Isbedelka Niyada ee Caadada Ka Hor

Dumarka badan  ayaa dareemo isbedello ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba xanuunka xiliga caadada. Xanuunka ugu badan ayaa laga dareemaa qaybta hoose ee dhabarka iyo naasaha. Dumarka qaarkood ayaa sidoo kale isku arka dibiryo, waxaana hoos u dhaca abiteytkooda. Xaaladaan ayaa ah mid caadi ah oo aan la xiriirin wax xanuun ah.

Sidoo kale dumar badan ayaa lumiya ama ay is badashaa dabeecadooda iyagoo uu ka yaraado dulqaadka.  Isbedellada noocaan ah ayaa waxaa ka masuul ah hormoonada isbedellada ee xiliga caadada.

Waxaa la rumaysansan yahay in fursadda ay isbedelladan iyo xanuunka caadada kahor ay ku imaan karaan uu bato markii aysan gabadhu qaadan xadi ku filan oo nafaqo ah sida fiitamiinka noociisa B6, macdanta calcium ama magnesium kuwaasoo laga helo cuntooyinka aan maalin walba cunno.

Calaamadaha Lagu Garto Xaaladaan:

  • Niyad-jab
  • Oohin iyo isxumeyn
  • Madax xanuun
  • Kacsanaan niyadda ah
  • Xanaaq badan
  • Dibiro
  • Hadalka oo si kale loo fasirto
  • Naaso xanuun iyo xanuun laga dareemo qeybta hoose ee dhabarka.

Sidee Arrintaan Loo Xaliyaa?

Haweenka badankood waxay ku fiicnaadaan markii ay bedelaan nolol maalmoodkooda, laakiin kuwa aadka u daran waxaa la siiyaa daawooyin, kuwaas oo niyadda dajin karo.
Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu kontarooli karo xaaladaas waxaa ka mid ah:

  • Jimiscisga: Jimicsiga, dabaasha, socodka iyo ka bixitaanka guriga waxay caawisaa arrintaan in ay dagto.
  • Kaalsiyamka (calcium) oo la qaato iyadane waxaa lagu arkay inuu yareeyo waxyaabo badan oo ka mid ah astaamaha la dareemo laakiin lama ogo qaabka uu kaalsiyamka uga qeyb qaato arrintaan.
  • Cuntada oo la yareeyo oo la cuno dhowr jeer oo isku dhow-dhow iyadane waxaa la arkay in ay ka qayb qaadato dajinta kacsanaanta qofka.

-Ka fogow cunista macmacaanka iyo cabbista kafeega

-Sidoo kale waxaa muhiim ah in lamaanahaagu fahansan yahay xaaladaan iyo waxyaabaha aad dareemayso si uu qeyb uga noqdo xalka, haddii usuan ogayn ama fahansanayn ama u fasirto in ay tahay edeb darro iyo wax kale waxay keeni kartaa dhibaatooyin dheeraad.

Talo Ku Socoto Ragga Xaasaska Leh:

Ragga xaasaska leh waxaan leeyahay in aad ogaataan arrintaan idinkaa uga baahi badan xaasaskiina maadaama aad tihiin dadka saamaynta ay ku yeelanayso, haddii aadan fahminne waxay keeni kartaa isfahan darro, shaki iyo isneceyn, fadlan xaaskaaga u tur, una sabir, la caadifoo oo la fahan xaalada ay ku sugan tahay, waa arrin ilaahay ku abuuray oo ka baxsan awoodeeda ma ahan wax ay iyada iska yeelyeelayso ama xakamayn karto.

Wixii aad ku caawin kartid oo niyadeeda dajin karo ama ka qeyb qaadan karo inay ka khafiifiyaan arrintaan in aad la timaado, wixii aad dhibsatidne in aadan waxba ka soo qaadin, dumarka markay xaaladaan ka baxaan aad ayay iskula yaabaan markaa u sheegtid wixii ay samaysay ama qaabkii ay kuula hadashay, taasi waxay tilmaan u tahay in markii ay xaaladaan ku jirto in aysan caadi ahayn.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *