Xadiis Laga Soo Wariyay Nebi Muxammed CSW Oo Ay Muuqato Inuu Ka Waramayo Xaalad Hada Taagan

Nebi muxammed, nebiga, rasuulka, nabiga, nabi maxamed, xadiisQormadeennan maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa macnaha xadiis laga soo wariyey nebi Muxammed (SCW) oo uu ku sheegayo mustaqbalka in ummaddiisa oo xilliga uu joogay ahayd dad dhinaca aakhiro u jeeda badankoodu, diintana ku hanuunsanaa ay is beddeli doonaan. Nebigu (SCW) waxa uu xadiiskaas ku sheegayaa shan arrimood oo ay ahayd in ay addoomaha Alle jeclaadaan laakiin umaddiisa Muslimka ahi ay dayaci doonto iyo shan ay ahayd in ay fidnadooda iyo dhibtooda iska ilaaliyaan cabsida Allana mar kasta ku xasuustaan ama aynu nidhaahno ay ahayd in ay ka baqaan oo ka dheeraadaan oo ay jeclaanayaan. Xadiiskaas macnihiisu waxa uu odhanayaa, “Waxa uu Rasuulkeeni Muxamed ahaa (SCW) xadiis ku yidhi; Waxa ummadayda soo mari doona waqti ay Shan arrimood jeclaan doonaan shanna illaabi doonaan:

1. Adduunyada ayaa ay jeclaan doonaan oo Aakhiro ayaa ay illaabi doonaan.

2. Maalka ayaa ay jeclaan doonaan, Laakiin xisaabtanka Aakhiro ayaa ay illaabi doonaan.

3. Waxa ay jeclaan doonaan Makhluuqa laakiin waxa ay illaabi doonaan Kii Abuuray (Khaaliqa)

4. Waxa ay jeclaan doonaan Qasriyada laakiin waxa ay illaabi doonaan Qubuuraha.

5. Waxa ay jeclaan doonaan Macsiyada, waxa aanay illaabi doonaan toobad keenka.

Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *