6 Calaamadood Oo Qofka Tusinaya Haddii Hurdadu Ay Ku Yar Tahay Jidhkiisa & Khataraha Ka…

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa lix calaamadood oo qofku uu ku ogaan karo in jidhkiisu uu hurdada qawadayo:

Go’aan qaadashada oo kugu adkaata:

Jidhku marka uu hurdo la’aan dareemayo waxaa uu culays badani fuulaa maskaxda qofka, sidaa darteed waxaa ku adkaata in uu qaato go’aamada xitaa kuwa aan fikirka u baahnayn ee nolol maalmeedka caadiga ah ka mid ah. Sidoo kale waxa ay maskaxdiisu lumisaa awoodda dabiiciga ah ee ay u leedahay in ay kala garato macluumaadka muhiimka ah iyo kuwa aan xidhiidhka la’ lahayn. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in hurdo la’aanta oo qofka ku sii badataa ay aakhirka keento in uu go’aamo qaldan qaato, taasina halis ku tahay shaqadiisa ama barnaamijyadiisa kale.

Gaajo badan:

Jidhku hurdada waxa uu ka helaa tamar, haddii uu hurdada waayana waxa uu inta badan raadiyaa meel kale oo uu ka helo tamarta ka maqan, sidaa awgeed waxa uu kaalintaa ku buuxiyaa in uu cunto raadiyo, waana sababta keenta in qofka hurdadu ku yar tahay uu gaajo badan dareemo. Cuntada badan ee uu gaajadaa darteed u qaadanayaa waxa ay keentaa in miisaankiisu aad u kordho. 

Hargabka oo soo noqnoqda:

Qofka oo aan habeenkii helin hurdo ku filan oo ugu yaraan 5 saacadood ah, waxa uu isku arkaa fayraska hargabka keena oo mar kasta firfircoonaada, sidaa awgeed waxaa ku soo noqnoqda hargabka. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegaan in toddoba saacadood oo hurdo ahi ay yihiin inta ugu fiican ee ay tahay in uu qofku habeenkii seexdo, haddii shan saac ay ka hoosaysana uu caafimaadka qofku khatar ku jirayo.

Ilmo indhaha ka hoorta:

Qofka oo aan habeenkii hurdo ku filan seexani waxa uu inta badan isku arkaa diiqad nafsi ah iyo niyadjab, taas oo aakhirka keenta in dhib ayr oo kasta oo ka hortimaadda uu u arko caqabad aanu ka gudbi karin, oohinna uu miciinsado. Calaamaddani waxa ay ku badan tahay dumarka oo haddii hurdo la’aantu ku badato ay ku dhacdo xaaladdan ah in arrin kasta oo macno daran ay u ooyaan, laakiin ragga inta badan oohintu kuma badna balse waxa ay isku arkaan niyadxumo badan iyo in mararka qaarkood ay quustu ku badato.

Khubarada caafimaadku waxa ay aamisan yihiin in hurdo la’aantu ay firfircooni ku abuurto maskaxda qaybteeda qaabilsan calool dabaca iyo naxariista, sidaa awgeed qofka hurdada ku yar tahay uu noqdo qof qalbi jilicsan oo wax kastaa ay si fudud qalbigiisa uga oohin karaan.

Qofka oo si sirgaxan u dhaqma:

Hurdo ku filan oo uu qofku waayaa waxa ay wax badan ka beddeshaa dabeecaddiisa iyo hab-dhaqannadiisa oo dhan, waxa kale oo ay ku soo kordhisaa in uu isku arko ficiloo iyo hab-dhaqanno aan caadi ahaan inta badan qofka ka dhcin, sida in uu si joogto ah sharaabka ama shaaha isaga daadiyo miiska, in marka su’aal la weydiiyo ay jawaabteedu ilbidhiqsyo ka badato inta qofka caadiga ahi ku soo celiyo jawaabta, ama xitaa aad aragto in dalab yar oo laga codsaday, sida “Qalinkaa ii dhiib” oo fulintiisu waqti ka badan inta dabiiciga ah ku qaadanayso. Sababta arrimahan oo dhan keenaysaana waa culayska ay diiqadda iyo niyad-jabka ka dhashay hurdo la’aantu ku keenayaan maskaxda.

Gabow:

Hurdo yaraantu waxa ay jidhka ku keentaa in uu soo saaro hormoonka sababa isku-buuqa, diiqadda iyo walbahaar, kaas oo marka uu muddo socdo aakhirka isna keena coodh-coodhka wejiga iyo sidoo kale baro madow oo wejiga fuula.

Akhriso: Sababaha Keena Cimri Degdega Iyo In Calaamadaha Gabowgu Ay Qofka Goor Hore Ka Soo Muuqdaan

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *