Calaamadaha Digniinta Ah Ee Xanuunnada Farjiga Dumarka

Caafimaadka xubinta taranka waxa uu muhiim u yahay sida caafimaadka xubnaha kale ee jirka uu muhiim u yahay. Caafimaad qabka xubinta taranka waxay aasaasi u tahay fayow qabka guud ee haweeneyda. Waxaan la soconaa in dumarku u nugulyihiin xanuuno badan marka la bar bardhigo ragga. Cudurada ay dumarku u nugul yihiin waxaa kamid ah, infekshanka ku dhaca kaadi mareenka, waa inaad dhakhtarkaaga u sheegtaa hadii ay kugu soo kororto xaalad cusub oo caafimaad.

Xubinta taranka ee caafimaadka qabta waxaa la ogyahay inay soo saarto dheecaan, kaas oo ka soo saara bakteeriyada iyo haragga dhintay. Tani waxay farjiga ka dhigtaa mid caabuq la’aan oo caafimaad qaba, waxaa kaloo dheecaanka uu subkiyo farjiga oo uu ka ilaaliyo qallaylka.

Caafimaad darrada xubinta taranka waxay saamayn ku yeelan kartaa kacsiga iyo dhalmada. Waxaa jira infekshanno yaryar oo haddii aan waqtigooda lagu daawayn sababi karaa dhibaatooyin caafimaad oo waa wayn.

Halkaan waxaan ku soo aruurinay calaamado muujinaya inay caafimaad xumo la soo deristay farjiga, waa muhiim haddii haweeneyda ay isku aragta astamaha halkaan ku xusan inay si dhakhso ah dhakhtar ula kulanto oo aysan dhayalsan.

Qallayl:

Qallaylka waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee lagu garto caafimaad darrada farjiga. Waxyaabaha keena qallaylka farjiga waxaa ka mid ah walwalka, dawooyinka qaar, isbedellada hormoonnada iyo xanaaqa badan.

Cuncun iyo dareen gubasho leh:

Dareen gubasho leh iyo cuncun joogto ah waxay saamayn kartaa caafimaadka galmada waxayna tilmaan u noqon kartaa noocyo infekshannada ka mid ah,

Dheecaan xad dhaaf ah:

Dheecaan xubinta taranka ee haweenka waa wax caadi ah haddii midabkiisu cad yahay islamarkaana uusan lahayn ur xun. Haddii aad isku aragto dheecaan midabkiisu guduud (casaan) ama kafee yahay oo wata ur aan fiicnayn waxaa qasab ah inaad la kulanto dhakhtar.

Dhiig yimaada xilliga galmada ama kadib:

Tani waa dhibaato halis leh oo u baahan in dhakhtar la arko, waxay tilmaan u noqon kartaa dilaac ferjiga ah, infekshan, qallayl iyo cudurrada galmada la iskugu gudbiyo. Waa calaamad wayn oo muujinaysa caafimaad darro farjiga ah.

Nabarro ama kuuskuusyo:

Kuus ka soo muuqda bannaanka farjiga waxay astaan u noqon kartaa kansarka siilka. Kuus-kuuska kansarka waxa uu u bilaaban karaa sidii bar yar kadibna waxaa isbedella muuqaalkiisa ama midabkiisa. Tanina waa calaamad kale oo wayn oo lagu garto caafimaad darrada farjiga.

Dheecaan ur badan:

Dheecaan ur badan oo soo noqnqoda waxay astaan u noqon kartaa infekshan.

Dhiig aan caadi ahayn:

Haddii aad isku aragto dhiig badan inta u dhexeysa xilliyada caadada waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirto. Sidoo kale haddii aad isku dhiigga caadada intii uu ku hayn jiray oo ka badan ku haya waa inaad dhakhtar la xiriirtaa.

Yaraanshaha xubinta taranka:

Xubinta taranka oo qallayl noqota islamarkaana leh balbal ama hur taas macnaheedu waa in jirka uu ku yaryahay hormoonka estrogen. Xaaladaan waxaa loo yaqaan yaraanshaha xubinta galmada (vaginal atrophy) sababo la xiriiro yaraanshaha estrogen.

Kadi xanuun badan:

Kadida oo marka ay imaanayso wadata dareen kulul waxaa lala xiriiriyaa infekshannada kaadi mareenka iyo cabeebka, waana calaamad kale oo muujinaysa in dhibaato caafimaad ay soo wajahday xubinta taranka.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *