Sidee U Noqon Kartaa Qof Farxad Badan?

qof farxad badan1 – Ku kalsoonow Naftaada

2- iska Ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa  hadhow ayaan qaban doonaa.

3- iska Ilaali marka aad go’aan qaadaneyso inaad dhiiranweydo.

4- Ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaaya inaad waxyaabo badan takhasus u yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhihii Guusha.

5- bixi sadaqada haba yaraatee,waxay farxad gelisaa qalbiga, waxaanay kaxeysaa murugada,waxaanay kordhisaa risqiga

6- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaagaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda

7- booqo xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha,, si aad u dareento nimcada caafimaadaka iyo xoriyada.

8- iska Ilaali inaad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.

9- isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana Ilaali aargoosiga.

10- iska Ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay tashuush kugu furan.

11- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex gelin.

12- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.

13- iska Ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka, waana xanuun ku dhaca qalbiga.

14- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.

15- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.

16- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.

17- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.

18- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna kugu dheceen.

19- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.

20- Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.

21- badi salaada waa alabaabka farxadda laga galee

22- farxadu waa geed biyihiisa, cuntadiisa, hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay iimaanka Alle.

23- baro cilmiga waayo wuxuu kordhiyaa araga qofka.

24- ula dhaqan dadka sida aad jeceshay inay kuula dhaqmaan.

25- hadii labadda lamaane mid cadhoodo ka kale ha aamuse,inta uu cadhaysanyahay.

26- qofka haysta guri,caafimaad iyo quutal yawm ha ogaado inuu haysto nolol aduun,

27- guusha iyo farxadda waxaa sees u ah Alle(sw) oo raali kaa noqda, dadka kuu dhow oo raai kaa noqda iyo naftaada oo raali kaa noqota.

28- Cuntadu waa farxad l maalin ah,safarkuna wa farxad wiiga, xaaskuna waa farxad bila, xooluhuna waa farxad sannad ah, iimaankuna waa liibaan iyo farxad weligiis ah.

29- ku dedaal inaad saaxiibadaa la sheekeysato, si aad iskaga kaxeyso murugada,ogowna in kaftanka hufan uu keeno farxad.

30- qaabka noloshaadu yeelaneyso wuxuu ku jira gacmahaag,hadba qaabee noloshaada oo ka xidhan muraayad madow.

31- farxadu kuma jirto nasabka iyo xoolaha toona balse waxay ku jirtaa diinta, cilmiga, edebta iyo akhlaaqda wanaagsan.

32- ka fikir guulaha aad gaadhay iyo wanaaga aad sameysay kuna farax.

33- ogow in Allihii kaa kexeeyey murugadii shalay uu kaa kaxeynaayo ta maanta iyo ta berriba,isaga talo saaro.

34- ogow in adiga iyo qofka kaa sareeya ay hal maalin u dhexayso,waayo shalay waa tagtay oo soo noqon meyso, berrina isaguna ma laha adna ma lihid, laakiin maalintaa la joogo oo keliya ayaa idiin dhexaysa.

35- farxadu waxay fir-fircooni gelisaa nafta, waxaanay keentaa karti., noloshana qiimey u yeeshaa.

36- qaamuuska (dhigshineriga) farxadda iyo liibaantu wuxuu ka koobanyahya kelmad keliya waana raali ahaansho,hadba ka raali noqo naftaada.

37- hadii dhib kugu dhaco isku day inaad markaba meesha ka saarto.

38- hadii dhib kugu dhaco xusuuso inta dhib ee kugu dhacday ee Alle kaa bad-baadiyey si aad u ogaato in Allihii dhibtii hore kaa bad-baadiyey uu tana kaa bad-baadindoono.

39- markaad go,aan qaadaneyso ha qaadin go,aan aadan ka fiirsan oo aadan dhinacyo badan ka eegin, lana tasho dadka aad ku kalsoontahay,hadii aad guuleysato waa sidii aad dooneysay, hadii aad guul dareysatona murugoon meysid waayo go,aanka waa lagula wadaagay.

40- dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan, cadowgooduna wuu yaryahay, waayo saaxiib sannad baad ku heshaa, cadowna hal maalin, wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo dabeecad wanaag.

41- hadii alle ku siiyo nimco ku dabar mahad-naq, kuna ilaasho daacada Alle, kuna dedaal is dhuldhiga si ay kuugu sii joogto.

42- qofka ku sifiiba Alle ka cabsi,iimaan ka muuqdo,akhlaaqdiisuna wanaagsantahay wuxuu gaadhaa jacaylka Alle iyo ta dadka,wuxuuna ku noolaadaan farxad.

43- ha noqon caajis low waayo caajislowgu wuu murugo badan yahay

44- nolosha inteeda qadhaadh waxaa ka badan inteeda macaan, sirtuna waxay tahay sidee maskaxdu inoo gaadhsiisaa macaanka nolosha.

45- gabadhu haday hesho aduunyo kasta oo ay hesho bilado badan, laakiin aanay lahayn nin wanaagsan way ka faro badhnatahay farxadii nolosha.

46- nolosha dhameyska tirani waa adoo ku bixiya dhalinyaranimadaada hiigsi iyo hanqaltaag,da,dada dhexana halgan,gabowgaagana ka fiirsi

47- ku canaano naftaada wixii ay ka gaabisay,cid kalena ha ku canaanan

48- ha ku qancin naftaada inay dadka ka sareyso,iskana Ilaali inaad wax kasta anni tidhaahdo.

49- ku dedaal qosolka dhoolo cateynta ah ee aan codka wadan si aad u laab furnaato,murugaduna kaaga tagto,farxadna u keensato.

50- farxadu waxay ku jirtaa cibaadada, qofka daa,ima istiqfaartuna wuxuu ka mid noqonayaa dadka farxadda badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *