Murti iyo Madadaalo

1. Kolki uu rabo inuu aamus ku yiraahdo haweenay, ninka caadiga ah wuxuu ku yiraahdaa “Naga Aamus” ninka caaqilka ah wuxuu ku dhahaa “Bushimahaaga aad bay u qurux badan yihiin marki aad isku qabato!”

2. Sida loo xusho saaxiib fiican sanadahan dambe; Haddii saaxiibkaa ku hilmaansiiyo mobile-ka in aad eegto waa saaxiib fiican, laakiin haddii aad mobile kaga mashquusho waa adigoo qolkaaga cidlada ah ku jira oo kale

3. Goortii aad lacag amaahaneyso, ka deynso qof baasayste ah, dhanka xun wax kasta ka eega, marnaba ma filayo in aad dib u soo celin doonto

4. Hadii aad jeceshahay laba qof, dooro kan dambe sababtoo ah hadii aad si dhab ah u jeclayd kan koowaad ma aadan jeclaateen kan labaad

5. Lamaanuhu uma baahna in ay soo post-gareeyaan sawiradooda ama xiriirkooda si ay dadka ugu cadeeyaan, waxay u baahan yihiin inay iyaga isu cadeeyaan jaceylkooda. Haddii ay kala huraan uma baahna inay block isa saaraan ama waxyaabo dhega hadal ah isu soo qoraan, sidaasi waa habka ugu foolxun xiriir ku dhamaado

6. Haddii idinkoo raba inaad (group photo) sawir koox ku gashaan ay kuu dhiibaan camera-da oo ku yiraahdaan sawirka naga qaad, ha u qaadan inay ka wadaan adigaa noogu foolxun! ee sawir fiican ka qaad

7. Qofka Xaflad iyo Shir aan looga yeerin dalaq iska soo yiraahda ama dad si gaar ah u sheekeysanaya soo dhex gala waxa loo yaqaan is-casume. Weligaa ha noqon is-casume. Meel walba ka muuqo waa lagu muunad beelaa

8. Haddii aad tahay shicib; wax ha xadin, been ha sheegin, wax ha khiyaamin sababtoo ah Siyaasigu ma jecla Tartan

9. Haddii xiriirkaaga mar kasta kaa oohiyo, Fariiso, neefso ka dibna waxaad is weydiisaa “Ma Basal baan qabaa mise bini’aadan”

10. Waagi hore Deris waxaa ugu xumaa kan ku yiraahda Dooradaada iga cesho, Waayadan dambe Deris waxaa ugu xun kan Password ku xirta Internet Wifi-kooda

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *