Qorshaynta Waqtiga

Waqti,maaraynta waqtiga,Qorshaynta waqtiga:

“Bini’aadamoow waxaad tahay maalmo, mar kasta oo maalin tagto; badh kaa mid ah ayaa tagay” Xasan Albasri

Waqtigu waa nimco ka mid ah Nimcooyinka ugu qaalisan ee Illaahay (SWT) inoogu deeqay si aynu uga faa’idaysano, waana mid ka mid ah waxyaalaha Uu Illaahay inaga xisaabin doono Maalinta Qiyaame. Waqtigu waa cimriga qofka waana hantida kaliyaata ee aan la kaydin Karin. Saacad kasta oo ku dhaaftana waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso ama se waqtiga aad haysato si aad u noolaato, laakiin waxaad u baahantahay inaad ka faa’idaysato intaad neefsanayso.

Ma joojin kartid ama se waxba kuma dari kartid waqtigaaga laakiin waxaad awood u leedahay inaad ka faa’idaysato.

Waqtigaaga oo aad qorshayso waa noloshaadii oo aad qorshaysay. Nolol qiimo leh oo qaab qurxoon haddii aad rabtana waxa kaa xigta inta aad waqtigaaga qorshaynayso.

Maxaa Waqtiga Loo Qorsheeyaa?

Qof kastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho; oo uu noqdo mid waxtar leh laguna hirto.

Haddii aanad hawlahaaga iyo waqtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysaa!.

Noloshu dhammaanteed way qorshaysantahay, oo Aduunyada idil ahaanteedba Illaahaybaa qorsheeyey. Bal u fiirso ilbidhiqsigu waxa uu sameeyaa Mirir, Mirirkuna waxa uu sameeyaa Saacad, Saacaduna waxa ay samaysaa Maalin, Maalintuna waxa ay samaysaa Toddobaad, Toddobaadkuna waxa uu sameeyaa Bil, Bishuna waxa ay samaysaa Sanad, Sanadkuna waxa uu sameeyaa Qarniyo.

Haddii aad dayacday ilbidhiqsi ka mid ah waqtigaaga waxa aad dayacday qayb ka mid ah noloshaadii.

Waqtiga waxa loo qorsheeyaa in laga faa’idayso oo wax badan lagu qabsado laguna noqdo qof wax soo saar leh oo la tartami kara filkii, Ogoow Aduunyada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysaa inaad ku guulaysato Janno.

Si aad ugu guulaysato tartankaas waxaad u baahantahay inaad waqtigaaga qorshaysato.

Waxyalaaha waqtiga lumiya

  1. 1: Hurdada badan
  2.  Qorshayn la’aanta hawlaha
  3. Waxyaalaha lagu madadaalo sida  Muuqbaahiyaha (TV), Social Media ( Facebook, Whatsapp, Instigram, Twitter), Gaymamka (Play station) IWM.
  4.  Firaaqada badan ee qorshaha lahayn
  5.  Hadaf la’aanta
  6. La kulanka badan ee asxaabta lala qaato
  7. Ka qaybgalka Xafladaha aan muhiimka ahayn
  8. Ku hadalka Mobile-ka waqtiyo badan
  9. Mashquulka badan ee aan macnaha lahayn
  10. Qabashada hawlo badan mar kaliyaata
  11. Isticmaalka Maandooriyayaasha sida Qaadka.
  12.  Caajiska
  13. Mooganaanta macnaha nolosha iyo waqtigaba

Qaababka ugu wanaagsan ee loo qorsheeyo Waqtiga:

1: Faham: inaad fahamto dhibaatada kaa haysata qorshayn la’aanta waqtigu, waa talaabada ugu horaysa ee kuu sahlaysa inaad waqtigaaga qorshaysato. Haddii aanad ku baraarugsanayn arintaasna way adagtahay inaad ku kacdo ficil aad ku qorshayso waqtigaaga.

2: Qaado go’aan: hawl kasta marka la bilaabayo waxay u baahantahay inaad ka gaadho go’aan cad, marka aad ogaato dhibaatada ay leedahay waqtiga oo ka luma, waxay kuu sahli kartaa inaad ka gaadhi karto go’aan.

3: Tax Qorshayaashaada:  soo qaado Buug iyo Qalin oo fadhiiso meel bilaa buuq ah, qor oo tax dhammaan qorshayaashaada, ugu danbaya dooro saddexda hawlood ee aad rabto inaad qabato kana gun gaadho.

4: Jadwal maalmeed samayso: Jadwal maalmeedkaagu waa talaabada ugu way nee aad ku guulaysan karto taas oo kuu horseedi karta qorshe nololeed oo cad, Marka aad qorshaysato maalintaada waxa hubaal ah in uu toddobaadkaaguna qorshaysnaanayo, toddobaadkaagu haddii uu qorshaysnaadana Bishaada ayaa qorshaysnaanaysa, Bishaadu haddii ay qorshaysnaatana, Sanadkaagaa qorshaysnaanaya, Sanadkaagu haddii uu qorshaysnaadana, Noloshaadoo dhanbaa qorshaysnaanaysa. ( Mar kaliya ha isku dayin inaad hawlo fara badan qabato, ama aad deg deg isku badasho, waxay qaadanaysaa waqti ee u samir)

5: Iska ilaali qabashada hawlo badan mar kaliya:  inaad hawlo badan qabato waxay ku dhaxalsiinaysaa inuu waqti badan kaa lumo wax soo saarkaaguna hoos u dhaco, hawl kasta waqtigeeda sii oo mid kale ha u gudbin ilaa aad dhamaynayso.

6:  Is xisaabi:  In aad habeenkii marka aad sii seexanayso, is xisaabisaa waxay ku dhaxalsiinaysaa inaad ogaato natiijadii hawlgalkaaga, waxa kale oo aad ka helaysaa dhiirigalin, sidoo kale waxaad ogaanaysa xaddiga uu isbedelkaagu le’eg yahay.

7: Habeenkii Jadwal maalmeedkaaga sii samayso:  bar bilowga maalintu waa Salaada Subax, si uu kuugu fududaado hawl maalmeedkaagu, dajiso jadwal maalmeedkaaga habeenkii, inta aanad seexan ka hor, taasi waxay kuu sahlaysaa inaad subaxa marka aad kacdo hawlgakaaga aad ku gasho si xamaasadaysan.

8:  Aaamin:  haddii aanad aaminin inaad qorshayashaada ku guulaysanayso, col hortii ayaad jabtay, aaminaadu waa awooda ku dhaxalsiinaysa inaad hesho firfircoonida aad ku hawl galayso.

9: Ka dheeroow Caajiska:  Caajisku waa awood dilaha qof kasta oo uu haleelo, haddii aad qof caajisa noqotana hawlgal ma fulin kartid.

10: Talo saaro Illaahay: Dhammaan hawlahaaga Aduunyo waxa kuu sahli kara Illaahay (SWT) hawl kasta oo aad u kacaysana haddii aanad Illaahay talo saaran noqon mayso hawl midho dhal fiican leh.

Xamse Sicid Maxamed (Kuuriya)

Tudhaale, Tobabare iyo Qoraa ka faalooda horumarinta iyo tayaynta shaqsiyada

Mobile: 0634410163

DARYEEL MAGAZINE

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *