12 Arrimood Oo Sababi Kara In Wax Akhriskaagu Uu Yaraado Qeybtii 2-Aad

  • Arrinta lixaad ee keeni karaysa in wax akhrisku kugu adkaado, waxa weeye luqadda aad wax ku akhriyayso oo aad isku dhibban tihiin.

Iyadoo wax akhrisku aanu weli caado kuu noqon (wax aad qabatintay), haddii afka aad doonayso in aad wax ku akhrisana uu noqdo af illaa xad waxa aad ku akhriyayso aanad ku fahmi karayn, way adkaanaysaa in wax akhriskaagu xoogganaado. Waayo kolka horaba wax akhriska caado kuuma ahayn oo waad isku qasbaysaa, iyadoo ay sidaa tahay, haddii afka aad wax ku akhriyaysana aanu ahayn af aadan illaa xad aqoonta buugga ku duugan aadan ku fahmayn, way adkaanaysaa inaad joogtayso wax akhriska ama aad hesho xamaasaddii aad ku joogtayn lahayd

Xal: Inta uu wax akhrisku caado kaaga noqonayo (wax aadan ka fekrin samayntiisa), isku day in aad wax ku akhrido afkaaga koowaad ama afafka ay kuu fududdahay in aad wax ku akhrido. U jeedadu waxa weeye, halganka adag ee aad caado samaysashada ugu jirto in aanu kugu adkaan oo afkuna kugu noqon mushkilad labaad. Marka isku day inta aad ka noqonayso qof akhriyaa ah, in aad wax ku akhrido afka ama afafka aadan ku dhibbanayn wax ku akhrintiisa

FG: HADDII AAD MAQAALAKAN KOOBAN DHAMMAYN KARI WAYDO, ADIGUU KAA HADLAYAA! ? Waan ka kaftamayaa, laakiin dhammee si aad u ogaato xogta.

  • Arrinta toddobaad ee keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye badshada baraha bulshada (social media). Siyaabooyin fara badan buu baraha bulshadu akhriskaaga u saamayn karaa, laakiin arrinta muhiimka ah ee aan jeclahay in aan qodobkan ku xuso waxa weeye, saamaynta ay ku yeelan karto dulqaadkaaga kolka aad is tidhaahdo 30 daqiiqo ama saacad buug meel la fadhiiso adigoon eegin tuwitarkaaga, instagaraamkaaga ama boostiyada ku qoran gidaarka faysbuuggaaga.

Saynisyannadu waxay leeyihiin, qofka badsada akhrinta boostiyada (posts), gaar ahaan jumaladaha lagu soo qoro faysbuugga iyo tuwitarka, waxaa yaraada dulqaadka uu u yeelan karo in uu akhriyo maqaallada – buugtana isakaba daa warkooda. Sababtuna waxa weeye, qofku mar wal oo uu ka gun-dhaadho ogaanshaha wax ka doohsoonaa oo uu doonayay in uu ogaado, ama helo mucda iyo macnaha xog ka qarsoonayd, maskaxdiisu waxay sii daysaa dheecaan doobamiin (Dopamine) la yidhaahdo, dheecaankaasoo maskaxda u qaabilsan qaybteeda abaal-marinta.

Taa macnaheedu waxa weeye, sida ay maskaxdu dheecaankaa abaal-marinta ah uga helayso akhrinta boostiyada koobkooban ee faysbuugga iyo tuwitarka, uguma helayso akhrinta maqaallada dhaadheer iyo buugta. Haddii uu qofku badsado akhrinta boostiyadaa, wuu qabatimayaa oo mar walba wuxuu doonayaa dareenkaa farxadeed ee uu helayo mar wal oo uu akhriyo boostigaa kooban, sidaasna waxa ku yaraanaya dulqaadkii uu qofku u yeelan lahaa in uu akhriyo maqaal ama buug.

  • Xal: Isku day in aad nafta bari karayso in ay maalintii dhowr saacadood ka maqnaan karayso baraha bulshada, haddii aad awoodi karaysana maalin gelinkeed ama maalin dhan ka maqnow. Sidoo kale, isku day inaad hawl caajis leh (boring) ku fooganaan karayso muddo saacado ah adigoon maanka ku hayn faysbuugga, tuwitarka, instagaraamka iwm. Kolka aad nafta barto in ay muddo meel fadhiyi karayso iyadoon boostiyada faysbuugga ama tuwitarka kala rogin, markaa uun baad awoodna u yeelan kartaa inaad wax akhriskana u dul-qaadato.
  • Qodobka 8-aad ee keena in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, in uu hab-billowgu kaa khaldan yahay. Waxaan horay usoo tilmaannay in wax akhrisku caado yahay, caadaduna samaysankeedu adag yahay muddooyinka hore. Marar badan waxa dhacda qofku isagoon wax akhrisku weli caado u noqon in uu isku qaado buug ka fil-wayn oo uu fahamkiisuba ku adag yahay. Marar kale waxa dhacda in qofku judhiiba ku billaawo buug 400 ama 500 oo bog ah. Arrintaasi waxay qofka ku keenaysaa in culayskii samaysashada caadada wax akhriska ka haysatay ay ugu sii darsanto culayska fahmidda buuggii ka heerka sarreeyay ama ay dhammayntiisu ku adkayd. Taasina waxay keenaysaa in ay qofka ku adkaato in uu wax akhriska joogteeyo, hadduu wax akhriska joogtayn waayana caadadii wax akhrisku u samaysmi waydo, aakhirkana waxay ku qasbaysaa in uu dib usoo bilaabo caadadii.

Xal: Inta aad caadada wax akhriska ka qabatimayso (60 ka cisho ee ugu horreeya), isku day in aad akhriso:

  1. Buugaag ka hadlaya mawaadiic aad xiisaynayso.
  2. Buug mowduuca uu ka hadlayo aad wax ka fahmayso. Ha akhrin buug fahamkiisu kugu adag yahay si kastoo uu u qiimo badan yahay.
  3. Ha akhrin buu 250 bog xaashiyihiisu ka badan hyihiin. Waxaan u jeedaa, akhri buug kooban oo aad si fudud u dhammayn karayso.
  • Xaaladaha kale ee keena in wax akhriskaagu yaraado waxa ka mida, inaad wax akhriska la sugayso goor iyo goob habboon.

Noloshu sideedaba hawli kama dhamaato, oo ma qabyo beesho. Markaad hawl iska riddaba mid kalaa kugu soo af yeelanaysa. Taa macnaheedu waxa weeye, haddaad tidhaahdo waxaan wax akhriska la sugayaa wakhti aan firaaqo hayo, waxaad ogaataa in wax akrhiskaaguna uu marti u noqonayo xaaladaha nololeed ee ay filashadooda iyo saadaalintooduba adag tahay, sidaasna waxaa kaaga tagaya bilo, sanado iyo cumri.

Dadka wax akhriya, badidoodu, ama xilli go’an bay maalintooda u qoondeeyaan in ay wax akhriyaan ama kansho (Faraaqo/chance) kasta oo ay helaan, wax bay akhriyaan. Taa macnaheedu waxa weeye, maaha dad suga xilliga ay kansho helayaan. Mana aha dad is yidhaahda wax akhri markaad maktabadda gasho ama aad xeebta tagto ama aad geedkii laydha wacnaa hoos fadhiisato. Goob wal oo ay joogaan iyo kansho kasta oo ay helaan wax bay akhriyaan.

Xal: Haddaad doonayso inaad akhriyaa noqoto, misna aad tahay qof mashquulkiisu badan yahay, isku day in had iyo jeer buug kaa ag dhow yahay. Boorsada iskuulka dhex gasho, gaadhiga dhex dhigo, xafiiska la tag, kabadhka/armaajada qolka saaro, isku hareeree buug. Kolkaad biririf heshaba, isha mari, Ilaahow maad labo sadar akhrisid e.

  • Sababta 10-aad ee keeni karta in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, in diirad-saaryadaadu (focus) qaybsan tahay.

Waxaynnu nool nahay xilli dhugmadeenna (attention) iyo diirad-saaryadeenna (focus) dunidoo dhammi weerar ku tahay. Malaayiinta ganacsi ee jira, ee balaayiinta doollar iideh-da ku bixiya, waxa ay gadanayaan waa dhugmadaada (attention). Malaayiinta qof ee intaa faysbuugga, tuwitarka, inistagaraamka, yuutiyuubka iyo qaybaha kale ee sooshal miidhiyaha intaa wax soo galinayaa waxay ku tartamayaan waa dhugmadaada. Maxaad wax u akhrin la’dahay baad is leedahay ama aad danahaaga u qabsan la’dahay, laakiin ma ogide waxaad ku dhex jirtaa caalam cid waliba danaheeda kuugu yeedhanayso, marar badanna aad ba u fulinayso adigoon ka war hayn.

Xal: Haddaad doonayso in aad wax akhriska iyo danahaaga kaleba usoo jeesato, isku day inaad iska yarayso isticmaalka baraha bulshada. Sanadkii dhowr bilood iska xidh, haddaadan samaynayn karin, bishii toddobaad ka maqnow, haddaadan yeeli karayn, toddobaadkii maalin ka maqnow, taana haddaadan samaynayn, baraha bulshada ha gelin gelinka hore ee maalintaada. Xilligaa hore wakhtigaaga geli waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh.

  • Qodobka 11-aad ee keeni kara in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, wax akhrisku in aanu kuugu jirin liiska waxyaabaha waawayn ee mudnaanta kuu leh (priority).

Tayada nolosheennu waxay in badan ku xidhan tahay waxyaabaha aynu mudnaanta koowaad siinno iyo sida waadixa ah ee ay innoogu muuqdaan. Akhrisku haddaanu kuugu jirin waxyaabaha aad mudnaanta koowaad siiso, wuxu ku biirayaa liiska walxaha xigaalka ah (secondary), markaana si kastoo aad u jeceshahay in aad samayso, meel dhow kaaga muuqan maayo, waayo kama mid ah waxyaabaha waawayn ee miiska kuu saaran.

Xal: Haddaad doonayso inaad gurato midhaha wax akhriska, ku dar waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh. Ku dar waxyaabaha ay tahay markuu waagu kuu baryo, in aanu gabbalku kuu dhicin adigoon samayn.

  • Sababta 12-aad ee iyana keenta in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, Hadafka aad wax akhriska ka leedahay ma xoogaysna. Waxa dhici karaysa inaad marar badan maqashay faa’iidooyin badan oo uu wax akhrisku leeyahay, laakiin aanad marnaba ka fekerin oo aadan is waydiin faa’iidada uu ADIGU kuu leeyahay. Haddaanay kuu muuqan wax akhrisku, waxa uu noloshaada ku soo biirin karo iyo sida uu kuu hormarin karo, waxa yaraanaysa inaad xamaasad u hesho culayska hore ee wax akhriska, una dul-qaadato.

Xal: Meel cidlo ah oo deggan intaad mar fadhiisato, isku day inaad meel ku qorto 15 sababood oo uu wax akhrisku ADIGA muhiim kuugu yahay. Hadda maan odhan 15 sababood oo uu muhiim u yahay! Waxaad qortaa 15 sababood oo uu adiga muhiim kuugu yahay iyo waxa uu noloshaada ku soo kordhinayo. Marka aad 15-kaa sababood qorayso ama aad ka fekerayso, hubi in ay sababahaasi yihiin kuwo ku dareen-godliyay. Marka kasta oo uu dareen la socdo sababta aad wax u rabto, waa mar kasta uu ay sababtaasi xoogaysan tahay, mar kastoo ay sababta xoogaysatana, waxa fududaanaysa in aad caqabadaha kaa hor imaanaya aad u dul-qaadato.

DHAMMAAD!

Qore: Mubarak Hadi.

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/@MubarakHadi
I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarakhadi/?hl=en

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *