Asalka Nidaamka Iskuulka

Dunida oo idil carruurtu waxa ay tagaan iskuullo leh heer la-yaab leh oo isku mid ah:

  • Ardayga waxaa laga rabaa in uu iskuulka tago.
  • Silsilad waxbarasho oo ka bilaabanta barbaarin ilaa heerka 12-aad.
  • Ardayda waxaa loo qaybiyaa iyada oo da’da lagu salaynayo, ee aanan loo eegayn waxay doonayaan in ay bartaan iyo waxa ay horay u soo barteen toonna.
  • Macallinku waa awoodda. Carruurtu waxa ay la yimaadaan maskaxo maran oo uu lacag ku qaato si uu u dhaamiyo.
  • Ma jirto fursad yar oo u bannaan ardaydu in ay maaddo si qoto-dheer u baaraan, si ay u horumariyaan hammi, si ay u xoojiyaan xirfad. Waxaa jira hal saac oo maado ah, ka dibna hal saac oo maaddo kale ah.
  • Macallimiinta waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin kuwo aqoon fiican leh, keliya haddii ay wataan shahaadadii laga rabey.
  • Dan lagama laha in ay si fiican wax u bari karaan [carruurta] iyo in kale.
  • [Macallimiintaasi] carruurta ma jecel yihiin mise wa ay neceb yihiin, dan lagama laha.
  • Haddii carruurnimadu qof kasta u tahay waqti farxad iyo haddii kale ba, waa mid aanan [nidaamka iskoolaynta] khusayn. Taasi xisaabta kuma jirto.
  • [Lacag ahaan] manhajku waa mid go’an, oo [ardayda] waxaa lagu baraa qiime lacageed oo go’an, xitaa haddii ay taasi u shaqayn weydo ardayda qaarkood iyo xitaa haddii uusan qofna karayn tabartaa lacageed.
  • Ma jiraan wax yar ama ma jiro wax lagu aqoonsado macallin tayo sare leh.
  • • [Waxbarashadani] waxay xarun u tahay manhaj jaango’an iyo qorshaha casharrada, ee ma ahan waaya-aragnimada nolosha dhabta ah.
  • Ardayda iyo macallimiintu waxa ay rumaysan yihiin in ujeeddada u weyn ee iskuulku ay tahay diyaarinta ardaydu in ay imtixaanka gudbaan.

Haddii aad ka bilaabeysid sagxadda, oo aad dooneyso inaad ka caawiso carruurta inay noqdaan dad wax ku biirinaya xubnaha bulshada, oo weliba si fiican u jajaban, miyaad hindisi lahayd qorshahaan? Xaqiiqdii maya. Qof kale ma samayn. Ee cid luggooyo damacsan ayaa hawshaan dejisay.

Qarniyo faro badan, madadaalo ay jeclaayeen taliyayaashii reer Yurub ayuu midba midka kale ugu duulayay si uu ugu guuleysto dhul badan. Reer Prussia waxay la kulmeen dhibaato: Inta badan ciidamada Prussia waxay ahaayeen beeraley loo diyaariyey inay dagaallamaan. Markay cadawgu toogtaan iyaga, waxay lahaayeen dabeecad xanaaq leh oo ah inay guryahooda u aadaan reerkooda iyo beerahooda. Prussia kuma guuleysan lahayn dhul badan ciidankaas! Ciidanku waxay doonayeen askar kuwaas oo haddii lagu amro inay isdilaan, si indho la’aan ah u adeeca?ma ahan askarta laga yaabo inay toogtaan kabtankooda oo ay guryahooda aadaan.

Si ciidan la isku hallayn karo loo abuuro, Prussia waxay hirgelisay hannaan iskuullo oo diiradda saaraya in ardaydu ay xushmeeyaan una hoggaansamaan qofka madaxda ah ?macallinka. Maalinkii u horreeyey goortii ay iskuulka yimaadeen iyagoo ku lebbisan direes isku mid ah, waxay ahaayeen kuwo garanaya in ay saf-saf u istaagaan. Prussia waxay noqotay quwad millateri. Waxay fidisay xuduudkeedii, maantana waxaan ugu yeernaa JARMAL.

Laakiin Prussia waalidiinta way u sheegi kari weyday “Noo soo dira carruurtiina si aan u barno inay noqdaan calafka madfacu quuto”. Sidoo kale, dugsiyadu waxay bari jireen akhriska iyo xisaabta. Taariikhdu ma sheegto haddii ujeedka koowaad ahaa in la sameeyo askar hoggaansanta ama muwaadiniin nidaamka adeecda. Prussia ayaa labadaba heshay. Si kasta ba, ardayda lama barin martabad ay gaari lahaayeen in ay si madaxbanaan u fekeraan. Macallinka ayaa dhahayey: “ardayda shaqadoodu waxay ahayd xifdin oo qura”.

Middaan kaligeed waxay ku filnaan lahayd in lagu qanciyo taliyayaasha kale inay qaataan waxa loogu yeero Nidaamka Prussia. Wax yar kadib, dhiirrigelin kale ayaa soo muuqatay kacaankii Warshadaha. Markii hore, dadka reer Yurub badankood waxa ay ku noolaayeen baadiyaha quutul yoomkooda ayeyna dhacsan jireen –sida beeralaynimo, dukaanley, birtumid, ama farayaannimo.

Hindisaha mashiinka uumiga ayaa waxaas oo dhan beddelay. Tobaneeyo sano gudahood, warshado magaalo ayaa samaysmay. Beeraleyda –oo mararka qaar nolol fiican raadsata, mararka qaarna dhulkoodii khasab lagaga barakiciyey— waxay u guureen magaalada. Laakiin maysan ahayn shaqaale warshadeed oo lagu kalsoonaan karo. Milkiilayaashu waxay u baahdeen shaqaale waqtigooda yimaada, amarrada raaca, oo caajiska u arka mid inuu yahay mid u daran masiirkooda nolosha. Qaab-iskuuleedka ee Prussia ayaa dadkii beddeley.

Taageero dheeri ah ayaa meelo kale ka timi. Horace Mann, oo ah dib-u-habeeye Mareykan ah, waxa uu malaynayay in nidaamka iskuulka Prussia uu hagaajin karo nolosha dadka saboolka ah ee Mareykanka. Wuxuu sabab u noqday in Massachusetts uu qaato nidaamkan, markaas ayay gobollo kale ku daydeen.

Dowladaha reer Yurub hannaankii Prsussia ayey kusoo rogeen dalalkii ay gumeysan jireen. Taasi waxay abuurtay shaqaale xoog leh oo heer hoose ah oo waxna adeecaya qiime jabanna ku shaqaynaya, iyadoo u muuqata in arrintaasi u faa’iideysanayso dadka deegaanka. Wadamada badankood maanta is-qorista iskuulladu way korortay, se nidaamka Prussia ayaa weli ku badan.

Laakiin, maanta taageero dheeri ah oo loogu talagalay nidaamkan Prussia wuxuu ka yimid ilo cusub; sida xarumaha waxbarashada. Shabakad ballaaran?oo ah maamuleyaal, macallimiin, iyo saraakiisha dowladda; buugaagta iyo manhaj-baahiyayaasha; kulliyadaha tababarka macallimiinta; shaqaalaha gargaarka ee dalalka soo-koraya; iyo la-taliyayaasha lama huraanka ah?dhammaantood, dakhligooda waxay ka helaan nidaamka isbeddeley ee iskuullada dawladda. Qaar badan oo ka mid ahi si dhab ah ayey u daryeelaan carruurta iyo waxbarashada. Asii, sidoo kale waxay daneeyaan dakhligooda iyo in a baagamuudada ka badbaadaan. Taa oo qaabaysa fikirkooda, xaddiddana xamaasaddooda isbeddel si qoto-dheer.

Haddana maanta waxaan u joognaa adduun leh qaab-iskuuleed loogu talagalay in lagu mideeyo askar aanan cararin kolkuu cadowgu xabadda ku furo; kaas oo u xuubsiibtay in la daboolo baahiyaha milkiilayaasha warshadaha, iyo sidoo kale in qof walba farxad dareemo in uu caruurtiisa soo diro. Asalka nidaamkani weli waa marag.

Dhalleeceyn iyo sawaxan aanan dhammaad lahayn ayaa ka soo yeeray afarta koone ee dunida, dadkuna waxay si isku-mid ah u arkaan oo isaga cad in uusan nidaamku shaqaynayn; isla-markaana ayan ahayn inay wax adag noqoto in la sii wanaajiyo.

Laakiin nidaamku wuxuu u shaqeeyaa dad badan. Keliya maaha kuwa ku jira goobaha waxbarashada, ee xataa labeenta dunida wuu gaarsiisan yahay. Sidaas awgeed, weli waa mid sii socda, xitaa caruurt la’aantood.

Maxaad qaban kartaa?

Hadafkaygu wuxuu ahaa inaan bixiyo taariikh kooban oo ah qaabka iskuulka ee ku faafay adduunka intiisa badan. Horay waxaa u jirey iskuullo, laakiin dugsiyadii ugu horreeyay waxay xoogga saareen barashada. Halka kuwakani ayan dan iyo heello ka lahayn.

Tani haddii ay tahay mid aad aragtay, oo aad doonayso inaad beddesho, kuuma sheegi karo waxaad samaynayso. Dad aad u tiro badan ayaa durba isku dayaya inay meel fog ka maamulaan! Laakiin waxaan soo jeedin doonaa bar bilow: U deji hadaf inaad arrinkan shan qof kala hadasho seddexda maalmood ee soo socota ?qoyska, asxaabta, waalidiinta kale, saraakiisha dowladda. Weydii waxa ay u malaynayaan. Kala hadal fikradahaaga. Haddii aad tan samayso, waxaan jeclaan lahaa inaan maqlo waxa ka soo baxa.

W/Q: Sasha Alyson
W/T: Madasha Tarjumaadda HOOBAAN

Tixraaca maqaalka asalka ah: The Origin of Modern Schooling | Karma Colonialism

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *