Fikrado Kaa Caawinaya Jikada Bisha Ramadaan

Jikada, bisha ramadaan, cuntada ramadaanka, soonkaDumar badan wuxu kaga dhamaadaa waqtigoodu jikada, bishii cibaadada waxay isku badashaa bishii cuntada, bal waxaa dhaca inay ka mashquusho cibaadada oo bisha oo dhan hawl kale ayna yeelan aan ka ahayn jikada iyo cuntada. Hadaba afkaar ayaan ku siinaynaa walaashayda muslimada ah, si ayna waqti badan kaa qaadan jikadu. Waxaan rabnaa bisha quraanka iyo soonka iyo toobada, danbi dhaafka inaan ka faa’idaysano oo ayna jikadu noqon hamigeena.
Iga gudoon afkaartan :
– soo iibso cajalado diini ah si aad u dhagaysatid markaad cuntada karinaysid, si aad cilmi ukorsatid bisha ramadaan adoo cunto karinaya.

– waxa muhiimka ah ku biloow xaga cuntada kariska.

– cuntada inta ay dabka kuu saarantahay, sii samayso cuntada kale, sida saladka iyo biyaha inaad talaagada sii galisid ama timirta sii diyaarisid iyo shaaha, taas waa tusaale.

– hadaad tahay qof meel aada subaxdii iskool ama shaqo, habeenka sii diyaarso hawsha afurka, sida inaad baradhada sii jarjartid, ama wax kami ah cuntada sii samaysid, ama khudaarta sii jarjaratid.

– cuntada adoo karinaya hadii wax sii wasakhoobaan hore udhaq si aysan wax dhaqida kugu badan.

– suxuunta balaastika ah iyo koobabka balaastika cuntada ku sii dadka si aadan uxalin weel badan. ( hadii ay hawsha weel dhaqidu kugu badan tahay )

– hilibka habeenkii ka soo saaro talaagada si aad u isticmaashid isagoo kuu dhalaalay. Ama biyaha ku karkari habeenki si aad u isticmaashid bari isagoo bisil.- maalintii sii saaro miiska timirta iyo koobabka iyo weelka iwm, ha sugin inta laga gaarayo ama ka soo dhawaanayo xiliga afurku si aad u dhigtid.- ciyaal aan soo manayn hadii ay kuu joogaan, wax fudud adoon is kalifin sii oo ugu talagal, ama afurka wixii soo hara ayaa loo dhigaa si loo siiyo qadada bari.

– khudaarta aad isticmaashid jarjaro mar walba oo talaagada ku rido iyagoo badan oo inta aad ubaahantahay kala bax.

– istiqfaarka iyo dikriga ilaahay mar walba afka ku hay.

-ciyaal haday kula joogaan ku shaqayso oo udirso hawlaha yaryar, sida inay miiska wax kuu saaraan, wax kuu dhaqaan, ama kuu diiraan iwm.

FG: Fikradaha maqaalkan qaar kamid awaxaa iskaleh Saaid.net

W/Q: Sucaad A Maxamed

Check Also

Fikrado,jikada

Fikrado Kaa Caawinaya Qurxinta Guriga

Digsigu haduu kaa gubto: marar badan waxaa dhacda in digsigu uu kaa gubto oo aad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *