Ardayda Waxbarashada Jaamacadaha Bilaabaysaa, Xisaabta Ha Ku Darsadaan Culuumta Teknoolajiyada La Xidhiidha

Teknoolajiayadu, dhaqaalaha dunida maanta waxa ay ku leedahay kaalin aasaasi ah, si joogto ahna u sii koraysa.

Maadaama oo ay abuurayso nidaam iswada oo aan waqti badan qaadanayn, waxa ay ka qayb qaadataa horumarka iyo wanaajinta tayada, iyo tirada waxsoosaarka iyo adeegyada, si ka qiimo yar sidii ay ahaan jirtay xilligii wax kasta gacanta laga qaban jiray.

Isbeddel, kacaan teknoolajiyadeed lagu sheegi karo ayaa ay gelisay suuqyada ganacsiga, iskaashiga iyo war-isgaadhsiinta baayacmushtarka, suuqa shaqada, nidaamka maaliyadda, iyo wax kasta oo raad ku lahaa dunida dhaqaalaha iyo ganaciga . Waxaa la aaminsanyahay in Teknoolajiyadu ay maanta tahay, awood iyadu jaangoysa oo dejisa Khariiradda dhaqaalaha dunida.

Arrimahani waxa ay sababeen dadkii ku jiray ganacsiga iyo shaqooyinka teknoolajiyada, in uu dhaqaalahoodu u koray si xawaare sare ah oo aanay la tartami karin dadkii ku jiray ganacsigii soojireenka ahaa.

Liiska maalqabeenka adduunka ee May 2024, waxaa ka muuqda in Boqolka qof ee dunida ugu maalqabeensan, ay 74 ka mid ahi lacagta ka sameeyaan ganacsiyo xidhiidh la leh Teknoolajiyada. Weliba Tobanka ugu horreeya liiska, siddeed ka mid ah ayaa teknoolajiyadda ka shaqaysta.

Waxa ay isugu jiraan Barnaamijyada ka shaqaysiiya qalabka teknoolajiyadda ee Software ka loo yaqaanno, qalabka teknoolajiyadda ee kombiyuutarrada, diyaaradaha is wada (Drones) iyo talefannada gacantku ka mid yihiin, suugyada internetka sida amazon, warbaahinta bulshada sida facebook, ciyaaraha internet ka (video games), isgaadhsiinta, Elektarooniga, barnaamijyada (Applications) sida kuwa uu ku shaqeeyoa tagsiga Uber ka, iwm.

Arrintani waxa ay keentay, in sannadihii u dambeeyey ay waxbarashada la xidhiidha teknoolajiyadu ka mid noqoto maaddooyinka ay ardayda cusubi ugu dalbasho badan yihiin jaamacadaha.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacada, aqoonta, cilmiga,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga? (Qeybtii 3-Aad)

Mar haddii aynnu ku nuuxnuuxsannay in nidaamka waxbarasho iyo waxsoosaarka aqooneed ee reer Galbeedku uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *