Xirfadaha Macaamiisha Lagu Kasbado

Macmiilku waa kadinka laga galo ganacsiga iyo lugaha uu ku istaagoba, waxa lagu kala hormaraa hadba sida loo kala macaamiil badan, inaad macaamiil badan yeelataana maaha arin dhayal-dhayal lagu gaadhi karo, waxey u baahan tahey dadaal baden oo aad hurto oo naf iyo maal bal eh.

Waxba kusii talax tagi meyno aar aarta iyo muhimada uu macmiilku leeyahay oo casharo dhan bay noqoneysaa in la gudo galo, balse halkan waxan kuugu soo gudbin doona qoddobo muhiim u ah shaqaale amaba mulkiile kasta si uu u soo jiito macaamiil badan.

Sabir & Dulqaad: markasta macmiilku isagaa sax san waa inaad amintaa fikradaa, waa haddii aad faa,iido doon tahey, macaamiisha waxa kaasoo gaadhaya ficilo iyo hadalo badan oo aanad u bogin, haddana waxa loo baahan yahey inaad is dajiso oo jeebkiisa waxa ku jira sidaad ula soo bixi laheyd ku fakarto.

Dhoola cadeyn iyo waji furnaan: labaduba waxey lagama maarmaan u yihiin kasbashada macaamiil badan, iyo raali galintooda, markasta ood waji furantahey macaamiishu way kusoo dhiiranayaan iney meheradaad soo galaan.

Feejignaan fog: waa inaad macmiilka garataa u jeedadiisa intaanu hadlin, taasi waxey kaa caawineysaa inaad hanato quluubta macaamiil badan, sidoo kale waxaan iyana meesha ka madhneyn inaad u dhag raariciso waxyaabaha uu jecel yahay macmiilkaagu aad ula socotid dookhiisa/kheeda taasi oo kaa dhigeysa mid ay macaamiishiisii hore ku dhaganaadaan kuwa cusubna u keeni karaan.

Af-tahanimo dheeraad ah: markasta ood hadel kar tahey, macaamiishaadana hadelka deeqsiin karto ogoow waxaad si sahlan u gaadhi kartaa hadafka aad leedahay.

Aqoon dheer ood u leedahay adeega aad bixineyso amaba shayga aad iibineyso: waxey qayb ka tahey soo jiidashada macmiilka, inaad u faahfaahin karto shayga amaba adeega waxey mararka qaar dhalisaa in ay macaamiishaadu iibsadaan agabyo badan kadib markey arkaan sida aad ugu sheegtay wax tarkiisa iyo faa,iidooyinkiisa.

Adeegsiga weedhaha taban: hadel aaney ka muuqanin inaad lexejeclo ka qabto macmiilkaaga haddii uu kaa soo yeedho ogow waxaad weyday macmiilkaa iyo in kale oo uu kugu soo xidhi lahaa.

Tusaale hadel togan: sariirta aad dalbatey kaama iibin karo imika, lamana helayo ilaa bisha soo socota, way naga dhamaatey xiligaa xilli ka horeysana heli maysid.

Hadel Taban: sariirtan waxay noo imaneysaa bisha soo socota, hadda ayaan kuu sameynayaa dalabka, xilliga ugu dhakhsaha baden ee ay nasoo gaadho ayaanu kusoo gadhsiineynaa.

Dhageysi: macmiilkaagu wuxu u baahan yahey inaad si fiican u dhageysatid si aad u fahantid baahiyihiisa, waxa uu dalbadey oo aan kala dhineyna u siisid, waxey ka mid tahey xirfadaha ugu qaalisan marka laga hadlayo raaligalinta macmiilka.

Abaal-marin: abaal marin inaad siiso macaamiishaada kuwa ugu wanaagsan waxey kusoo jiideysaa inaad kasbato quluubta iyo jeebabka macaamiishaadi hore, kuwo kalena ku soo dadaalaan iney iyaga la mid noqdaan.

U hagar bixid: inaad si furan oo daacad ah oo hufnaani ku dheehantahey ugu shaqeyso macaamiishaada waxa ka dhasha iney aad u xiiseeyaan iney mar walba meherada ku soo noq noqdaan, hadey caajis iyo cago jiid badan kaa dareemaan ogoow ka dinka inuu Alle gaadhsiiyo bay ku duceysanayaan, dib inaad u aragtid waa baabacadaa oo timo laga helay.

Kadaba tag: waa inaad qiimeysaa heerka ay adeegyadaadu u joogaan macaamiishaada, war celintooda waa inaad diiwaan sataa si aad hadhaw iska ilaaliso waxyaabaha ay ka so cawdeen, wixii ay amaaneena aad ugu dadaashid.

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *