnoqdan.
  • Hadii aad yaraysatid cuntooyinka galka ,oo aad badsatid cuntooyinka duxdu ku badantahay.
  • Dadka macaanka leh.
  • Dadka sigaarka,xashiishada iyo maandooriyaha isticmaala.

SIDEE LOOGA HORTAGAA kansarka mindhicirrada.

  • Hadii aad ku jirto  ama aad nolol maalmeedkaagu ku salaysanyahay qodobada dadka halista ugu jirah aan ku xusnay waxaad u  baahantahay in 2—6 bilood inta udhaxaysa hal mar inaad fiirisid mindhiradaada .
  • Sidaad u nooshahay waxay ka hortagi kartaah  darajada xanuunku uu kugu dhici karoh  tusaale ahaan hadii aad isticmaasho cuntooyin isku dheeli tiran  subaxa canjeero ,duhurka khudaar habeenka cuntooyinka galka leh  waxay kaa fogaynaysaa ama aad kaga hortagaysaa darajada xanuunku uu kuugu dhici karoh.
  • Jimicsigu waxa uu ka qayb-qaatah in caafimaadka mindhicirka weyn uu noqdo mid caafimaadkiisu uu aad u sareeyoh  ,biyo cabista badan iyo dhaqdhaqaaqa muruqyada ka sareeya mindhicirada waxa ay kor uqaadan in qashin badan laga saaro mindhicirada lagana hortago calool istaag.
  • Miisaankaga ku ilaali  miisaan caafimaad qab ah 75kg.

SIDEE LOO BAADHAA XANUUNKA.

  •  Tuunbo ku xidhantahay kamerad ayaa lagu dhaadhiciniyah qofka.
  • Dhiig ayaa baadhitaan lagu samaynayah.

DAAWAYN.

  • Daawaynta ugu muhiimsan waa in laga jaraa mindhicirka halka uu kaga dhacay xanuunka kansarka.
  • Daawooyinka kale dhakhaatiirta ayaa ka tashanaysa si xaaladiisa loogu lifaaqo.
  • Hadii aad  halis ugu jirto xanuunkan hagaaji oo ka hortag xanuunka.
  • Hadii aad calaamadaha  isku aragtay la xidhiidh sida ugu dhakhsiyaha badan  dhakhtar.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *