Si Aad Isku Fahamtaan Sodohdaa Oo Ay Kuu Jeclaato Qodobadaan Ku Dadaal

Xidhiidhka dhex mara lamaane ee ku dambeeya guur ayaa had iyo jeer waxa ay ku jiraan dadaal sida qoysku horumar u samayn lahaa. Laba meel kuwada noolina mar ay ahaataba waxa soo kala dhex gali kara isfan la’aan iyo isku dhac. Laakiin inta badan ku dhamaada wada hadal, wax isu sheegid, isu tanaasulid iyo ayada oo meel dhexe la isugu yimaado. Lamaanta ayaa waxa u dheer in ay la heshiiso sodohdeed taas qoyska culays ku haysa.

Ha umalaynin marka aad hesho ninkii aad raadinaysay noloshaada oo aad go’aansatay in aad guursato in uu noqon karo mid ay soo barbaariyeen waalid wanaagsan. Waxana dhacda in haween badan oo guursady rag ay iska heleen ay dhib kala kulmeen ninka waalidkiisa.

Mar hadii aad guusatay, yeelatayna lamaane ayaa waxa haboon in aad adkaysato, aqbashidna in sodohdaa iyo sodogaa is badeli doonin, oo isku day in aad ilowda waxii qalad ah ee idin dhex maray, bilow waqti cusub, oo naftaadana bar hadii ayna jeclayn ninkaaga waalidkiis in ay ugu yaraan aqbasho. Marka aad sidaa samaysana waxa ugu jirta faaiido adiga iyo inta kaleba.

Ilow waxii hore u dhacay

Isku day in aad ilowda waxii dhacay. Inkasta oo aad mudan tahay in ay sodohdaa kaa raali galiso qaladaadkii badnaa ee ay kaa gashay sida mar ay ku tidhi gurigu nadiif ma’aha, cuntadaadu ma macaana, ma asturnid iyo hadalo kale oo badan. Sababta aad ku cafinaysaana ay tahay in aad adiguba  marar badan xamatay sodohdaa oo ay ayaduba raali galin kaa mudan tahay. Markaa iska ilow in aad ka sugto raali galin.

Xaga wanaagsan wax ka eeg

Hadii aad dib u fiiriso waxa aad arkaysaa ugu yaraan arimo wanaagsan oo ninkaaga waalidkii sameeyeen. Sida ayaga oo soo koriyay ninkan wanaagsan ee aad hada haysato ee aad guursatay. Ta kale marka aad dhinaca wanaagsan waxa eegto ayay si kale kuugu muuqanayaan, xumaantii aad ka aaminsanydna sii yaraanaysaa …. koloyba fikir ahaan sidaas ayaa wanaagsan.

Kaalinta

Waxa aad u si fiican u daristaa sida uu u dhisan yahay qoyskaagu, kaalinta aad kaga jirto, ta ninkaaga iyo ta ninkaaga waalidkiisa. Si daacad ahna u xukun, waxa looga jeedaa, in aad xeeriso oo ogolaato kaalinta sodohdaa ee ah in ay ninkaaga hooyadiis tahay xataa hadii aad aragto ayada oo ninkaaga afka ka tirtiraysa. Sababtoo ah waa ninkaaga hooyadiis oo qaybtaas waxa ay u aragtaa in ay xaq u leedahay. Marka aad sidaas u kala saarto qof kastaa kaalinta uu kaga jiro qoyska ayaa waxa kuu fududaanaya in aad aqbasho marka ninkaaga waalidkiis ay sameeyaan waxa adiga madax xanuun kugu ridi lahaa, sida marka ay sodohdaa nikaaga ula dhaqanto isaga sidii cunug yar.

Ninkaagu ha kuu hadlo
Marka aad si xooga isugu kacsan tihiin sodohdaa, u sheeg ninkaaga hadalkii aad ku odhan lahayd sodohdaa, si uu asagu si degan ugu caqli celiyo. Adiga oo rajaynaya in uu hadalkaaga si toos ah ugu gudbinayo, tusaale adiga oo raali ka ahayn marka aad aragto sodohdaa oo caruurta u edbinaysa si aanad ku qanacsanayn.

Waji fiican iyo xiisayn
Waxa aad isku daydaa in aad tusto waji fiican sodohdaa, xataa hadii aad marka hore isku qasbaysid. U dulqaado oo la samee waxyaabaha ay jecel yihiin. La sheekayso oo su’aalo waydii, ka codso in ay kaaga sheekeeyaan markii uu yaraa ninkaagu oo amaan. Faa’iidada ku jirtaa marka aad sidan samaynaysana waa adiga oo saaxiib la noqonaya sodohdaa. Marka hadana khilaaf ka dhaco dhexdiina adkayso oo sabir, iskuna difaac si degan.

Yeelo naxariis
Hadii guurkiinu uu fikir badan ku hayo ninkaaga waalidkiisa, oo aad dhawaan is guursateen, oo ay tabayaan wiilkoodii, ama aad u guurteen magaalo ka fog ayaga, oo ay adiga eeda ku saarayaan ayaa waxa haboon in aad tusto dabacsanaan halkii aad difaac ka gali lahayd.

Jacayl tus
Marka aad tusto jacayl oo si naxariis leh aad ula dhaqanto ninkaag waalidkiis ayaa waqti dheer ka dib wax aad dareemi doontaa deganaan, ka dhigi doontaa ninkaaga mid farxasan hadii markaas caruur aad dhasheen, adigana kaa dhigi doonta mid lagu daydo. Marka aad dhinaca jacaylka la timaado wax dhib ahi kaama soo gaadhayaan, laakiin waxa ay dhibi kaa soo gaaraysaa marka aanad ku dhaqmin si naxariis iyo jacayl ku jirin.

Waxaa Qortay : Jamiilo Aadan

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *