Ahmiyadda Cunnada Isku Dheellitiran Ay U Leedahay Caruurta

nafaqo, caruurta

Ma ogtahay in carruurtu ay baahan yihiin nafaqo la mid ah tan dadka waa wayn ay u baahan yihiin? Carruurtu kama maarmi karaan in ay helaan cunno caafimaad leh oo isku dheellitiran si ay si wanaagsan ugu koraan uguna kobcaan.

Nafaqo darrada waxa ay caruurtu ka qaadi karaan miisaan yari xaad dhaaf ah.

Cunista Cunno isku dheellitiran waxaa laga helaa faytamiinnadii iyo nafaqooyinkii kale ee muhiimka u ahaa koriimada iyo kobaca carruurta. Cunnada ilmahaaga inta uu yaryahay aad siiso waxa ay saamaynaysaa caadooyinkiisa cunno ee mustaqbalka noloshiisa, sidaas darteed, waa lagama maarmaan in inta uu yahay la baro cunnooyinka caafimaadka uroon

Caruurta aan helin nafaqo ku filan waxa ay u nugul yihiin cudurrada, infekshannada iyo tabar darrada.

Cunnada isku dheelitiran waxa ay jirka siisaa nafaqada uu u baahan yahay si uu si wacan ugu shaqeeyo waxayna ka hortagaa buurnida xad dhaafka ah.

Beryaahaan dambe waxaa aad u kordhay buurnida xad dhaafka ah ee caruurta, sababtuna waa cunno xumada. Qorshe cunno caafimaad leh oo la raaco waxa ay maaraysaa islamarkaana ay xakamaysaa miisaanka.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *