Murti Macno leh

1. Dadka cidlada & kelinimada soo arkay ayaa ugu naxariis badan. Dadka murugo soo maray ayaa ugu dhoola cadeyn badan, Dadka Jab badan soo gaaray ayaa bixiya Jaceyl badan. Dhamaan sidaa waxay u sameynayaan Sababtoo ah ma doonayaan inay arkaan qof u dhibaatoonaya sidi ay ka soo gudbeen

2. Goortii aad meel sare joogto, Saaxiibadaa way garanayaan qofka aad tahay. Goortii aad soo dhacdo, adigaa garanayaa saaxiibadaa dadka ay yihiin

3. Yaysan ku niyad jabin haddii dadku diidaan in ay ku caawiyaan. Xusuuso hadalki Einstein: “Waxaan u mahadcelinayaa dadki igu yiri ‘MAYA’ sababtoo ah iyaga dartood ayaan Aniga nafteyda u qabsaday waxaana joojiyay isku haleyntoodii”

4. Saddex Xal ayay leedahay dhibaato kasta: U sabur, Wax ka qabo, Isaga tag. Hadii aadan u saburi karin, wax ka qabo, hadii aadan wax ka qaban karin, Isaga har oo faraha ka qaad

5. Ha ka dhigan farxadaada in ay ku xirnaato wax waqti kooban ah ama wax aad waayi doonto, Alle raali gelintiisa ka raadso Farxad sababtoo ah isaga keliya ayaa Baaqi ahaanaya

6. Marka xiga oo Kadeed (stress) badan aad dareemayso, xusuusnow: Marnaba laguma siin culeys ka badan mid aad qaadi karto. U noqo Rabigaa oo u toobad keen. Mar 2aad Xusuusnow: Imtixaan qaarkii wuu soo noq-noqdaa ilaa aad cashar ku qaadato, ilaa aad garato sababta ay ku dhacayaan ka dibna isbedel sameysid kuna dedaasho in aad horay u gudubto.

W/D: Farah Cawaash Beeldaje

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *