Si Aad U Dhisto Kalsoonida Caruurtaada, Fuli Tallaabooyinkaan

Qodobadan hoose waxa ay suuragalin karaan in uu ilmahaaga yari noqdo mid naftiisa ku kalsoon oo mustaqbalkiisa si hagaagsan ugu hore marsanan karo, dhamaan Qodobadanna waa kuwa adiga waalidka ah lagaa doonayo in aad ilmaha usameyso ilmuhuna uu ugu guuleysto,

1-ilmahaaga ku amaan caruurta kale hortooda

2-ha uhorseedin in uu naftiisa dhaliilo

3- ku dheh fadlan

4-sidii ilmo ula dhaqan dareensiina in uu yahay ilmanimadiisa

5-ku caawi in uu naftiisa go,aan uqaato

6- ku caawi in uubarto dabaasha

7- ka dhig marti sharafeed munaasibadaha qaarkood

8-Ra’yigiisa weydii kana qaado Ra’yiga arrimaha qaar uu ka bixiyo

9-Hawlaha uu qabto meel gaar ah ugu samee Guriga ,dhamaan wax qabadkiisana ku dul qor magaciisa.

10-ku caawi in uu saaxiibo hello maxaa yeelay caruurta imika jirtaa garan maayaan si ay saaxiibo usameeystaan.

11-Dareensii mahiimada iyo waxa uu u abuuran yahay in uu yahay mid alle ka cabsibadan oo aale awood siiyay.

12- ku tabara in uu adiga salaada kula tukado Alle-na si hagaagsan qalbigiisa ugu abuur.

13-waa in aad bartaa xirfadaha uu ra’yigiisa ku abuuri karo iyo sida uu hadlkiisa ama hadafkiisa dadka ugu soo bandhigi karo.

14-sida uu tilmaamaha u aqrinkaro una raacikaro bar

15-Bar sida uu naftiisa ugu sameeyn karo Mabda’yo iyo waajibaad uu isagu raacayo fulinayana

16-ku taba bar gar gaarka deg dega ah.

17- ka jawaab dhamaan su,aalihiisa

18- fuli dhamaan balan qaad yada aad usameyso.

19-cunta karinta fudud bar

20- ku guubaabi oo wax bar faa’iidada iyo awoodda ay baryada Alle leedahay

21-wax ka bar sida uu dadka ama koox ula shaqeyn karo

22-ku dhiiri gali in uu su,aalaha uu qabo soo bandhigi karo

23-Dareensii in uu meel sare hiigsanayo

24-Go,aan kasta oo aad qaadaneyso u cadee sababta kugu kaliftay

25-maalmaha ugu horeysa waa in aad waxbarashadiisa aad ula socotaa oo aad sii raacdaa ama ku soo martaa goobta uu wax ka baranayo

6-sheekooyin ku saabsan maalmihii aad caruurta aheyd uga sheekee

27-ka dhig isaga macalin adigana iska dhig sidii arday tababar kusii

28-bar sida uu wax u diidayo una ariminayo

29-bar sida uu wax ubixinayo ama uqaadanayo

30-ku dhiiri gali in uu wax xafido waxna soo xusuusto

31-Bar sida uu guul darada u wajahayo

32-Himiladiisa iyo ra’yigiisaba la wadaag oo ku dhiiri gali in uu rajeeyo

33-ku tababar kuna adkee in uu maalintii wakhti siiyo aqrinta qur’aanka

shaki la aan qodobadaa iyo kuwa kale oo mihiin ah hadii aad bartid ilma inta uu yar yahay waa xaqiiq in uu noqonayo mid nolosha ku guuleysta noqdana mid isku kalsoon.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *