QISO CAJIIB AH: Samirku Waa Furaha Guusha Qoyska

Samirka aad u samirto Qoyskaaga waa Jaceyl, Dulqaadka aad u dulqaadato dadka kale waa Xushmad. Samirka naftaada waa Kalsooni. Saburka aad ku saburto Qadarta Alle waa Iimaan…

11 sano ka dib guurkoodi waxaa u dhashay ilmahoodi u horeeyay. Waxay ahaayeen Lamaane is jecel, wiilkuna wuxu u ahaa tufaaxi indhahooda. Maalin, wiilkoodi oo laba jir ah, ayaa Aabihii arkay dhalo sharoobo furan. Wuxuu ka daahsanaa shaqo, wuxuu u sheegay xaaski inay furka ku xirto, armaajada korena saarto. Hooyadi, oo Jikada aad ugu mashquulsaneyd, gebi ahaanba way hilmaantay. Wiilki ayaa arkay dhaladi, wuu qabsaday, wuuna wada cabay. Waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn loogu talagalay inay dose yar ka qaataan, caruurtuna khatar ku ah.
Goortii ilmihi dhacay, Hooyadi ayaa kula carartay cusbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday. Hooyadi qaracan & argagax ayaa isugu darsamay. Waxay ka sii naxsaneyd sida ay Saygeedi u wajihi doonto maadaama ay arrinta sahlatay.
Goortii Aabihii oo walbahaarsan yimi cusbitaalki uuna arkay meydka ilmihiisi uu sanadaha badan sugayay, wuxuu eegay xaaski, oohin ayaa wajigeedi qarisay. wuu soo ag istaagay, garabka ayuu gacanta ka saaray, wuxuu ku yiri afar eray. Maxaad u maleynaysaa inay afartaa eray ahaayeen?

Wuxuu ku yiri “Waan ku Jeclahay Gacaliso!!”
Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Way gariirtay hal mar, marnaba ma filayn hadalkan oo kale waxay sugeysay canaan iyo qeylo!
Ficil celintan ninka ee filan waaga ah waa dabeecad ku dhisan garasho qadarta Alle, Sabur, deganaan & fahan nolosha ah. Inkastoo ay xanuun badneyd sida wax u dhaceen hadana Ilmihi waa dhintay. Marnaba dib looma soo celin karo. Wax natiijo ka dhalanmeyso inuu cillad & qalad u yeelo Hooyada. Iyaduba way weyday ilmaheedi. Waxay xilligaa u baahneyd waa Tacsi & Naxariis. Taasini waa wixi uu siiyay.

Mararka qaar waxaan waqti badan ku luminaa yaa mas’uuliyada & eeda iska leh haday ahaan lahayd xiriir lamaane, mid shaqo ama dad aan naqaan, waxaana na dhaafa kalsoonidi iyo kalgacalki ay dadka xiriirka ka dhexeeya kala heli lahaayeen hadday is taageeraan.
Haddaba, miyaysan ahayn wax aad u fudud inaan cafino kuwa aan jecelnahay?

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *