Sababaha Caruurta Qaar Ay U Dareemaan Madax Iyo Calool Xanuun Marka Ay Dugsiga Usii Baxayaan

calool xanuun madax xanuunWaxaa marar badan dhacda in ilmuhu marka uu guriga ka ambabaxayo si uu dugsiga u tago, gaar ahaan subaxdii uu waalidkiisa uga cawdo calool xanuun ama madax xanuun. Waxa aanay gaadhaa in waalidku uu ilmaha dhakhtar u geeyo ama in dugsiga marar badan looga fasax qaado xaaladdan caafimaad awgeed.

Haddaba marka ay waalidku xaaladdan oo kale joogto ugu arkaan ilmahooda waxaa lagula talinayaa in ay daraasad iyo dabagal cilmiyeysan ku sameeyaan si ay u xaqiiqsadaan in xanuunka ilmaha hayaa uu yahay is-moodsiis, in uu yahay xanuun jidheed oo si dhab ah ilmaha u haya iyo in uu yahay hab dadban oo uu ilmuhu ku cabbirayo cabsi uu ka qabo dugsiga, sababta cabsidu waxa ay doonto ha ahaato ee. Qormadan muhiimka ah oo aynu afsoomaali usoo rognay waxa ay si faahfaahsan uga hadlaysaa xaaladda saddexaad ee ah cabsida uu ilmuhu dugsiga ka qabo iyo sabaha keeni kara.

Bare-sare Gerd Lehmkuhl oo agaasime ka ah Qaybta carruurta ee cisbitaalka dhimirka iyo daweynta caafimaadka maskaxda oo ka tirsan jaamacadda Cologne ee dalka Jarmalka, ayaamar uu arrintan ka hadlay waxa uu yidhi, “Haddii aad aragto ilme yar oo ka cabanaya xanuun jidheed, marka ay dhakhaatiirtu baadhaanna ay ka waayaan wax dhibaato caafimaad darro keeni karto ah, waxaa waajib ah in waalidku uu dib ugu noqdo in ay jiri karto cabsi dhinaca dugsiga ahi” Xeeldheerayaasha caafimaadka oo arrintan sii baadhay waxa ay illaa hadda xaddideen saddex qaab oo cabsida dugsiga ee ilmuhu ay ku timaaddo:

1. Ka didista dugsiga: Bare-sare Franz Retch  s oo ah agaasimaha daweynta ee Waaxda Caafimaadka dhimirka carruurta iyo dhalinyarada oo ka tirsan cisbitaalka jaamacadda Heidelberg ee dalka Jarmalka ayaa sheegay  in xaaladdan oo afka qalaad lagu yidhaahdo, School Phobia, ama School refusal oo macnaheedu yahay diidmada dugsiga, sabateedu noqon karto, Ilmaha oo ka cabsi qaba ka fogaanshiyaha waalidkii, waxaana inta badan lagu arkaa carruurta aadka u yaryar ee dugsiga markaas uun bilowday ama mararka qaarkood ilmaha marka ugu horreysa ee la geeyo dugsiga xanaanada ah.

2. Walaac bulsho: Sida uu qabo Bare-sare Franz Retch waxa uu aaminsan yahay in nooca labaad ee cabsidan dugsigu ay tahay xaaladda nafsiga ah ee ay khubarada cilminafsigu afka qalaad ku yidhaahdaan Social Anxiety oo macnaheeda aynu odhan karno ‘Walaac bulsho’ isaga oo sii sharraxayana waxa uu yidhi, “Ilmihii ayaa ka baqanaya in dugsiga ama gaar ahaan fasalka, uu kala kulmo yasid ama ku dheel-dheelid. Tusaale ahaan waxa ku dhacday in carruurta wax la dhiganaysa ama macallimiinta qaar ay ka dareemaan nooc weerar, colaad, fogeyn ama dhaqan xumo kale ah, ama in carruurta kale iska bahaysanayaan oo ay isaga faquuqayaan ama macallinku uu carruurta kale ka jecel yahay”

3. Ka warwareeggista waxbarashada: Nooca saddexaad ee uu khabiirkan ku xeeldheer caafimaadka dhimirka carruurtu sheegay waxaa afka qalaad lagu yidhaahdaa Failing School oo aynu ku macnayn karno ka baxsashada am aka warwareegista waxbarashada, isaga oo Retch sii sharraxayana waxa uu yidhi, “Inta badan xaaladdani iyadu joogto ma’aha, balse waa keliya ilmaha oo waxbarashada uun muhiimaddii ay lahayd siin waaya”

Si kastaba ha ahaato ee khubarada arrintan iyaguna u sii dhuun daloola oo uu ka mid yahay Gerd Ehmokohl oo aynu kor ku soo xusnay ayaa ku doodaya in qaybtan saddexaad ay la mid tahay uun qaybta hore oo ah in sababta ilmaha ku kallifaysa in uu dugsiga diido ama caloosha iyo madaxu xanuunaan subaxdii ay leedahay sabab gudaha dugsiga ah oo ka imanaysa dhinaca ardayda ama macallimiinta.

Ugu dambayntii daraasadahan kala duwani waxa ay isugu soo biyo shubanayaan muhiimadda ay leedahay in waalidku haddii uu ilmaha ku arko xanuun dhakhaatiirtuna wax cillad ah ka waayaan ama mid kasta oo ka mid ah xaaladaha aynu kor ku soo xusnay uu si gaar ah u baadho in ay jiri karaan sababo nafsi ah oo ah dhinaca xidhiidhka ilmaha iyo ardayda uu wax la barto ama barayaasha dugsiga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *