Faa’idooyinka Timirta Iyo Ahmiyada Ay Leedahay In La Cuno Xilliga…

Faa’idooyinka timirta ee xilliga jilaalka:

Timirta oo sida laga warqabo leh faa’idooyin caafimaad oo aad u badan, ayaa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay cunisteedu muhiim tahay xilliga Jiilaalka oo ay qofka ka ilaaliso caafimaad darro badan.

Timirta waxaa ku jira dhammaan curiyeyaasha nafaqo ee aasaasiga ah ee qofku maalintii u baahdo, waxaa ka mid ah Faytamiino, Macdanno kala duwan, Kalshiyaam, Xadiid, Bootaasiyaa, Gulukoos dabiici ah iyo maaddooyin gal leh oo jidhka siiya tamarta uu u baahan yahay, waxa se intaasba sii dheer in ay qofka siiso dugsi gudaha jidhka ah oo uu u adkaysan karo dhaxanta badan.

Qormadan oo lagu baahiyey shabakadda Al-Carabiya waxa ayu ku soo qaadanayaa faa’idooyinkaas caafimaad ee timirtu leedahay si gaar ah xilli qaboobaha jiilaal.

Jidhkay diirisaa:

Timirta waxaa ku jira maaddooyinka aynu soo xusnay oo dhammaantood xilliga jiilaalka jidhka dugsi geliya.

Dawada xanuunnada dhaxantu keento:

Haddii hargab iyo qabow ku helo xilliga jiilaalka, waxa aad isku dabiibtaa dawadan dabiiciga ah: Isku dar, Saddex xabbo oo timir ah, Hay, qaji (Bus-baas Akhtar) aad jarjartay, intaas oo ku jirta waxa aad ku riddaa biyo kulul, kadib in yar ku daa dabka si ay isugu karaan, markaa kadib inta aad ka qaaddo oo aad qaboojiso, oo aad miirto si biyaha oo keliyi u soo hadhaan, sida sharaabka u cab hurdada ka hor. Waxa uu noqonayaa dawo aad dhaqso isbeddel caafimaad uga dareent.

Xiiqda:

Timirtu waxa ay daweysaa xasaasiyadda iyo cudurka Xiiqda, oo ka mid ah cudurrada aadka caanka u ah xilliga jiilaalkii oo ay kacdo. Qofka xanuunkan qaba waxaa lagula talinayaa in uumaalin kasta subaxda iyo habeenkii cuno xabbad ama laba midh oo timir ah.

Tamarta jidhka:

Sonkorta dabiiciga ah ee ku jirta timirtu waxa ay jidhka siisaa tamar dhaqso ah.

Calool Istaagga:

Timirtu waxa ay dawo ka tahay calool istaagga. Haddii midhadh timir ah biyo lagu rido oo hal habeen ay ku radsanaato, kadibna inta mishiinka la shiido/ridqo ayaa la cabbaa arroorta hore caloosha oo madhan.

Wadnaha:

Timirtu waxa ay ilaalisaa caafimaadka wadaha, sidoo kale waxa ay caawisaa in garaaca wadnuhu uu ahaado sida dabiiciga ahaa, oo weliba uu ku xakamaysnaado in aanu yeelan saayid ama gaabis iyo in aanu khalkhal gelin. Waxa kale oo ay timirtu ka hortagtaa wadne wareenka, (In wadnaha si kedis ah loogu soo boodo oo shaqada uu joojiyo), gaar ahaan xilliga jiilaalka.

Xanuunka xubnaha (Xaglaha):

Timirta oo lagu yaqaanno in ay garaaca iyo caabuqaba dawo ka tahay, waxa ay si weyn u caawisaa yaraynta xanuunka xubnaha/xaglaha/laabatooyika, oo inta badan xilliga jiilaalkii caan ah.

Dhiigkarka:

Maaddooyinka timirta ku jira waxa ay dejiyaan dhiigga, oo ay ku ilaaliyaan heerka dabiiciga ah, sidaa awgeed waxaa lagula talinayaa qofka dhiig karka leh in uu maalin kasta cuno 5 illaa 7 xabbo oo timir ah

Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *