Calaamadaha Cudurka Tiifowga (Typhoid)

Cudurka tiifowga:

Tiifoow waa cudur sahlan oo ay keento bakteriyada la yiraahdo salmonella typhi.

Waxaa sidoo kal sababi karta bakteriyada la yiraahdo salmonella paratyphi . Taasoo ah backteriya aan dhib wayn lahayn, waxaa laga qaadi karaa bakteriyadan biyaha iyo cuntada halkaas oo dadku ka qaadaan kadibna dadka kale saas ugu sii gudbiyaan.

Cudurka tiifowga wuxuu ku dhacaa dad badan oo aduunka ku nool haba ugu badnaadeen dadka dagan wadama, Masar, Hindiya, iyo Bakistaan. Waxaana sanad walba wadamadaas ugu dhinta dad badan oo gaaraya ilaa 200,000 oo qof.

Sidee cudurkaan dadka u saameeyaa?

Cudurka tiifowga waxuu dadka ku dhacaa haday cabaan ama cunaan biyo ama cunto ay kujirto bakteriyada salmonella typhi. Dadka qaba cudurkaan haday ku saxaroodaan ama ku kaadiyaan meelaha dadku biyaha ka cabaan waxay si sahlan ku gudbin karaan cudurkan.

Bakteriyada salmonella typhi waxay awoodaa inay mudo dhan hal isbuuc ku noolaato biya dhexdooda, ama bulaacadaha.

Qiyaastii 3-5% dadka ay saamayso bakteriyada salmonella typhi waxay noqdaan bukaan qaba cudurkaan, halka dadka qaarna ayagoo qaba cudurka aysan kasoo bixin wax calaamadaa. Balse waxay dadkaa ahaan karaa dad cudurka sida, siina gudbin kara waqti walba.

Astaamaha lagu yaqaan cudurka tiifowga:

Waqtiga u dhexeeya bilaabashada infection-ka iyo soo bixida calamaadaha cudurku waa 1-2 isbuuc, halka xiliga cudurku kuhaynayana tahay 3-4 isbuuc hadii lagaa daweeyo.

Calamaadaha waxaa kamid ah;

  • Cuno xumi ama cunto cunid yaraan
  • Madax xanuun
  • Xanuun jirka oo dhan kaa haya oo aan meel gaara qabanayn
  • Qandho aad u daran oo xumad ah oo gaarayaa 40 degree
  • Shuban iyo daciifnimo

Dadka qaarkood xabadka ayaa xanuuna sidoo kale calool qabad iyo dareen aan fiicnayn oo joogto ah ayaa qabta, qandhadu waa mid joogto ah mar walba.

Badanaa dadku waxay dareemaan isbadal caafimaad markay marayaan isbuuca sadixaad ama kan afraad marka la daweeyo waa hadii aan dhibaatooyin kale oo cudurka la xiriira imaan.

Waa maxay dhibaatooyinka la xiriira tiifowga?

Dhibaatada ugu khatarsan ee uu keeno tiifowgu waa dhiig bax ku yimaada mindhicirada.

Gudaha mindhicirada ayaa waxaa ku samaysma godad ay samayso bakteriyada salmonella typhi taasoo cuntada ama biyaha caloosha taga kaga harta caloosha dabadeedna caloosha dhexdeeda ka samaysa godad, kuwaasoo hadhaw keena dhiig bax siyaadaa.

Waxaa ka dhasha dhiig baxaas calool qabad iyo xanuun siyaadaa, lalabo, matag iyo infekshan ku dhaca wareega dhiiga. Arintaan waa halis waxayna mar walba u baahataa gar gaar caafimaad oo deg deg ah.

Sideed uga hortagi kartaa cudurkaan:

Saan horay usoo sheegnayba cudurkaan waxaa laga qaadaa bakteriyada salmonella typhi oo laga helo biyaha iyo cuntada. Sidaa daraadeed waxaad u baahantahay inaad mar walba iska hubisid biyah iyo cuntadaba.

Laakiin qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cudurkaan ayaa ah talaalka maadaama ay adagtahay in nadaafada biyaha iyo cuntada mar walba la ilaaliyo.

Waxaa lagugula talinayaa inaad is talaashid hadii aad u safraysid wadan uuku badanyahay cudurkaan.

Intaas marka laga soo tago isku day mar walba oo aad saxarootid inaad gacmahaaga ku dhaqdid saabuun, mar walbana cab biyo la daweeyay, hana cabin biyaha kujira meelaha waskhdaa.

Iska jir inaad cuntid qudaarta suuqa aad kasoo gadid adoon sifiican u mayrin.

Waligaa ha cunin cunto aan kululayn.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *