Talooyin ku saabsan bisha barakaysan ee Ramadaan

Soonka,ramadanUgu horrayn qof waliba oo nagamid ah waa in uu isku dayaa bishaan Ramadaan in uu sameeyo dadaal kabadan dadaalkii uu sameeyay ramadaankii tagay.

1- Iskuday in aad iska yarayso amaba aad joojiso waxyaabaha maaweelada ah ee qofka mashquuliya, haday ahaan lahayd wax aad ku cayaarto, amaba wax aad daawato, amaba wax aad dhagaysataba.

2- Waa in aad isku daydaa in aad wax ka xifdiso (qaybto) Qur’aanka kariimka ah intii aad awoodo islamarkaana waa in aad u samaysataa jadwal waqtiyaysan oo aad raacdo.

3- Hadii aad tahay ruux Qur’aanka xifdisan waa in aad isku daydaa in aad wax ka barato Tafsiirka Qur’aanka Kariimka intii aad awoodo.

4- Wax ka baro ducooyinkii Nabiga ( CSW ) uu ku ducaysan jiray iyo Tasbiixdii uu aqrisan jiray.

5-Noqo qof firfircoon oo umada u adeega ( caawiya) qaasatan reerkaaga, waa in aad isku daydaa in aad ka qayb qaadato howsha guriga iyo tan dibadaba.

6- Ha badsan raashinka xiliga afurka waayo waxay sabab u noqon kartaa salaada taraawiixda in aad ka caajisto, sidoo kale haka seexan suxuurta waayo barako ayaa ku jirta suxuurta.

Ugu dambayntii Allah (SW ) hanaga dhigo kuwa ka faa’iidaysta bishan barakaysan.

#DHALINTAMAANTA

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *