Xikmadihii iyo Murtidii Maxamed Cali Kalaay

1. Waxaan necbaa daqiiqad kasta Tababarka, Laakiin waxaan nafteyda ku oran jiray, Ha joojin. Hada dhibaato badan ha ku gaarto ka dibna u Noolow inta cimrigaaga ka dhiman adigoo ah Horyaal Guuleystay

2. Waxaan ka baryay Alle in uu i xafido igana ilaaliyo cadowgeyga, durbadiba waxaa bilaabatay in aan waayo saaxiibadi xumaa

  1. Ninka isagoo 50 sano jir ah u arka Nolosha sidi uu u arkayay kolki uu 20 jirka ahaa, wuxuu lumiyay 30 sano oo Noloshiisa ah
  2. Ma aaminsani in aad qaato Go’aan sax ah, waxaan qaataa Go’aan ka dibna waxaan ka dhigaa mid Sax ah
  3. Sigaar ma cabo balse taraq ayaan jeebka gashadaa. Goortii Qalbigeyga u janjeersado Dambi inaan sameeyo, taraqaan daaraa, gacanteydaan ku qabtaa, si aan ugu kululeeyo. Ka dibna nafteydaan ku iraahdaa “Cali kuleylkan yar xitaa uma adkeysan kartid, sidee ugu dulqaadan kartaa Kuleylka aan loo adkeysan karin ee Naarta.
  4. Marnaba kuma fakirin in aan guuldareysanayo, laakiin hada way dhacday, waxa keliya harsan waa in aan sameeyo wixi sax ah. Taasi waa waajibaadkeyga iga saaran dadka i aaminsan. Dhamaanteen waa na soo mareysaa guul darro nolosha ah
  5. Waxa jirkeyga u soo dhibtooday una soo adkeystay way u qalantaa wixi aan gaaray Nolosha. Qofka aan lahayn geesinimo ku filan uu ku wajaho khatar kasta oo ka hor timaada marnaba ma gaarayo wax guul ah Nolosha
  6. Waa Iimaan la’aanta waxa ka dhiga dadka inay ka cabsadaan wajahida dhibaatada iyo loolanka Nolosha. Anigu Alle ayaan Aaminsanahay, Nafteydana waan ku kalsoonahay
  7. Sidee bay ii weydiin karaan in aan xirto Ciidan oo aado lix & toban kun oo Kiilomitir meel gurigeyga u jirta ka dibna aan bambooyin iyo xabad la dhaco dad midab bunni ah leh oo Vietnan ku nool kolka dadka Madow aan ka dhashay ee Louisville ku sugan loola dhaqmo sida Eydi loona diido xuquuqdoodi bini’aadanimo?
  8. Mar uu guuleystay oo la weydiiyay ma dabaal degtay ayuu ku jawaabay, “Waan soo dhameeyay dabaaldegaygi. Salaad ayaan u tukaday Rabigay”

Wuxuu ahaa Geesi aan runta la gaban, Wuxuu lahaa Iimaan xoogan. Wuxuu Alle siiyay Xikmad.
Allaha u Naxariisto, Janadi Fardowsana ka waraabiyo.

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *