7 Qodob Oo Yareyna Kara Khilaafka Lamaanaha

Marka ay lamaanayaashu arin isku qabtaan ayaa waxa dhacda in midkood uu aad u caraysan yahay, deganaanshuna ka dhumo. Hadaba bal hadii aad arintaas oo kale ay idinku timaado isku day in aad habsiiso lamaanahaaga.

Inkasta oo lamaanayaal badani ay ku nool yihiin nolol wanaagsan oo jacayl ku dhisan ayaa hadana waxa aan meesha ka maqnayn isku dhac, hadan inta badan waxa loo heli karaa xal.

Baadhitaan la sameeyayna waxa lagu ogaaday in celcelis ahaan lamaanaha isqabaa ay sanadkii isku dhacaan ilaa 312 jeer.

Qodobadan kaa caawinaya xalinta dhibaatada xidhiidhka lamaanahaaga ayaa laga soo xigtay buug la yiraa “Kärlek” oo ka hadlaya xidhiidhka, qortayna haweenayda la yiraa Eva Sanner oo ku xeel dheer xidhiidhka lamaanayaasha. Qodobadaas oo kala ah:

1. Halka aad ka cambaaraynaysid lamaanahaaga oo aad hadalkana ku bilaabaysid “adiga” ka duul “aniga” oo ka hadal sida aad dareemaysid oo aad u aragto xaaladan isqabsiga ah ee aad ku jirtaan. Sharax waxa aad dareensan tahay halka aad ka hadlayso fikirkaaga.

2. Daacad ahoow. Hada miyaad xanaaqsan tahay mise waad murugaysan tahay? Isku day in aad si daacad ah ugu muujiso lamaanhaaga waxa aad dareensan tahay si uu daacad kuugu noqdo.

3. Iska ilaali erayga “waayo”. Marka aad eraygan tidhaa ayaa lamaanahaagu waxa uu u arkayaa in aanad ku kalsoonayn iyo in aad weerar tahay. (waana sida ay inta badan tahay). Markaa adeegso erayga “sidee”. Tusaale ahaan “Sideed ugu fikirtay aanad isoo wacin?”.

4. Marka uu lamaanahaagu uu xanaaqsan yahay ugu jawaab jir ka hadal halka aad hadal ugu jawaabaysid. Hadii uu yahay lamaanahaagu mid aad u xanaaqsan oo codkiisan kor u qaadayo hab sii ilaa inta xanaaqu ka degayo oo uu ka bilaabayo in uu ka hadlo waxii ka xanaajiyay.

5. Hadii cadho badani ku hayso oo aad dareemayso in aad furka tuurto aad u neefso 10 jeer oo iswaydii arintan kaa xanaajisay ay u qalanto in aad dagaal ku bilowdo. Iswaydii ma lamaanahaaga yaa run ahaantii ah qofkan kaa xanaajiyay mise qof kale oo aad ka baqanaysid in aad isku dhacdaan.

6. Waxa muhiim ah in aad tidhaahdo, waliba waxa aad u muhiim ah in aad sheegato waxa aad u baahan tahay iyo waxa aad u qaban karto lamaanahaaga.

7. Waxa xidhiidhkiina ugu muhiimsan waa in aad odhan karto erayada ah “raali ahow”. Hadii ay kugu adag tahay in aad dhahdid raali ahow, bilow in aad is tababarto adiga oo habeen kasta inta aanad seexan dhahdo raali ahow oo daris waxa xidhiidhkiina iska bedelay.

 

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *