12 Arrimood Oo keeni Kara In Wax Akhriskaagu Yaraado Qeybtii 1-Aad

Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa’iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la’nahay.

Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah.

  • Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li’i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta in ay buug fara badan oo aan islahayn akhriya ay kabadhada inoo saaran yihiin, haddana aynaan sanado kala furin. Marka koowaad waa in aad ku baraarugsanaato in arrintaasi sabab wax akhriska kuu diida uu noqon karo, sidoo kalana aad ogaato in akhriska buugta iskuullada (text books) iyo buugta kale ee uu qofku akhriskoodu doorto aanay isku mid ahayd, labadoodana ay doorasha ku yimaadda ay sii muhiimsan yihiin.
  • Arrinta labaad ee akhriska ka hor istaagi karaysa waxa weeye, haddii aad buug billowdo oo aadan dhammayn, in aad isku aragto inaad tahay qof akhriska ku fashilmay. Si la mida qodobka koowaad, marar badan buugtii aan iskuullada ku soo dhigan jirnay, waxaan ku qasbanayn in aan dhammaynno. Dunida akhriska, khasab maaha in aad buug aad billowday aad dhammayso. Waayo buugtu isku si looma abuurin ama looma qorin, buug baa laga yaabaa in ay labo fikradood oo muhiima uun ay ku jirto. Sidaa daraadeed khasab maaha inaad buug kasta dhammayso. Bal’e, akhris-yahannada waawayn waxay caan ku yihiin in ay buug fara badan mar qudha isku furaan. Haddaad buug billowdo oo aanad dhammayn, ha isku arkin in aad akhriska ku fashilantay.
  • Sababta saddexaad ee keenta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in saaxiibbadaadu u badan yihiin kuwo aan waxba akhrin. Arrintan waxa laga yaabaa in ay tahay arrin aad in badan maqlaysay, oo ay dad badani iska yidhaahdaan, laakiin xaqiiqonimadeedu waa mid gun-dheer. Aadanuhu waa noole isa saameeya, si aan weliba la malayn karayn. Qofku way adag tahay in uu noqdo wax aanay dadka ku hareeraysani ahayn, laakiin waxay u badan tahay in uu noqdo waxa ay yihiin dadka ku hareeraysan. Odhaah caan ah baaba tidhaahda: Waxaad tahay celceliska waxa ay yihiin shanta qof ee aad wakhtiga ugu faraha badan la qaadato. Taa macnaheedu waxa weeye, shanta qof ee aad wakhtiga u ugu faraha badan aad la qaadato, saddex ama afar ka mida haddanay waxba akhrin, waxay u badan tahay adiguna in aadan akhriyaa noqon.

Xal: Haddaad rabto in aad noqoto qof akhriyaa ah, abuuro oo noloshaada ku soo biiri dad wax akhriya, kana mid noqo naadiyada akhriska iwm.

  • Arrinta afaraad ee iyadana keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in aanu akhrisku weli caado kuu noqon. Akhrisku waa caado, ma aha wax mararka qaar la sameeyo, ama aad ka fekerto in aad samayso. Haddaad doonayso in aad akhriyaa noqoto, waa inaadan ka fekerin in aad wax akhrido maanta ama berri, laakiin aad is aragto adigoo buugga laacaya ama gacanta ku haya, ama aad is aragto adigoo akhriyaya.

Xal: Saynisyahannadu waxay yidhaahdaan, caadadu waxay ku samaysantaa muddo 60 cisho ah. Haddaba isku day in aad wax akhriska joogtayso muddo 60 cisho ah oo aanad maalinna kala goyn.

  • Qodobka shanaad ee keeni kara in uu akhriskaagu yaraado waa dul-qaad li’i. Caadada akhrisku maaha wax fudud, weliba kolka aad caadadaa imminka uun billaabayso. Wax waliba billowgoodu ma sahlana. Waxay kaaga baahan tahay juhdi iyo dul-qaad dheeri ah. Waxa la yidhaahdaa, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu quutaa daqiiqadaha ugu horraysa ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay, akhriskuna waa la mid.

Xal: Labo siyoodba akhriska ugu dul-qaado. Waa mare, ma fududa inaad muddo 30 daqiiqo ah wax akhris meel la fadhido iyadoo aanay weli caado kuu noqon, weliba casrigan sooshal miidhiyuhu ee dadku taleefanka ku fooraro. Isku day inaad wakhti yar ku billowda sida: 10 ka cisho ee hore inaad 5 ama 10 daqiiqo aad wax akhriso, haddii ay kugu adkatana aad kasii yarayso si aanay 60 kaa casho maalinna kaaga baaqan.

Waa marka labaade, muddada ugu horaysa waxa dhici karaysa adigoo wax badan wax akhriyay, oo wax akhriska u dul-qaadanayay, haddana inaad muddo dheeftiisa arki waydo. U dul-qaado arrintaa oo ogow in ay tahay wax caadi ah oo lasoo wada maro. Dhirtuba, waraabka bilaha hore kuma dheeraato. Muddo sii insha Allaah.

La soco qeybta 2-aad

Qore: Mubarak Hadi.

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/@MubarakHadi
I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarakhadi/?hl=en

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *