Astaamaha Cudurka Beerka Xeyrta Leh (Fatty Liver Disease)

Beerka xeyrta leh:

Waxaa caadi ah in subag yar uu ku sameymo gudaha beerka. Laakin hadii heerka subaga uu ka bato 5 ilaa 10 boqolkiiba miisaanka beerka, waxaa dhacaya cudurka beer subaga

Waxaa jira laba nooc oo beerka xeyrta leh, waxey kala yihiin

  • Cudurka beer subaga ka dhasho khamriga
  • Cudurka beer subaga ee aan khamriga ka dhalan

Dumarka waxaa ku dhici karo cudurka beer subaga xiliga ay uurka leeyihiin.

Cudurka beer subaga ka dhasho khamriga

Khamriga qofku wuxuu ku sababi karaa cudurka beer subaga, xitaa hadii uu waqti yar cabayay. Waxyaabaha kale ee fududeynta kara cudurkaan waxaa ka mid ah

  • Cagaarshoow C
  • Maadada iron oo ku badan jirka
  • Buurnaanta

Cudurka beer subaga ee aan khamriga ka dhalan

Ma cada wax dhabta ah ee sababa, arintaan waxey u muuqataa in la iska dhaxlo

Waxaa unugul inuu haleelo cudurka beer subaga dadka ay da’doodu dhexdheexaadka tahay miisaankooduna badan yahay iyo dadka la nool kolesterol kacsan iyo sonkoroow, waxyaabaha kale ee sababi kara waxaa kamid ah:

  • Dawooyinka qaar
  • Cagaarshoow
  • Miisaanka oo si dhaqsa ah u luma
  • Nafaqa xumo
  • Waalidka oo laga dhaxlo cudurada ku dhaca beerka

Beerka subaga degdega ah ee uurka

Waa arin dhif ah, hasa yeeshee waxaa beerka ku sumeysma subag xiliga uurka. Arintaan waxey halis gelin kartaa hooyada iyo cunugaba. Sidoo kale waxey sababi kartaa fashil ku yimaada kilyaha iyo beerka.

Si buuxda looma fahansana sababta ay arintaan ugu dhacdo dumarka uurka leh, waxaa laga yaaba in hormoonada jirka ay kaalin ku lee yihiin.

Marka lagu ogaado hooyada uurka leh waa muhiim in sida ugu dhaqsiyaha badan looga dhaliyo. In kastoo laga yaaba in uu cunugu u baahdo in la seexiyo qeybta ICU, beerka hooyada wuxuu ku soo noqdaa sidiisa caadiga aheyd todobaadyo kooban kedib.

Astaamaha cudurka beer subaga

Waxaa suurta gal ah in qofku uusan ogeyn inuu la nool yahay cudurkaan sababtoo ah badanaa astaamaha ma ahan kuwo soo muuqda, marka uu waqtiga isguro waxaa soo ifbaxa dhibaatooyinka:

  • Daal badan
  • Miisaanka iyo abateytka oo yaraada
  • Awood yari
  • Lalabo
  • Wareer, dhibaatooyinka u fiirsashada iyo go’aan xumo

Astaamaha kale ee qofku dareemi karo waxaa kamid ah in beerka uu ka weyn yahay sidiisi hore, xanuun laga dareemo bartmaha ama qeyb medigeedka kore ee caloosha.

Astaamaha beer subaga ka dhasha khamriga

  • Jirka oo barar
  • Murqaha oo yaraada
  • Dhiigbax gudaha ah
  • Joonis: indhaca iyo maqaarka oo huruud/jaale noqda
  • Beerka oo fashilma

Baaritaanka

Dhaqtarka marka uu sameeyo wiisitada caadiga ah waxaa laga yaabaa inuu dareemo in beerka qofka uu ka weyn yahay sida caadiga ah. Siyaabaha kale ee lagu baaro waxaa kamid ah:

  • Baaritaanka dhiiga
  • Qalabka Ultrasound
  • In lasoo jaro qeyb yar oo ka mid ah beerka si loogu fiiriyo qalabka microscope ka

Daweynta

Majirto hab gooni ah oo loo daweeyo, hasa yeeshee xaaladaan ayaa soo hagaagta hadii qofku uu maareeyo sonkoroow, waa hadii uu qabo

In laga fogaado khamriga ayaa ah arin ka qeyb qaadata dib u celinta dhaawaca soo garaya beerka.

In qofku uu cunno cunno isku dheeli tiran iyo inuu jimicsado. Sidoo kale in la yareeyo cunada ay ku badan maadada carbohydrate sida rootiga, bariiska, baradhada iyo galeyda.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *