Aqoon U Yeelo 10 Cunto Oo Ka Hortaga Cudurka Baabasiirka

Baabasiirku waa cudur ku badan bulshada Soomaaliyeed, laakiin nasiib wanaag, waxaa looga hortagi karaa ama lagu daawayn karaa cunnada dabiiciga ah. Cudurka baabasiirka waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxaa yimaada babaasiir.

Maxaa sababa cudurka baabasiirka?

Waxyaalaha ugu caan ee sababa baabsiirka waxaa ka mid ah; calool istaagga, shubanka, galmada futuda iyo uurka. Babaasiirka ka yimaada uurka caadi ahaan wuu iska tagaa ka dib marka ilmuhu dhasho.

Calaamadaha cudurka baabasiirka:

  • Cun cun aagga futada ah
  • Dhiig la arko saxarada kadib
  • Xanuun iyo raaxo daro la dareemo xilliga saxarada
  • Futada gidaaradeeda oo barara
  • Dareen ah in si buuxda caloosha loo faarujin ama loo saxaroon
  • fadhiga oo qofka dhiba

Cunnadee uroon cudurka baabasiirka?

Waxaa jira cunnooyinka loo adeegsado ka hortagga iyo daaweynta baabasiirka. Cunista cunnooyinka qaniga ku ah faybarka (fibre) iyo cabbista biyo badan waa labada shay ee lagula dardaamo dadka qabo cudurka baabasiirka. Hadaba sii akhri si aad wax badan uga ogaato cunnooyinka la dagaallama baabasiirka.

Digirta:

Digirta waxaa ku badan faybar iyo nafaqooyin kale oo aasaasi ah. Digirtu way sahlan tahay in calooshu shiido, waxayna ka hortagtaa calool istaagga.

Mooska:

Mooska waxaa ka buuxo faybar, wuxuu jilciyaa saxarada taas oo fududaynaysa inay gudubto. Cunista moosku waxay khafiifisaa xanuunka iyo dhiig baxa uu baabasiirku keeno marka ay saxaradu dibada u soo baxayso.

Tiinka (figs):

Miraha tiinku waxaa ku badan faybar, waxay ka hortag u yihiin calool fadhiga iyo saxaro adeyga.

Cambaruudka:

Mirahaan waxaa ka buuxo faybar wuxuu jilciyaa caloosha. Ku cun dirkiisa, sababtoo ah diirka ayuu faybarka ugu badan ku jiraa.

Koostada:

Waxaa loo aaminsan yahay in koostadu ay ka mid khudaarta waxtarka badan u leh daawaynta baabasiirka. Koostadu waxay caawisaa sifeynta marinka mindhicirka.

Baamiyaha:

Baamiyuhu wuxuu uroon yahay yahay dheefshiidka, saxarada ayuu jilciyaa, mindhicirradana wuxuu ku caawiyaa qashin saarka, wuxuu kaloo ka hortagaa cudurka baabasiirka.

Baytaraafka:

Baytaraafka waxaa ku badan faybar wuxuu ka hortagaa calool istaagga iyo baabasiirka. Bayaraafku wuxuu caawiyaa in qashinku si fudud oo aan xanuun lahayn uga gudbo mindhicirrada. Baytaraafka waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “Betacyanin” oo ah midda u samaysa midabkiisa taas oo faa’ido u leh maaraynta cudurka baabasiirka.

Babaayga:

Babaayga waxaa ku jirta maado la yiraahdo “papain” oo ka hortagta calool istaagga. Waxaa kaloo babaayga ka buuxo fitamiinno iyo nafaqooyin faa’ido u leh dadka baabasiirka qaba.

Boorashka:

Boorashku waa cunno nafaqo badan oo ka hortaga baabasiirka, waxaa ka buuxo faybar sidaas darteed wuxuu badiyaa oo u jilciyaa saxarada.

Timirta:

Timirtu waxa ay leedahay faybar oo caloosha ka caawiya ka hortagga calool istaagga.

Biyaha:

Dad ayay muhiim in biyo badan la cabbo si looga hortago in saxaradu ay adkaato. Sidoo kale cabbitaannada furuutka waxay ka hortagaan saxaro adayga waxaana laga helaa fitamiinno iyo macdano tiro badan.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *