Qiimaha Waqtiga Iyo Sida Loo Maareeyo

Waqtigaaga, maaraynta waqtigaWaqtiga waa Mid ka mid ah hibooyinka eebe inagu mannaystay ee tiro beeley, waa waqtiga . mid ka mid ah nimcooyinka ay bulshadeenu dayacday waa waqtiga. Mid ka mid ah arrimaha lays waydiindoono maalinta qiyaame waa waqtiga………….

Qiimaha waqtiga, maqaal lagu soo koobi kari maayo, balse aan qalinkaygan dahabiga ah ku dhigo ereyo kooban oo ka hadlaya qiimaha waqtiga iyo sidii qofku u maareynlahaa.

Waqtigu waa mid ka mid ah nimcooyinka iyo hibooyinka qaaliga ah ee ALLAH mooyee aanay cidkale bixin. Waqtigu waa hanti hadii ay mar ku dhaafto aan dib loo heli karin, waxaa la yidhi , waqtigu waa nolosha iyadoo laga cabirayo qiimihiisa aan wax loo dhigaa jirin. Waxaa la yidhi, ( Time is money) “waqtigu waa lacag” iyadoo laga cabiraayo qiimaha uu leeyahay. Waxaa la yidhi,“waqtigu waa sida seefta hadaanad goyn isagaa ku goyn” iyadoo laga cabiraayo socodkiisa iyo oradka aan joogsiga lahayn ee uu ku jiro.

ALLAH ayaa marar badan ku dhaartay waqtiga jeer uu yidhi, taasi waxaa ay kuu bildhaaminaysaa qiimaha uu waqtigu leeyahay illeen shay uu ALLE ku dhaartay waa mid qiimo badane. Gabyaagii carbeed ee gabyey waxaa uu yidhi, “ garaaca wadnaha qofku wuxuu farrin u dirayaa qofka laftiisa, isgoo leh noloshuba waa daqiiqado iyo ilbidhiqsiyo”. Nebigeenii suubanaa NNKH, waxaa uu yidhi, “laba nimco ayaa dadka badidiisu mooganyihiin: caafimadka iyo firaaqada”. Diinteenuna aad ayey u gu nuuxnuuxsatey dhawrista qiimaha waqtiga.

Balse waxaa ayaan darro ah, in bulshadeena soomaaliyeed ee maanta nool, ay dayaceen qiimaha waqtiga. Badanaa inta jeer ee aad marto waddo oo aad aragto dhallinyaro badan oo fadhiya gidaarada iyo kaabadaha, badanaa inta jeer ee aad aragto dhallinyaro saacado badan ku lumiya maqaayadaha iyo shaashadaha tiifiiyada, badanaa badanaa!!. Waxaase ka sii daran in dad badan ay ku kelliftay dayacaadda waqtiga iyagoon garaneyn habkii ay u maali lahaayeen waqtigooga oo ay u maamuli lahaayeen. Ma jecelshahay in aad waqtigaaga mareyso?? Ma jeceshahay in aad beerato waqtigaaga maanta si aad midhahaas u gurato berrito??. Bal aynu jawaab u helno, sidee waqti loo maareeyaa:

Ugu horreyn ogow waqtigu waa ma doorsoome, taas waxaan uga jeedaa, innagu waqtiga ma kordhin karno mana dhimi karno, qofwalba wuxuu haystaa 24 saacdood ama 1440 daqiiqo amma 86400 ilbidhiqsi. Si aad u maareyso waqtigaaga raac tilmaamahan:

  1. Ku xidhnow ALLAH oo u dhiibo arrinkaaga: ma rabtaa ballan qaad ah, in ALLAH kuu dhawro dhammaan arrimahaaga??, ku dheg oo qabso xadhiga ALLE.
  2. Yeelo hadaf iyo yool: hadii aanand hadaf lahayn, wax aad u nooshayba ma jiro, sidaas la ajligeed waxa aad waqti u maareysaaba ma jirto.
  3. Sameyso waqti aad qorsheyso waqtigaaga: u qorshee si joogto ah, qorsheyntaada ha la socoto dabagal joogto ah iyo isxisaabin. Isticmaal aaladaha kaa cawinkara arrinta sida, (Todo list) iyo waxii la mid ahba.
  4. Mudnaanta sii kolba arrimaha muhiimka ah: ha isku dhexyaacin, arrimuhu iskuma jiraane kala hormee, waxaa jira wax la dhaho (Time management matrix) oo kula saarta arrimaha afar waaxood oo waaweyn oo kala ah (1. Arrimo muhiim ah balse aan degdeg ahayn, 2. Arrimo degdeg ah balse aan muhiim ahayn, 3. Arrimo aan muhiim ahaynd degdegna ahayn, 4. Arrimo muhiim ah degdegna ah).
  5. Jooji dib u dhigista: waxaa ay dhaheen ( procrastination is the thief of time, collar him), oo macne ahaan ah “ dib u dhigistu waa tuuga waqtiga ee xidh”, waxaa ay ku maahmaaheen ingiirsku, (wax aad maanta qabankarto berrito ha u dhigan)
  6. Iska jir tuugta waqtiga: waxaa kamid ah saaxiibada, internetka, TV-ga IWM. Samayso siyaasad kuu gaar ah oo aad ku hagto dhammaantood, iskana jir yaaney waqtigaaga cadow ku noqone.

Tixraac :

  1. Quran Al kareem.
  2. Xadiisyada nebiga NNKH.
  3. Successful time management MTD Training

W/Q: Eng Suleiman Maxmuud Jaamac

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *