Xikmado Qaali Ah

Halkaan kaga bogo xikmado qaali ah oo anfacaya qof walba oo ku dhaqma

1. Waqtigu wuxuu go’aamiyaa qofka aad la kulmeyso Nolosha. Qalbigaagu wuxuu go’aamiyaa qofka aad rabto Nolosha. Laakiin dabeecada iyo dhaqankaagu waxay go’aamiyaan qofka kula joogaya Noloshaada

2. U shaqee sidi in baahidaada oo dhan aysan lacag keliya ahayn, U noolow si aan xad-dhaaf ahayn, U soco si aan Kibir lahayn, U jeclow si aan shuruud ku xirneyn, Wax u bixi si aan is tus-tus ku jirin.

3. Qabriyada waxaa ka buuxa dad badan oo ku fakiri jiray markaa weynaato ayaad wax wanaagsan sameynaysaa ama sanadka dambe ayaad is bedel sameynaysaa! Ma jirto qof lagula ballamay inuu sii noolaanayo ilaa uu waayeel noqdo. Ha sugin waqti kale, Hadii saaka waaga kuu baryay, Ilbiriqsi kasta aad neefsaneyso waa fursad kale oo Alle ku siiyay ee ka faa’iideyso

4. Goortii Albaab xirmo mid kale ayaa furma; laakiin waxaan inta badan sii eegnaa weliba si shalayto ah albaabki xirmay iyadoo aan arki weyno kan inoo furmay

5. Ha ku raacin muuqaal, way ku qaldi karaan. Ha ku raacin dhaqaale, wuu dhamaan karaa. Dooro qof farxad kuu keeni kara sababtoo ah dhoolacadeyn keliya ayaa maalin mugdi ah ka dhigi karta iftiin

6. Xiriirku waa sidi Guri oo kale. Goortii dhalada nalka gubato intaa baxdo ma soo iibsatid guri cusub waxaad hagaajisaa guluubka nalka

7. Dhimashada qof noo dhow ama aan naqaanay ma aha inay na xusuusiso ka sheekeynta wixi uu ahaa ama tacsi aan dirno keliya ee waa in ay na xusuusisaa in aan isu diyaarino safarkeena nolosha dambe oo lagu waarayo.

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *