6 Hab Oo Dadka Fadhigoodu Badan Yahay Ay Kula Dagaallami Karaan Cayilka

Dad badan ayaa nooca shaqadooda oo qasbaysa in ay xafiiska saacado aad u badan fadhiyaan ay ku keentaa miisaanka jidhkooda oo aad u kordha, iyo xaydha oo ku ururta bawdyaha iyo sinaha (Dhexda), isla markaana waxaa kordha khatarta ay u yihiin cudurka Macaanka.

In kasta oo dhimista miisaanku ay u baahan tahay jimicsi jidheed iyo xarakaad, haddana warbixintan caafimaad ee aynu soo turjunay oo lagu faafiyey shabakadda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee Bold Sky, waxa ay soo bandhigaysaa lix hab oo fudud, si aad ahna uga qayb qaata dhimista miisaanka saayidka ah ee fadhiga badan ku yimaadda.

1. Shaaha Cagaaran: Haddii aad gaajo ama oon dareento adiga oo xafiiska jooga ha ku degdegin cabbista shaaha iyo bunka ee dooro shaaha cagaaran oo harraadka bi’iya jidhkana miisaanka ka rida. Shaaha cagaaran waxaa ku jira maadadda kiimikaad ee EGCG oo si weyn jidhka uga takhalusta dufanka iyo xaydha ku ururta.

2. Baradhada shiilan: In kasta oo aad loo aaminsan yahay in baradhada shiilani ay ka qayb qaadato korodhka miisaanka, haddana warbixintan caafimaad waxa ay daahfuraysaa in ay caawiso dhimista miisaanka, sababtuna waa iyada oo qofka dareensiisa dhereg joogto ah, taasina ay sababto in uu cuntada iska yareeyo.

3. Qosolka badan: khubarada takhasuska ahi waxa ay caddayanayaan in qosolka badani uu qofka ka caawiyo dhimista miisaanka, cilmibaadhiso arrintan lagu sameeyey ayaa hoosta ka xariiqay in isku darka qosolka qofka oo maalintii gaadha inta u dhexeysa 15 illaa 20 daqiiqo, in ay gubto 40 Calories isla markaana ka qayb qaato korodhka dheecaannada dheefshiidka caawiya, arrimahaas oo ka mid ah waxyaabaha miisaanka dhima.

4. Socodka iyo xarakaadka fudud: Qofka oo xafiiska inta uu fadhiyo dhex geliyo daqiiqado yar oo uu isla xafiiska uun dhex socdo, ama ku yara celceliyo in uu kaco, haddana fadhiisto cabbaar, ayaa iyaduna ka qayb qaadata in aanay xaydhu ku ururin jidhka isla markaana caawisa habsami u socodka wareegga dhiigga, miisaankana yaraysa.

5. Cuntada: In qofku uu xilliga cuntada si xikmadaysan u cunaa waxa ay ka qayb qaadanaysaa dhimista miisaanka, tusaale ahaan in cuntada uu cunayaa yaraato oo aanu isku illaawin iyo nooca cuntada. Waxaa jira daraasado ku talinaya in xilligan aad loo cuno saloolka oo qofku ku dhergo kaas oo ka hortaga miisaanka.

W/T: Kamaal Marjaan

Check Also

xasaasiyada, xajiinta, hindhiso,

Noocyada Xasaasiyada Ama Xajiinta, Sababaha Keeno & Sida Looga Hortago

Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *