Waxtarka Caafimaad Ee Rumaanka

Majalada Jarmalka ah ee Elle ayaa soo warisay in Rumaanku faa’iidooyin aad u wayn oo gaar ah uu u leeyahay jidhka iyo maskaxda si isku mid ah, waxana dhinac kale uu la dagaalama cudurada wadnaha iyo kansarka ka, waxa kale oo uu caawiyaa firfircoonida xasuusta,waxana kamid ah faa’iidooyinka kuwan soo socda.

Ilo fitamiino:

Cunista 175 garaam oo rummaan ah, waxa ay kaa caawinaysa kabitaanka qiyaastii 30% baahida maalin kasta ee vitamin C iyo sido kale 36% baahidaada maalin kasta ee vitamin K, sidoo kale waxa uu hodan ku yahay maadooyinka folic acid iyo potassium.

Ka hortaga dhaawaca ku yimaada unugyada jidhka (Anti-oxidant):

Maadada Punicalaginoo leh awood wayn oo ah antioxidant waxa si gaar ah looga helaa casiirka rummaanka, waxana ay 3 goor ka badan tahay antioxidant  laga helo shaaha cagaarka ah ama akhtarka ah.

Ka hortaga bararka:

Rummaanku waxa uu saamayn gaar ah ku leeyahay kahortaga bararka, gaar ahaan habka dheef -shiid, iyada oo daraasaduhu ay muujiyeen in isticmaalida 250 millilitir oo casiirka rummaanka ah maalin kasta muddo saddex bilood ah ay yaraynayso calaamadaha bararka ee jidhka sadex meelood.

Yareynta koritaanka burooyinka:

Daraasado ayaa muujiyey in isticmaalida 250 millilitir oo casiirka rummaanka ah maalin kasta laga yaabaa in ay si wayn gacan uga gaysato yareynta koritaanka unugyada kansarka hadii uu ku dhaco kansarka qanjidhka ama kansarka naasaha, dabcan ma bogsiinayo rummaanka kansarka, laakiinse waxa si wayn uga caawinayaa hoos u dhigida faafitaanka unugyada kansarka.

Hoose u dhigida Dhiig karka:

Inta badan waxa sababaa cadaadiska dhiig ee sareeya dhibaatooyin caafimaad oo halis ah, sida xanuunada wadnaha iyo xanuunada maskaxda ku dhaca, waxana isticmaalida habaysan ee casiirka rumaanku uu kaa caawinayaa ka hortaga cadaadiska dhiiga ee sarreeya iyo firfircooni galinta halbowlayaasha dhiig mareenada iyo sido kale wadnaha.

Waxa uu Yareeyo laxowga/xanuunka bararka ee kalagoysyada:

Rummaanku waxa uu kaa caawiyaa yareynta xanuunka kalagoysyada ku dhaca ee loo yaqaan osteoarthritis sida miskaha, qoorta, dhabarka, iyo gacmaha, sida ay muujiyeen daraasado waxyaabaha laga soosaaray rummaanka waxa ay joojiyaan samayska ama falgalka dheecaanka loo yaqaan enzymes oo isagu si cad masuul ugu ah xanuunada keena  osteoarthritis ka ee ku dhaca kalagoysyada.

Hoos u dhigida cudurada wadnaha:

Cunsita ama cabitaanka casiirka rummaanku oo habaysan ama nidaamsan waxa uu si cad u caawiyaa hoos u dhiga ama yareynta heerka baruurta (cholesterol) ka taasoo keenta isku soo ururrida ama yaraanshaha halbowleyaasha dhiiga wadnaha gaadhsiiya ,dabadeedna keenta dhibaatooyinka wadnaha ku dhaca.

Wanaajinta xusuusta:

Waxaa jira cadaymo muujinaya in rummaanku gacan ga gaysto wanaajinta xasuusta , sida ay muujiyeen daraasado in iticmaalida dadka da’da ah 250 millilitir oo casiirka rummaanka ah maalin kasta ay si cad u wanaajinayso awooda xasuustooda, aragtidooda iyo hadalkooga.

Wanaajinta waxqabadka ciyaartoyda:

Daraasado ayaa muujiyey in cunitaanka ciyaartoyda ee hal garaam oo ah waxyaabaha laga soosaaray rummaanka ka hor 30 daqiiqadood samaynta jimicsiga in ay si cad uga shaqaynayso wanaajinta qulqulka dhiigga, waxana ay taasi ka caawinaysaa dib u dhac dareenka daal ka iyo kor u qaadida tayada tababarka.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *