Cunnaddii Uu Nebi Muxammed CSW Ugu Jeclaa Iyo Faa’iidadeeda Caafimaad

Cuntadu waa qayb nolosha ka mid ah, qof kasta oo bani aadam ahina wuxu jecel yahay qayb cunnada ka mid ah taas oo uu ka door bido cunnooyinka kale. Qofka inuu cunno gaar jeclaado waxaa sababa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin inuu cunnadaas ku jeclaado faa’iidada ay jirka u leedahay, in ay leedahay dhadhan cunno uu horay u jeclaa, ama inuu ku jeclaado maadaama ay jecelyihiin dadka uu jecel yahay sida waaliidkiisa iyo asxaabtiisa, tan dambe badanaa waxay bilaabataa qofka inta uu yaryahay.

Nebi muxammed (scw) wuxuu ahaa mid aad u jecel cuntada la yiraahdo sariidka (Tharid/ Thareed) oo ah cunno dhaqameed ay carabta iyo turkishada leeyihiin. Dabcan waxa Rasuulkeennu Suuban Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu jeclaana, innaguna waan jecelnahay, ama ugu yaraan waxaan ka fahmaynaa xikmadda iyo qiimaha uu shaygaas leeyahay.

Waa maxay sariidku (thareed)?

Sariidku waa cunno hore (qadiim ah) oo ay carabtii hore cuni jirtay aadna u jeclayd, sidoo kale waa cunno si deg deg ah loo diyaarin karo, waana cunno aad u heer saraysa marka laga eegayo xaga caafimadka iyo nafaqada ku jirta. Hadaba sariidku wuxu ka kooban yahay labo shay wax oo laysku daray, rooti ama sabaayad, maraq laga sameeyay hilib ama khudaar, sida loo samaynayana  waxad  jarjaraysaa rootiga waxana lagu ridayaa saxan (baaquuli) balaaran waxana guudka lagaga darayaa maraqa iyo hilibka markaas ayaa la cunayaa markay isku jilcaan waxa uu noqonayaa cunno dhadhan fiican leh, burburintiisuna ay dheefshiidka u fududahay.

Siday kutubtii hore warinayso waxa la sheegaa qofkii ugu horeeyay ee sameeya inuu ahaa Nebi Ibraahim cs. reer bani haashim na waxay ahaayen kuwo ku marti soora carabta kale ee xajka timaada, Nebiguna wuxu ahaa mid aad u jecel cunista thariidka cunnooyinka kalena ka door bida.

Xadiis uu warinayo Abi Musa Al Ashcari oo uu nabigu kaga hadlayay fadliga ay caaisha leedahay ayuu ku sheegay “Waxa la dhamaystiray in badan oo rag ah, dumarkuna ma dhamaystirna marka laga reebo Maryama Bintu Cimraan iyo Aasiya (xaaskii Fircoon) fadliga ay Caa’isho (RC) dheer tahay dumarkana waa sida fadliga uu sariidku dheeryahay cunnada inteeda kale)”.

Rootiga sariidka waxaa laga sameeyaa heed, khubarada caafimaadkuna waxay sheegeen in heeddu ay ka mid tahay cunnooyinka ugu nafaqada iyo caafimaadka badan. Waxaa ka buuxo fiitamiinno, macdano iyo maadada fiber oo aasaasi u ah caafimaad guud. Heeddu waxay qani ku tahay  fiber, molybdenum, manganese and selenium. waxaa kaloo laga heelaa copper, vitamin B1, chromium, phosphorus, magnesium iyo niacin

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in cunista heeddu ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga islamarkaana ay ka hortagto dhagaxaanta xameetida ku samaysma. Waxay kaloo xakamaysaa heerka dufanka dhiigga ee loo yaqaanno kolestaroolka.

Cunista heedda waxay kobcisaa caafimaadka dheefshiidka iyadoo jilcisa saxarada, sababtuna waa maadada fiber oo ku badan, waxay kaloo ka hortagtaa kansarka mindhicirrada.

Waxaa heedda ku jira maadooyinka calcium, phosphorous iyo copper oo ilaaliya caafimaadka lafaha kana hortaga cudurka lafo-beelka oo ku badan dumarka.

Heedda waxaa ku jirta maadada “phytonutrients” oo ka hortagta xanuunka xididka wadnaha ee loo yaqaanno “coronary heart disease”, iyo cudurka kansarka khaasatan kansarka naasaha iyo kansarka hormoonnada.

-Daryeel Magazine

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *